Sheekh Danbiilayaal Tarbiyadii Ubadkooda Dayacay Ku Tilmaamay Waalidiinta Carruurtooda U Ogolaada Daawashada Tv-ga MBC
(Hadhwanaagnews) Tuesday, August 07, 2012
Riyadh, (Hadhwanaag/United Press):- Mid ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Sucuudi Arabiya oo lagu magacaabo, Sheekh Maxamed
Riyadh, (Hadhwanaag/United Press):- Mid ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Sucuudi Arabiya oo lagu magacaabo, Sheekh Maxamed Saalax Al Munjid, ayaa waalidiinta carruurtooda u ogolaada daawashada filimada carruurta ee uu baahiyo hilinka sadexaad ee telefishanka MBC ku tilmaamay danbiilayaal iyo khaayimiin tarbiyada ubadkooda meel kaga dhacay, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee (United Press) oo warkaas qortay.
Sheekhan oo sanduuqiiisa gaarka ah ee shabakada Twitter qoraal uu ku baahiyay, arrintan kaga hadlay ayaa yidhi, Waxaan daawaday qaybta carruurta u gaarka ah ee Telefishanka MBC-da
gaar ahaan hilinkooda 3aad, markaa waxaa ii cadaatay in qof kasta oo waalid ah, oo ubadkiisa kaga taga iyaga oo daawanaya, una ogolaada inay daawadaan telefishankaasi, ay yihiin danbiilayaal aan shaki ku jirin, oo khaayimay tarbiyadii ilmahooda, isla markaana gabay amaanadii ka saarnayd barbaarintooda. Ayuu yidhi Sheekhaasi.
Sheekhani sida kulul u dhaleeceeyay barnaamijyada uu baahiyo telefishanka MBC qaybtiisa carruurta ee Channel-ka Sadexaad, cadayn badan kamuu bixin sababta waalidka daawashadiisa carruurtooda u ogolaada, hasa yeeshee waxa uu ku tilmaamay inay yihiin danbiilayaal oo aanu shaki ku jirin, isla markaana ay gabeen oo dayaceen barbaarintii carruurtooda sida uu hadalka u dhigay.
Hilinka sadexaad ee telefishanka MBC waxa uu ka mid yahay, telefishanada u gaarka ah carruurta ee shabakada MBC, waxaanu inta badan baahiyaa barnaamijyo la xidhiidha carruurta iyo tarbiyadooda oo ay raacsan yihiin, sawiro kartoon ah oo faah faahinaya waxyaabaha carruurta looga sheekaynayo.
Sheekhan ayaa isagu mar hore ka dhiidhiyay si baana u canbaareeyay, sawirada kartoonka ah ee laga matalo culimada iyo dadkii taariikhda ku lahaa diinta Islaamka, oo aanay xitaa ku jirin, asxaabtii iyo anbiyadii, waxaanu tilmaamaha laga sameeyay ama laga matalayo culimadii hore ee diinta Islaamka ku tilmaamay meel ka dhac, xaaraan ah oo aanay banaanayn in la sameeyaa, inkasta oo suaalo dhawr ah oo laga waydiiyay uu ka gaabsaday.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com