Hargeysa(HWN):-Masuuliyiinta wasaarada duulista iyo hawada Somaliland iyo shirkada gacanta ku haysa dhismaha madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa ayaa maanta si wada jira uga war bixiyey halka ay marayso hawsha dhismaha madaarkaas.
Masuuliyiinta oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen inay bilaabantay wajigii hore ee dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.
Ugu horayn agaasimaha guud eee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Axmed Dalal Faarax oo ka
hadlayey sida ay u socoto hawsha dhismaha madaarka caasimadu ayaa sheegay in shirkada gacanta ku haysa ee Chine Hono Group ay si rasmiya u bilawday wajiga koowaad ee dhismaha madaarka waxaana hadaladisii ka mid ahaa ;mashruuca lagu dhisayo madaarka caasimada waxay hawshiisu bilaabantay oo la saxeexay bishii March, shirkada dhisaysana xaq ayey u lahayd inay mudo sadex bilooda ku soo diyaar garawdo, mashruucan mudada uu soconayaa waxay ahayd shanyo toban bilood waxaanu rabnaa inaanu mudo kooban oo ilaa sanadkan dhamaadkiisa ah ku soo gabagabayno;
Agaasimaha guud ee wasaarada duulista oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in wajiga koowaad ee shaqadu hada bilaabmay waxaanu yidhi ;shaqadu sadex waji ayey lahayd midi wuxuu ahaa sahanka lagu samaynayey garoonka waxa kale oo ka mida in dayrkii uu yeelanayo garoonku isagana la eego halka laga dhigayo waxaana ugu danbaysay qorshihii lagu keenay qalabka lagu dhisayo garoonka imikana waxa bilaabantay in la hubiyo qalabkan hada yaala iyada oo shaqo kooban lagu qabanayo, waxaana bilaabantay wajiga koowaad ee dhismaha garoonka.
Ugu danbayntii agaasimuhu waxa uu sheegay inay joogtayn doonaan sidii ay bulshada ula socodsiin lahaayeen halka uu marayo dhismaha madaarku isaga oo shacabkana u sheegay inay hawshan gacanta ku hayaan dad kalsooni badan lagu qabo inay mudadii ay ugu tala galeen ku dhamaystiri doonaan dhismaha madaarka caasimada.
Sidoo kale agaasimaha waaxda duulista iyo hawada ee wasaarada duulista Siciid Mahdi Ileeye oo isaguna ka hadlay sida ay u socoto hawsha dhismaha madaarka caasimadu ayaa waxa uu dadweynaha Somaliland u sheegay inay hada socoto hawsha dhismaha garoonka magaalad Hargeysa waxaanu yidhi ;dadweynaha waxaan u sheegaynaa inay hada socoto dhismaha garoonku, Run Way-yada diyaaraduh ku soo dagayaan waxa loo qiyaasayaa inta uu iska xejin karo iyo inta uu biyo shub yeelanayo qalab u gaara oo lagaga shaqeeyana wuu leeyahay,shaqada imika ka socota garoonku waxa weeyaan in la soo dhiso meelaha jilicsan ee u baahan in la adkeeyo si ay iskaga xejiyaan diyaaradaha ku soo dagaya, markaa dadweynaha waxaan leeyahay garoonku maaha wado la dhisayo ee waa mid ka balaadhan sida aad moodaysaan ee ha loo samro mudada uu dhismahiisu socdo.; ayuu yidhi agaasimaha waaxda duulista ee wasaarada duulista iyo hawada Somaliland.
Sidoo kale Dr. RC Gubta iyo Dr.Rami Chehade iyo manager-ka shirada Chino Hono Group Wen Dao Liang oo iyaguna ka mida masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha madaarka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay mudadii loogu tala galay ku dhamastiri doonaan dhismaha madaarka iyaga oo xusay inay hada bilaabeen wajiga koowaad ee dhismaha madaarka caasimada Hargeysa.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com