If-ka inta la nool-yahay ayaa wax la is-taraa, Aabo Yuusuf Jamaac Cismaan waa Aabo daa ah oo cuur-yaana oo fara madhan, oo aan shaqeysan Karin,isla markaana dhalay todoba Caruura oo naafa,kuwaas
oo u baahan gurmad biniaadanimo iyo mid dhakhtarnima-ba si loola tacaalo cudurka haleelay qaan-gaadhnimadoodii oo aanay ku dhalan.
Todobadan walaalaha ah ee Naafada ayaa waxay dhakhaatiirta Somaliland cadeeyeen inaan wax-ba dalka lagaga qaban kareyn cudurka Naafeeyey,isla markaana ay u baahan yihiin dhakhtar dibadeed oo loo qaado,sidaa daradeed aabaha dhalay walaalahan Naafada ah ayaa ah aabo Sabool ah, oo aan awoodin
inuu dhakhtar dibadeed u diro caruurtiisa uu dhalay.
Caruurtan oo magacyadoodu kala yihiin:
1. Maxamed Yuusuf Jaamac
2. Hinda Yuusuf Jaamac
3. Axmed Yuusuf Jaamac
4. Suleekha Yuusuf Jaamac
5. Saynab Yuusuf Jaamac
6. Muuna Yuusuf Jaamac
7. Iyo Xamda Yuusuf Jaamac oo iyadu u geeriyootey xanuunkaasi
Aabo Yuusuf Jaamac Cismaan oo ay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ku booqatey aqal ka mid ah Magaalada Hargeysa oo uu ku hayo Caruurtaasi, isaga oo wakhtigaasi wel-wel baddani ka muuqday
Waxa iigu daran ee imika aan u baahanay waxa weeyaan in Caruurtan Naafada ah ee aan dhalay in dadweynuhu iga caawiyaan sidii aan dhakhtar dibadeed ugu diri lahaa si loogu soo daweeyo, Xanuunkan
haleelay Caruurtayda kumay dhalan, balse markii ay daadoodu ahayd 14-jir ayuu xanuunkani haleelay, kaasi oo marka hore ka soo bilaabmay laf-dhabarta oo dibada u soo baxda, kadibna muruqyada lugaha ayaa isku soo yaaca sidaas ayaanu bilaa awood ku noqda.Ayuu yidhi.
Mr. Yuusuf Jaamac Cismaan waxa uu ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan umadda Somaliland inay u soo dhisaan hoy aan ku xanaaneeyo Caruurta Naafada ah ee aan dhalay, ILAAHAY dartii: Waxa imika iigu daran waxa weeyaan uma-hayo wax aan siiyo, waayo anigii
ayaa naafo dhutinaysa ah, uma hayo aqal aan ku xanaaneeyo inta uu ILAAHAY faraj ii furayo, aqalkan aan imika ku hayaa waa igu kiro oo lacagtiisina ma hayo. Markaa waxaan ka codsan lahaa dawlada
Somaliland, qurba-jooga reer Somaliland ee ku nool dibada, Ganacsatada iyo cidkasta oo wax igu soo tari karta ay I soo caawiyaan. Waxaanan u baahanahay in la ii dhiso aqal aan dejiyo oo la iiga soo caawiyo.Ayuu yidhi Aabo Yuusuf.
Hadaba, Dar ILAAHAY u soo caawiya Walaalihiinan Naafada oo u baahan gargaar biniaadanimo iyo Caawimo ah si degdega, si ILAAHAY idinkana idinku naxariisto.
Waxa hore loo yidhi Ma Og-tahay Cuuryaan-kaba Cago looma waayine,
Caynkaa waxa loo yidhi
Kuwa Cararayee laddan
Inay Ku Cimro qaataan.
Sidaa daradeed, haddii aad tahay qof damqanaya, oo ay inuun naxariisi ku hadhay dar ILAAHAY Walaalahaaga Naafada ah u soo caawi, adiga oo ku soo hagaajinayaa ciwaanadan hoos ku qoran:
Account: 16793 Dahabshiil.
Mobile: 4145445
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com