face=Calibri>M. Jimmy oo ah wiil dhallinyaro ah oo dadiisu tahay 25 jir, kuna noolaa magaalada Ipswich ee dalka Ingiriiska, ayaa dib ugu soo noqday madaarka Heathrow ee caasimadda London, kadib markii uu waqti la soo qaatay saaxiibaddii oo Scotland ku nool.
Shaqaalaha caymiska ee Ingiriiska, ayaa sheegay in ninkaasi waxa dhacay ogaaday, kadib markii hawlwadeennada amniga madaarkaasi u soo celin wayeen shandadiisii cadarka bamka u eg ku jiray.
Waxaaban ka warhelay dadka oo si fajac leh ii soo eegaya, wax fikrad ahna kamaan haysan waxa dhacaya. Waan yara sugay, qof wax ii sheegayna muu jirin, dabadeedna waxay i weydiiyeen sababta aan shandada ugu sito bambada. Waan argagaxay, waanan fahmi waayey waxay u jeedaan, balse waxaan garwaaqsaday inay tahay cadarkaygii.
Waxa kaloon la yaabay waxay ahayd ciidammada bilayska oo isu kay hareereeyeey. Wax aan sameeyo ayaan garan waayey, manaanan aaminsanayn in waxan oo kale igu dhacayaan, ayuu yidhi Mr.Ho Jimmy oo arrinta ku dhacday ka hadlayey.
Shaqaalaha amniga madaarka ayaa shandada ninkaas ka saaray walxada ay ka shakiyeen, kaasoo dhab ahaantii ahaa cadar nashqadda bambada leh, waxaanay tijaabiyeen, ciidammada bilayskuna waxay ninkaas dhowr jeer weydiiyeen in quraaradu halis noqon karto, iyagoo sugayey ilaa intii natiijada laga soo saarayey.
Mr. Ho waxa uu intaa ku daray; Waxay tijaabinaayey 30 daqiiqo, intii waqtigaas lagu gudo jirayna waxa aan sameeyo ayaan garan waayey. Dib baan u fikiray, waxaanan qaatay in nashqadda quraaradu baxar i gelisay, waana madaar oo waxa fiican in walax kasta baadhitaan adag la mariyo.
Ciidammada bilayska oo goor dambe xaqiiqsaday in quraarada shandada laga helay tahay cadar, waxay Mr. Ho sii daayeen 45 daqiiqo kadib waqtigii uu ku qornaa diyaaradda.
Ibraahim khadar Saciid
Hadhwanaagnews.Office Hargeysa
ibraahimkhs@hotmail.com