Nin 38-sanadood Aan Jidhka Maydhan Iyo Sababta Uu Maydhashada Isaga Daayay Oo Ka Sii Yaab Badan + (Sawiro)
(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Delhi-(HWN/W)- In badan oo ka mid ah akhristayaasha ayaa laga yaabaa in ciwaanka qormadani ku noqdo mid ka yaabiya, sababtoo ah sida
Delhi-(HWN/W)- In badan oo ka mid ah akhristayaasha ayaa laga yaabaa in ciwaanka qormadani ku noqdo mid ka yaabiya, sababtoo ah sida aynu wada og-nahay nadaafada iyo maydhashadu waxa ay ka mid tahay oo ay qayb muhiim ah ka tahay nolosha aadamaha, lagamana yaabo inuu qofku malaysan karo in muddo sanado ah iyadoo aanay jirin wax baahi ah oo kaliftay uu qof iska dayn karo inuu jidhkiisa biyo mariyo.
Hasa yeeshee waxa dunidan aynu ku noolahay ka jira, dhaqamo, caadooyin iyo waxyaabo dadku rumaysan yihiin oo
ku kalifa ama gayaysiiya inay ku kacaan ficilo aan wanaagsanayn, sida tan qisadeena oo uu sameeyay nin u dhashay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Kailash Singh.
Sida wakaaladaha wararka dunida qaar ka mid ah ku warameen, ninkan odayga ah ee lagu magacaabo, Kailash Singh ayaan jidhkiisa biyo taabsiin muddo sideed iyo sodon sanadood ah, waxaanu ku doodayaa inuu ka caafimaad iyo nolol wanaagsan yahay dadka kale ee caadiga ah, ee maalin kasta maydha jidhkoodana nadiifiya.
Singh oo dadiisu tahay 66-jir, waxa uu goaankan qaatay sanadkii 1974-kii, wakhtigaas oo ahaa muddo yar ka dib markii uu guursaday, sida uu sheegay, sababta maydhashada u diiday ayaa la xidhiidha waxyaabo uu rumaysan yahay, oo la xidhiidha rabitaankiisa shaqsi.
Singh ayaa u sheegay wakaaladaha wararka inuu goaansaday ka saahidista maydhashada, si uu u helo, ama u dhalo wiil, si hadiyadaas uu u helo oo anay uga khasaarina uu fulinayo nidarkii uu la galay naftiisa iyo waxyaabaha uu rumaysan yahay.
Kialash Singh oo aan ilaa wali dhalin wiil, carruurtiisuna tahay todoba hablood, sideed iyo sodon sanadood ka dib, ma aaminsana inuu riyadiisi ku fashilmay, waxaanu ku sii dhegan yahay inuu sii wato ilaa hamigiisu u rumoobayo.
Ninkan odayga ah oo wakhtigan noqday ninka ugu urta qadhmuun dunida, waxa urta dhididkiisu dadka ka saaqi kartaa marka uu u soo jiro masaafo lix mitir ka badan, ama haddii si kale loo dhigo waxa qadhmuunkiisu kaa qabsanayaa wadada dhinaceeda kale.
Xaaska uu dhaxday oo lagu magacaabo "Kalavaty Devi" oo warfidiyeenadu wax ka waydiiyeen sida ay ula nooshahay, ayaa sheegtay in ay dhibaato kala mudatay, wakhtiyo badana isku dayday sidii ay ugu qancin lahayd inuu maydho, laakiin ay ku guul daraysatay xaaladeeduna meel xun marayso.
Haweenaydan oo lixdan jir ah ayaa sheegtay in qolka hurdada ay uga guurtay, hasa yeeshee guriga oo dhami wada urayo oo qadhmuunka dhididkiisu wada saaqo meel kasta oo guriga laga joogana ka soo gaadhayo dadka.
Waxa sidoo kale maydhasho laaanta ninkan ka cabanaysa gabadh uu dhalay, taas oo wax laga xumaado ku tilmaantay, isla markaana sheegtay in aabaheed aanu caadi ahayn caafimaad ahaan, waxa kale oo gabadhani ay suaal iska waydiisay sida aabaheed ugu adkaysto ee uu maydhasho laaan ugu nool yahay wakhtiga xagaaga ee dhulku aadka u kulul yahay, qof kastaana aanu biyaha ka maqnaan karin 24-saacadood?
Mr. Singh ayaa sheegay in muddadaa sideed iyo sodonka sanadood ah aanu jidhkiisa biyo taabsiin, marka laga reebo wajiga iyo gacmaha oo uu iyaga maydho marka uu wax cunayo iyo marka uu aroortii tooso.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com