aqoonteedii iyo waayo aragnimadeedii lahaayeen, sidaana ay ku kasbadeen kalsoonidii. Horeyso iyo dambeysaba kaalinta madaxdhaqmeed haybad iyo karaamo kula lahaa waxay ahayd nabadaynta bulshooyinka degel wadaag ah markay xurkufo iyo xasilooni darro ka dhex aloosanto. Daawaantay iyo deminta colaaduna waxay ahayd ta ugu muhiimsan. Sida darteed ayaa waxa lama huraan ah in madaxdhqmeedka sebenku ku ekaado kaalintaa soo jireenka ah ee ay ummada ugu igmanaayeen.
Iyada oo dalkuba sidiisa ula liito jahawareer siyaasadeed oo la garan la´yahay xukuumaddii dalka taladiisa haysey meel ay ka socoto iyo meel ay ku jiheysantahay toona, ayaan waxaan marnaba haboonayn in ay qaar ka mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal ay ku dhex milanto qaabka iyo farsmada dib u dhiska iyo Saami Qeybsiga Wershedda Sibidhka ee magaalada Berbera sababtuna waxay tahay arrintu way ka baxsantahay xeyndaabka cimaamadda madaxdhaqmeed ka taliyo. Inaga oo ogsoon in dalku u baahanyahay wershedeyn iyo horumar kaleba ayaa isla markaana wax habboon in jidka wax ku qabsoomayaan aan indhaha laga lalin. Marka wershed sibidh la hirgelinayo waxa ka horeysa in si cilmiyeysan looga baaran dego dhib iyo dheef masruuca noocan ah wixii ka iman kara. Cidda daraasadda samayneysaan waa in ay noqdaan dad aqoonteedii leh oo lagu kalsoonaan karo. Ka dibna waxay ummaddu iska kaashan kartaa maal gelinta wershedda iyadoo gancsatada iyo bulshadu gudo iyo debedba ka qeygeleysa. Shakhsi iyo kooxi toona xaq gaar ah uma laha in ay ku kaliyeysato maalgashiga dalka e ha la ogaado in loo simanyahay.
Sidaa marka ay tahay ayaan haba yaratee kaalini uga bannaanayn kooxda madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal e leh waxaanu go´aan ku gaadhnay in laba wershedood oo sibidh Berbera laga dhiso. Kooxdan warbaahinta hadba wax ka soo tebineysaa ha ogsoonaato in ay qori dab leh ku qabteen ummaddii ay madax dhaqmeedka u ahaayeen, oo waa taa markhaati madoon laba goosan u kala dhaqaaqday. Arrintaasi waxay qumaati u dureysaa caqliga fayow oo inna tusaya in awood dhaqaale wixii la helyo meel la isugu geeyo si ay u fududaato kicinta wersheddan laba iyo labaatanka sannadood fadhidey. Waxa la gudboon madaxdhaqmeedka dalka gebebi ahaantoodba in ay ka waantoobaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha maa daama aynu ka soo gudubney xiligii ay xukuumad iyo madaxdhaqmeed talada dalka ku hirdami lahaayeen.
Ugu dambeyntii waxanu leenahay inta arrintan si toos ah fara ugu la jirta iyo inta daaha dabadiisa ka riixaysaba: Hayaanku marbuu ahaa; mar labaad si fudud gibilka saarimayse, yaan meesha lagu karaamo seegin. Madaxdhaqmeedoow shaqadaadii ku ekow oo halka baylahda dhabti ihi ka jirto ka hawl gala.
Magacaya dadka fikradan soo jeediyey:
1. Ahmed Ali Ibrahim
2. Hassan Osman Abdi
3. Adam Mohamed
4. Omar Mohamed
5. Abdirashid Hassan Ahmed
6. AbdiHakim Mohamed Abdillahi
7. Mousa Nour Duale
8. Ahmed H. Mohomed
9. Ahmed Ismail Meygag
10. Abdirezaq Hassan Adam
11. Abdi Ibrahim
12. Awil Adam Mohamed
13. Abdirasheed Ali Hassan
14. Ahmed Ali Hassan
15. Omar Hassan mohamoud
16. Yassein Abdillahi Elmi
17. Abdi Mohamed
18. Saeed Adan Mousa
19. Ibrahim Ali Osman
20. Dr. Kendiid Ali Hassan
21. Mohamed Osman Ali
22. Eng.Mohamed Abdillahi Nur
23. Hassan hussein Migane
24. Ali Abdi Jama (Ali Jackson)
25. Mukhtar Abdillahi Nur
26. Kendiid Ali Amman
27. Hussein Liban
28. Ibrahim Hassan Warsame
29. Muse Jama ( Muse Casood)
30. Mohamed Yusuf Ali
31. Ahmed Abdillahi (Gadhle)
32. Mustafe Hussein
33. Abdi Fatah Ahmed Mohamed
34. Farhan Abdilahi Elabe
35. Cabi M. Mohamud Omar Hashi
36. Abdirahman Yusuf (Anis)
37. Mohamed Ibrahim Qalinleh (Ciro Side)
38. Mohamud Khayre
39. Mohamed jama nuur
40. Cali Cabade
41. Ibrahim Mead
42. Abshir Nur Omar
43. Abdiqadir Muhumed Mah
44. Abdi Ismail (Dhamac)
45. Abdi Kayd Sahardid
46. Abokor Ibrahim Mohamed
47. Ahmed Mohamed Suleiman
48. Ahmed Nasir Mohamed
49. Ahmed Yassin Mohamed
50. Eric Raymond
51. Hassan Guleed
52. Ismail Hersi
53. Osman Hashi Awad
54. Hassan Adami(Cadami
55. Awale Abdirahman Mohamed
56. Abdirahman Batun
57. Ahmed Abdi Guleed
58. Yousuf Ahmed Absiye
59. Yousuf Jabouti
60. Dahir Mohamed Rageh
61. Mohamed Osman Ahmed
62. Ismail Yamakama
63. Mursal Odowa
64. Hussein Garage
65. Mohamed Ahmed H. Elmi
66. Abdirahman Kuwaiti
67. Mohamed Ali Hersi(Deeq)
68. Mohamed Osman Hashi
69. Mohamed Ali Egeh
70. Warsame Ali Egeh
71. Abdirahman Yousuf Osman
72. Ali Yousuf Osman
73. Ali Hassan Awale
74. Nasir Hassan Awale
75. Jamal Abdirisak (Jayna´ade
76. Abdirizak H. Ibrahim Jayna´ade
77. Mohamed Ibrahim Gamoute
78. Anwar Omar Kujoog
79. Jama Awl
80. Mohamed Ali Kostin
81. Ali Ibrahim
Ahmed Suleiman
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga