|
|
C/Raxmaan Cirro waa kuma?? ka bogo maqaalkan! by Eng.Farhan Fagah-Fagah (Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2012 Waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland dibad iyo gudaba,waxa kale oo aan
Ramadaan Kariim Waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer Somaliland dibad iyo gudaba,waxa kale oo aan salaan gaar ah salaamaya dhamaan hawl-wadeenada shabakaddan caalamiga ah oo runtii habeen iyo maalinba u heelan inay warar fresh ah oo la hubo inooga soo tebiyaan dunida dacaladeeda iyo dalka hooyaba.
Waxa ayaamahan indhahaygu ku dhacayeen maqaalo aflagaaddo ah oo dad wax magarato ahi ku xajiimeynayaan guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,ahna guddoomiyaha ururka waddani Danjire C/raxmaan Maxamed cabdilaahi(Cirro).
Maadaama oo aynu nahay dad muslim ah waxa ilaahay inaga xaaraantimeeyey in qof wax aanu ahayn laga sheego,weliba waxaan ku jirnaa bishii barakeysnayd ee Ramadaan ilaahay fadligeeda ha ina siiyee. Akhristoow dhowr maqaal ku sheeg oo lagu aflagaadeynayo muwaadinkan xilka qaran haya oo runtii aan indhaha mariyey waxay ahaayeen
qormooyin ka araddan milgaha saxaafadda,milgaha bini,aadanimada,shaqsiyaadka qorayna waxaan 100% idiin xaqiijin karaa inay yihiin kuwo aan aqoon u lahayn mudanaha aan magaciisa kor ku xusay,balse bawsaday,xididka xaasidnimaduna dhaqdhaqaaqay,iyagoo ka xun xawaaraha xawliga ah ee afkaarta siyaasdeed ee gudoomiyaha.
Waa ramadaan beentuna waa xaaraan ee haddaan xoogaa dulka xaadis ah idiin dul maro shaqsiyadda Danjire C/Raxmaan Cirro waxaan aqaanay muddo rubuc qarni ah(25 sano). Danjire C/raxmaan waxa laga soo bedelay wasaaraddii arimaha dibadda ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxana loo soo magacaabay qunsulka safaaradda soomaalida ee Moosko(Moscow).
Anigu xilligaas waxaan ka mid ahaa ardaydii soomaaliyeed ee Russia wax ka baran jirtey. Waxa ruushka wax ka baran jirey kumanaan arday ah oo isaga kala yimid in ka badan 200 oo dal oo dunida dacaladeeda ah,waddanka qura ee ardaydiisa aan lacag ay ku debertaan noloshooda aan siin jirina wuxuu ahaa Soomaaliya. Xilliga fasaxa jaamacadaha lasoo galo safiirkii xilgaasi raali kamuu ahaan jirin in ardaydu timaaddo safaaradda iyo agagaarkeeda. Waxa soomaalidu tiraa albaab furan lama galo balse weji furan baa la galaaye,waxa ardaydii bar kulan u noqotay shaaha lagu wada cabbo laguna sheekeysto guriga qunsulka waa Danjire C/raxmaan Cirro, mudanuhu isagoon u kala eegin ardayda qabiilkooda ama qaybta soomaaliya ee ay ka yimaadeen wuxuu u qaybin jirey lacag jeebkiisa ah, halkaasna waxaa kaaga bidhiiqi kara ama kaaga iftiimi kara deeqsinimada iyo shaqsiyadda mudanahan.
Sannadkii 1988 waxa arday aanu saaxiib nahay loo soo sheegay hooyadiis oo ku xanuunsanaysa meel loo qaxay oo Hargeysa dusheeda ah dhinaca xadka Ethiopia. Saaxiibkay wuxuu go,aan ku gaaray inuu dhoofo,si uu usoo arko xaaladda dhabta ah ee hooyadii macaan ku sugan tahay. Wuxuu tegey safaaraddii Ethiopia ee Moscow,beenaale markhaatigiisuu fogeeyaa saaxiibkay waa xayi waa noolyahaye waxa la weydiiyey wuxuu ka doonayo Ethiopia,wuxuu u sheegay in Hooyadiis oo kasoo qaxday Hargeysa dagaalada ka socda ay ku xanuunsan tahay gudaha dalka Ethiopia. Safaaraddu waxay saaxiibkay ku wargelisay in eeriyadaas uu sheegay inuu u socdaalayo ay ka socdaan dagaalo qaraar oo jabhadda SNM kula jirto ciidamada dowladda Siyaad Barre,marka aanay fiise siin karin ilaa uu soo xaqiijiyo inuu yahay taageere SNM ah iyagoo markaas ka cabsi qabay in dad sirdoon ahi dhinaca Ethiopia uga talaabaan xeryaha ama degaanada SNM-tu ku sugan tahay. Saaxiibkay wuxuu ku yiri hawl-wadeenadii safaaradda sidaan kusoo xaqiijiyaa arrintan,way is eegeen,wayna ku qosleen iyagoo ku yiri haddaad SNM taageere u tahay waa inaad taqaan wakiilka SNM ee Moscow kula jooga!!!Saaxiibkay wuxuu nimankii ka codsaday inay u sheegaan magaca qofkaas si uu warqad caddayn ah uga soo qaato,balse way diideen inay magaca muwaadinkaas shaaciyaan. Saaxiibkay wuxuu safaaradda Ethiopia kala soo kulmay ayuu Danjire C/Raxmaan Cirro uga sheekeeyey,wuxuuna C/Raxmaan ku war geliyey ardaygii inuu warqad u qori doono fiisadana loo fududeyn doono. Danjire C/Raxmaan Cirro ayaa warqadii saaxiibkay usoo qoray,sidaas ayuu fiisadii ku helay, kuna dhoofay. Madaarka magaalada Moscow ee Sheremetovo-2 waxaan kula kulmay oo C/Raxmaan ii diray aniga iyo arday kale ilaahay ha u naxariistee Muj.Carmiye Odowaa oo London usoo socday transit-na ku ahaa halkaas, Marxuumkaasi wuxuu noo sheegay inaanu soo diiwaan gelino dhamaan ardayda wax ka barata Ruusha ee ah taageerayaasha SNM,liiska magacyada iyo sawiradana haloo dhiibo Danjire C/Raxmaan Cirro, isagaa noo soo gudbin doona si laydinku soo sameeyo teesarooyin.Halkaas waxaa kaaga bidhiiqi kara ama kaaga iftiimi kara in mudanuhu halganka dhinaciisa kaga jirey.
Magaalada Moosko waxa sannadihii 1987 ilaa 1995 oo ah intii Danjire C/raxmaan Cirro safaaradda joogay soo maray kumanaan kun oo soomaaliya oo socoto ah, oo maanta intii nooli ku kala sugan yihiin caalamkoo dhan. Mudanuhu wuxuu ahaa shaqsiga qura ee intaas oo dad ah dhinac dhaqaale iyo dhinac documents-ba ka caawin jirey. Waxaan ka marag kacayaa ilaahay hortiis guriga qunsulka oo sida koronkorada dadku isu dul fadhiyaan oo jawaano sonkor iyo bariis ah lagu cuno maali walba,oo reerkii guriga lahaa hurada fadhi ka dhigteen, markay meelay fadhiistaan waayeen.
Danjirahan la,aantiis walaahi kumanaan soomaaliyeed ayaa maanta waddamada ay ku sugan yihiin aan joogeen ee barafka Ruushku dili lahaa. waa shaqsi jecel inuu qof walba qanciyo,ilaahayna ku manaystay deesinimo,ixtiraam iyo afgaabni. Waxaan u malaynayaa shacabkeennu waxay amaanaan shaqsiga tuugga ah,hadalka badan,aan waxba xeerin,dhiigyacabka ah ee leh dhamaan sifooyinka ilaahay nacdalay oo dhan, balse shaqsiga fiican cadow kale oo aan dadkiisa ahayn maleh,taasina waa god-dalooladeena u baahan inaan saxno. Qofka qof muslim iyo gaal wuxuu doono ha ahaadee wax aanu ahayn ku sheega, qalbigiisu waa daciif,if iyo aakhirona wuu ka shalayn doonaa. Su,aasha isweydiinta leh ayaa waxay tahay kuwa arrimahan waqtigan soo qorayaa ujeedada ay ka leeyihiin maxay tahay? Maxaa SNM oo Soomaaliland dhashay hadda dib usoo nooleeyey?? Madaxweynayaashii soo maray Somaliland 2 ka mid ahi SNM may ahayn, haddana shacabkaa doortay. Dastuurka kuma qorna in musharaxa madaxweynaha ama qofka mansab ka qabanaya Somaliland waa inuu ahaa xubin firfircoon oo SNM ah.
Waxaan maqaalkaygan kusoo afmeerayaa in Danjire C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) yahay halyey qaran oo aan geyin xagxagasho, cambaareyn iyo eedeymo aan sal iyo raadtoona lahayn. Mudanuhu waxay ahayd inuu hal qarni ka dib dhasho,maadaama ay qarni ka dib jiri doonaan jiilal ka IQ-sareeya wax magaratada hadda inagu badan, oo ay si fiican isula jaanqaadi lahaayeen.
Danjire C/Raxmaan Cirro waa shaqsi qarankan curdinka ahi u baahan yahay, waa cadowga musuqmaasuqa,waa cadowga caddaalad darrada,waa saaxiibka dhabta ah ee horumarka iyo sinnaanta. Waa shaqsiga qura ee maanta carabta oo ciidoodii iyo saxaarahoodii cuslaysay ciid ka iibin kara,iskiimooskana baraf ka iibin kara. Ha layska dhaafo is xasidka,warxumo-tashiilka,madaxda qarankana xag-xagashada ha laga daayo oo ilaahay ha laga cabsado.
The truth will prevail.
Wabilahi tawfiiq
Eng.Farhan Fagah-Fagah farhanabdalla@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
|