Ictikaafku waa masaajidka oo lagu negaado mudo ama amin waqtiga ka mid ah. Waana cibaado sugan oo sunihii Rasuulka SCW ka mid ah. Waxaana uugu caansan ictikaafka 10kan cisho ee Ramadaan u danbeeya la guto.
Sida loo ictikaafayaana waxaa weeye masaajidka ayaad u guuraysaa oo aad ku negaanaysaa kuna jiraysaa 10kaas cishaba habeen iyo maalinba. Xikmada weyn ee ictikaafka ku jirtaana waa u
go`id cibaadada ILaahay SWT loo go`aayo oo aduunyo iyo hawlaheeda oo dhan faraha laga qaadaayo siday u dhan tahay, mudadaas aad ictikaafka ku jirtid.
Qu`r`aan akhris, salaat, dikriga ILaahay SWT iyo baryadiisa ayaad u sahay qaadanaysaa oo aad guntiga u xidhanaysaa hawlaha aduunyana waad laalaabaysaa gebi ahaanba wixii aan daruuro ahayn.
Cabdillaahi ibna Cumar ibnu Khadaab RC wuxuu yidhi ` Rasuulkii SCW 10ka cisho ee ramadaan u danbeeya wuu ictikaafi jiray` Bukhari iyo Muslim ayaa soo wada saaray xadiiskaas.
Caa`isha Bint Abubakar Assidiiq RC waxay tidhi ` Nebigii SCW wuu ictikaafi jiray bil kasta oo Ramadaan 10ka u danbeeya, ilaa intuu ka god gelaayey, geeridiisii ka dibna haweenkiisii ayaa halkiisii ictikaafka ka sii waday` Xadiiskana Bukhaari iyo Muslim ayaa soo wada saaray.
Abu Hurayra RC wuxuu asna yidhi ` Nebigii SCW 10 cisho ayuu Ramadaan walba ka ictikaafi jiray, hayeeshee sanadkii uu geeriyooday bishiisii Ramadaan 20 cisho ayuu ka ictikaafay` Bukhaari ayaa soo weriyey xadiiskan.
Intaad ictikaafka ku jirtid arimaha aan sharcigu ogolayn waxaa ka mid ah
1. Galmada--------Aayad Quraan ah ayuu ILaahay SWT arintaas ku xarimay.
2. Dhamaanba arimaha kale ee hamada ama shahwada la xidhiidha sida, dhunkashada, taabashada, IWM
3. Hadalka xun ee markiisa horeba denbiga ah sida xanta, cayda,...IWM, ayaguna si gaar ah ayay marka ictikaaf lagu jiro u sii reeban yihiin.
4. Sheekada iska laqwiga iyo halaasiga ah ayaan qudheeda la amaanin
Arimaha banaan marka ictikaafka lagu jiro
Dhamaaanba wixii daruuro ah ee aan laga maarmi karin, naftuna ay kugu khasbayso inaad u baxdid sida, musqusha, xamaamka, cunada, cabitaanka ...........IWM.
Ramadaan Mubaarak-------Walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin
Wasalaamu calaykum wa raxma
Bashe Abdillahi Qulumbe, London
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga