Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


ka fiirsada hagardaamada reer buuhoodle by: Mustafa Abdikader


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2012
marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha hadhwanaagnews marka xigta waxaan salaamayaa

marka hore waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha hadhwanaagnews  marka xigta waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer somaliland waxaan leeyahay asalaamu calaykum

marka aan u soo daadago xudunta odhaahdayda ama maqaalkayga waxaan doonayaa inaan inyar wax ka yidhaa arin maalimihii u danbeeyay shacabka reer somaliland dhagahooga aad uga guuxaysay oo ahayd wafti ka socda jabhadii ssc oo uu hogaaminayay xaglo toosiye iyo raxan la socotay oo ku magacaaban salaadiinta beesha  dhulbahante run ahaantii soo dhawaynta ilaa heerkaas


ah ay ula muuqatay dad badan oo reer somaliland ah in laga bad badiyay .  kooxdaas oo la odhan jiray S.S.C oo run ahaantii geed dheer iyo mid gaabanba u kortay sidii ay u wiiqi lahayd cududa qarankan somaliland kufano ee ciidan ayay garatay dawlada silaanyo in ay  kharash badan ku baxiso marxabaysiintooda iyadoo ayunu wada og soonahay in madaxweyne silaanyo uu u diray wafti aad u miisaan culus oo uu iskugu jiray wasiiro iyo madaxda xisbiyada

markii uu bilawday wada hadalku durbadiiba la laabkacay odayaashii reer buuhoodle oo madasha keenay saddex qodob oo ay ku xujeeyeen madaxdii ka socotay somaliland in ay si deg deg ah u fuliyaan  saddexdaa qodob oo kala ah ..

 Qodobka koowaad ee ay dalbadeen in degdeg loo fuliyo  ayaa ah in ciidamada Somaliland ee jooga jiida Buuhoodle dib loo soo raro laguna celiyo fadhiisamadii ama meelihii dagaalkii Kalshaale horteed ay deganaayeen,iyadaan wax shuruuda la dabadhigiin degdegna loo fuliyo qodobkaas.

 Qodobka labaad ay sidoo kale ay madasha keeneen  ayaa ah in shuruud la´aan lagu sii daayo maxaabiista Dhulbahante ee xabsiyada Somaliland ku xidhan ama dagaal ha lagu qabto ama si kaleba halagu soo qabtee waa in la sii daayaa.

Qodobka sadexaad ee dalbadeen ayaa ah in saamigii Dhulbahante ku leeyahay dawlada Somalland ama loo ogolyahay hadda la sugo oo la cadeeyo oo la qanciyo, hadda badka la soo dhigo si loogu go´aan qaato.

seddexdani qodob oo qodobka 2-aad iyo qodobka 3-aad u muuqdaan qaar sahlan oo ay xukuumadda Siilaanyo sidooda u fulin karto balse qodobka 1-aad ayaa noqon kara mid aanay xita xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo awood buuxda u lahayn inay ciidamadda qarranka ka soo qaado jiidda aagga berri ee ciidanka qarranka Somaliland gaadheen kuwaasi oo dhalin karo cadho ay ciidamadda qarranka Somaliland iyo weliba shacabka reer Somaliland kula dul dhacaan sababta oo ah waxa aan is qabanayn Somaliland ayaanu ka mid nahay oo nabadi ayaanu qaadanay ciidankii qarankana naga qaada taas oo u muuqata khiyaamo ay soo maleegeen kooxaha nabad diidka ah ee buuhoodle gabaadka ka dhigta

 

wararka la isla dhex marayo ayaa tibaaxayaan in la siinaayo jagadda Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qarranka Somaliland oo ah ninka seddexaad ee ugu awood badan qarranka, siyaasiyiinta mucaaridka ayaa ku andacoonaya sida loogu aamini karo hogaamiye mucaarid ahaa inuu madax ka noqdo wasaarad ay hoos yimaadaan sirtii qarranku.

isla week ka hor ayay ahayd markii mid ka mid ahaa kooxda ssc loo magacaabay wasiir u duulaha nabadanynta gobolada bari

hadaba ma la odhan karaa beesha dhulbahante way ku qanci karaan hal wasiir  wasiir u duule loo magacaabo mise honkoodu  wuu ka weyn yahay intaas

 

Alla Mahad leh ..

 

by: Mustafa Abdikader

mustafe077@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.