ahayd ah, kadibna madaxa dhulka ku dhufatay, waxay xasuusteedu masaxnayd muddadaas aadka u dheer, waxaanay moodaysa inay wali ku jirto dada 30 jirka, balse dadeedu waa 55 jir, waxaanay aad ula yaabta sida wejigeedu u gabooba, maadaama ay isu haysato wali dhallinyaro.
Haweenaydan waxay u haysataa in taariikhdu tahay 1990 waqtigaas oo Ingiriiska ay Raysal-wasaare ka ahayd haweenaydii ugu horraysay ee dalkaas Raysal-wasaare ka noqota oo la odhan jiray Margaret Thatcher.
Hooyadan oo saddex carruur ah ilaa iyo hadda ma xasuusato goorta ay dhashay wiilkeeda ugu yar carruurta oo la yidhaa James dadiisuna tahay 19 jir.
Miss Delaney waxay intii aan shilkan ku dhicin maamule ka ahayd xarunta dadka waaweyn lagu xannaaneeyo, balse waqtigan ma awooddo inay xataa koob shaah ah samayso, waxaana habeen kasta hees Fransiis ah ku seexiya saygeeda.
Gabadhan waxay dhib ka haysata xusuusta gaaban iyo ta dheerba, mana awooddo inay xataa dharka xidhato xasuus darro aawadeed.
Xataa sheegi karo xannuunka i haya iyo dareekayga aan waayey, maalin kasta ma awooddo inaan xasuusto carruurtayda kortay, iskaba daa kuwa waaweyn ee maba ogi goorta u dhashay ilmahayga ugu weyn, waxaan waayey dareenkii hooyonimo, wax xasuus ah ma lihi oo aan ku ogaado horumarkay ubadkaygu gaadheen, ka ugu yari wuxuu ila yahay qof ajenebi iga ah, ayey tidhi Miss. Delaney oo xaalada haysata ka hadlaysay.
Ibraahim khadar Saciid
Hadhwanaagnews.Office Hargeysa
ibraahimkhs@hotmail.com