Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Waalidka iyo xaqiisa by Saeed Ibrahim Hussein


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Bisha Ramadaan waa in khayrkoo dhan laga faa´iidaystaa,oo Waalidka iyo ixsaankiisa la ilaaliyaa,oo laga ducaystaa looguna shaqeeyaa

Waalidka


Bisha Ramadaan waa in khayrkoo dhan laga faa´iidaystaa,oo Waalidka iyo ixsaankiisa la ilaaliyaa,oo laga ducaystaa looguna shaqeeyaa si hufan.

Waalidka waxa la isku yidhaahdaa Aabbaha iyo Hooyada ugu horrayn ee ku dhalay iyo iyaga waalidkooda iyo walaalohood iyo dadka ay is xigaan ee isu dhow yihiin, dhamaan waxay kugu leeyihiin ixtiraam iyo qadderin,waxay kugu leeyihiin inaad hadalkooda maqasho oo aad qaadato taladooda,inaad ka ducaysato oo markasta u dhibirsanaato.

Diinta Islaamku waxay aad innoogu boorrisey oo inoogu adkaysay Waalidka iyo inaynu u ixsaan samaynno,waxa in badan Ilaahay ku lamaaniyey Waalidka amridda cibaadadiisa:

وقضى ربّك ألا تعبدوا إلا إيّاه وبالوالدين إحسانًا إمّا يبلغنّ عندك الكبر أحدهما أو كلاهما فلا تقل لهما أف ولا تنهرهما وقل لهما قولا كريمًا واخفض

لهما جناح الدّلّ من الرّحمة وقل ربّ ارحمهما كما ربّياني صغيرًا(الإسراء)

Aayadda:Alle wuxu waajib yeelay inaan Isaga mooyee cid kale la caabudin,oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah ama labaduba uu da´ ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun sida uf,hana dhibin oo ku dheh hadal wanaagsan una debecsanow oo u dhibirsanow,oo dheh Allow u ugu naxariiso sidii ay ii soo barbaariyeen yaraantaydii.

Waalidka aad iyo aad ayaa diinta Islaamku u ilaalisay xuquuqdooda,oo Alle inoogu dardaarmay in aynu u samaynno ixsaan iyo wanaag,in fara badanna waxa la raaciyey Aayadaha amraya in Alle la caabudo oo amarkiisa la qaato,oo aan cid kale loo shariig yeelin,oo waa in waalidka loo sameeyo ixsaan iyo wanaag,halkaas ayaad ka arkaysaa ahmiyadda uu waalidku leeyahay iyo in uu yahay shey diini ah oo Alle ina farayo, waana in aan u gudanno sida Alle raalli gelinaysa:
وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً ( النساء)
Aayadda:Alle caabuda oo ha u shariig yeelina,waalidiintana u sameeya ixsaan.
قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلآ تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً (الأنعام)
Aaydda:dheh(Nebi Allow)kaalaya aan idiin akhriyo waxa Rabbigiin idinka xarrimay oo ah in aydaan Alle waxba ugu shariig yeelin,oo Waalidkana waa in aad ixsaan u samaysaan iyo wanaag.
Waxaynu wada ognahay in qofka waalidkiisa ka ducaystaa inuu liibaanayo oo Alle dariiqa u iftiiminayo,qofka kalena Soomaalidu waxay yidhaahdaan habaar waalid buu qabaa,waana wax Alle laga magan galo,mar kasta waalidka ka farxi oo ka ducayso uguna dadaal si hagar la´an ah.
Waalidku isaga ayaa ilmaha soo barbaariya oo u soo tababara nolosha,wuxuna soo siiyaa duruus iyo casharo joogto ah ilaa uu ka hubsanayo in ilmihii hanaqaaday,oo gaadhey heerkii isku fillaanshada,ee uu naftiisa iyo ta waalidkii iyo dadka kaleba wax u tari lahaa,oo ka soo bixi karo waajibaadka kala geddisan.
Bal aynu wada eegno sida Luqmaan Inankiisa ula dardaarmayey,oo u tababarayey:
وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يابنيّ لا تشرك بالله إنّ الشرك لظلم عظيم...يا بنيّ إن تك مثقال حبّة من خردل فتكن في صخرة أو في السّماوات أو في الأرض يأت بها الله إنّ الله لطيفٌ خبير يا بنيّ أقم الصّلاة وأمر بالمعروف وانه عن المنكر واصبر على ما أصابك إنّ ذالك من عزم الأمور ولا تصعر خدك للنّاس ولا تمش في الأرض مرحًا إنّ الله لا يحبُّ كلّ مختال فخور واقصد في مشيك واغضض من صوتك إنّ أنكر الأصوات لصوت الحمير(لقمان)
Aayadda:waqtigii(sheeg Rasuul Allow)uu yidhi Luqmaan isagoo waaninaya Inankiisa:Inankaygow ha u shariig yeelin Alle,shirkigu waa dulmi weyne… Inankaygow haddii xabbad khardal ah(iniin yar),ay dhadhaab ku dhex jirto ama Samada taallo ama Dhulkaba Alle waa keenayaa,Alle waa Ladiif oo waa  Khabiir, Inankaygow salaadda oog oo tuko,oo dadka wanaagga far oo xumaha ka reeb,oo u sabir waxa ku asiiba ee kugu dhaca,arrinkaasi waa go´aan adayge,oo dadka afka haw taagin oo dhulka ha u socon is qaadqaad,Alle ma jecla qofka kibirka iyo faanka badane,oo deggeni u soco sawdkaagana hoos u dhig,waxa loogu neceb yahay sawdka ka dameeraha´e.
Waxa sidoo kale aynu ka dheehan karnaa barbaarinta iyo nooca tarbiyada ee waalidku siiyo ilmaha sida uu u adeecayo,ee ugu hoggaansamayo amarradiisa aan ka hor imanayan Manhajka Alle,bal aan wada eegno sida Nebi Ismaaciil u adeecayo Aabbihii Nebi Ibraahim,markuu ka dalbay in uu wax ka yidhaahdo riyaduu ku riyooday,oo runtii ahayd mid adag oo ah in uu Ibraahin ku riyooday isagoo Ismaaciil gawracaya,ha yeeshee Ismaaciil tarbiyadii la soo siiyey ee waalidkii soo siiyey isagoo raacaya,oo og in Aabbihii aanu wax Alle amray mooyee wax kale fulinayn, ayuu yidhi:Aabbe samee oo fuli waxa Alle ku amray,waxad iga heli doontaa sabire:
فلمّا بلغ معه السّعي قال يا بنيّ إنّي أرى في المنام أنّي أذبحك فانظر ماذا ترى قال ياأبت افعل ما تؤمر ستجدني إن شاء الله من الصّابرين(الصّافات)
Aayadda:markuu gaadhey sacyigii ayuu yidhi:Inankaygiiyow waxan ku riyooday anigoo ku gawracaya,ee bal maxaad aragtaa oo ay kula tahay,wuxu yidhi:Aabbow samee waxa lagu amray,insha Allah mid sabra ayaan noqon doonaaye.
Labada Waalid waxa sii mudan Hooyada oo xaqeedu ka badan yahay ka Aabbaha, waayo Hooyadu waxa ay la soo deristaa oo la kulantaa dhibta inteeda badan,oo ilmaha caloosha ayay ku soo qaaddaa muddo dheer,culayskiisa iyo dhibtiisa wuu leeyahay,sidoo kale fooshu ma aha wax sahlan,oo Hooyadu haddana ilmihii way naas nuujisaa oo la soo kifaaxdaa ilaa ay gaadhsiiso heer isku fillaansho,Ilaahay khayr ha siiyo:
ووصّينا الإنسان بوالديه حسنًا حملته أمّه كرهًا ووضعته كرهًا وحمله وفصاله ثلاثون شهرًا حتّى إذا بلغ أشدّه وبلغ أربعين سنة قال ربّ أوزعني أن أشكر نعمتك الّتى أنعمت عليّ وعلى والديّ وأن أعمل صالح ترضاه وأصلح لي في ذرّيتي إنّي تبت إليك وإنّي من المسلمين(الأحقاف)
Aayadda:waxa Aannu u dardaaranay Insaanka Waalidkiisa in uu wanaag iyo ixsaan u falo,Hooyadii waxay ku qaadday caloosha si dhib leh,oo waxay ku umushay si dhib leh,oo qaadista iyo naas nuujintu waa 30 bilood,ilaa uu ka gaadho awooddiisa oo adkaado oo gaadho 40 sanno,markaasuu odhanayaa:Rabbiyow igu kaalmee in aan kuu shukri naqo,oo kaaga shukri naqo nimcada aad igu galladaysatay aniga iyo labadayda Waalid,oo igu kaalmee Rabbiyow in aan sameeyo camal saalix ah oo wanaagsan,oo aad ka raalli tahay,oo ii islaaxi durriyadayda waan kuu toobad keenay,oo waxa aan ka mid ahay Muslimiinta.
Waxa Aayadan kale tilmaamaysaa sida Hooyadu uurka uqu qaaddo ilmaha oo dhibta ugu mudato,sidoo kale naaska nuujiso muddada Islaamku u qoondeeyeyna,waa laba sanno oo buuxa in Hooyadu ilmaha naaska u dhigto:
ووصّينا الإنسان بوالديه حملته أمّه وهنًا على وهنٍ وفصاله في عامين أن اشكر لى ولوالديك إلي المصير(لقمان)
Aayadda:waxa Aannu u dardaarannay Insaanka Waalidkiis,Hooyadii dhib ayay uurka ugu  qaaday oo naas nuujintuna waxa ay ahayd laba sanno,ii shukri naqa Aniga iyo Waalidiintaba,xaggayga ayaad u soo noqon doontaane.
The verse:And we enjoined on man(to be good)to his parents:in travail Did his mother bear him,And on years twain was his weaning:(hear the command),show gratitude to Me,and to thy parents to Me is(thy final)Goal.
Waxa Rasuulka Alle,sallallaahu calayhi wasalame,xadiis inoogu sheegay in Hooyadu ay tahay qofka ugu qaalisan ee shakhsigu la rafiiqo,ee ugu mudan xaqsiinta oo saddex jeer ka horreyso Aabbaha,oo isagu marka afraad imanayo:
عن أبي هريرة رضيّ الله عنه قال:جاء رجل إلى رسول الله صلى الله عليه وسلّم فقال:يا رسول الله من أحقّ النّاس بحسن صحابتي؟قال "أمّك" قال ثمّ من؟ قال"أمّك" قال ثمّ من؟ قال"أمّك" قال ثمّ من؟ قال"أبوك"
Xadiiska:Abi Hurayra,Alle ha ka raalli noqdee wuxu yidhi:waxa u yimi Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,Nin oo ku yidhi:Rasuulkii Allow,yaa dadka iigu xaq badan inaan wanaag kula rafiiqo?,wuxu Rasuulku yidhi:"Hooyadaa"ninkii wuxu yidhi:ka dibna ayo?,wuxu Rasuulku yidhi:"Hooyadaa",ninkii wuxu yidhi:ka dibna ayo?,wuxu Rasuulku yidhi:"Hooyadaa",ninkii wuxu yidhi:ka dibna ayo?,wuxu Rasuulka yidhi;"Aabbahaa".
Qofku waalidkiisa ma gudi karo abaalkooda,Hooyadana sida aynu soo aragnay waxa ay qabataa hawsha waalidnimo ee ugu culus,waajibkeeduna waa ka horreeya ka Aabbaha,labadooduna waxay qofka ku leeyihiin xuquuq Alle innagu waajib yeelay,oo ah in aan ixtiraam iyo wanaag u samayno,oo haddaynu nolol ku soo gaadhno u shaqayno oo ka ducaysanno,duco waalid waa qaali oo inay kaa raalli noqdaan oo Allena kuu baryaan,waa wax aan hawl yarayn oo qaali ah.
Waalidka mar keliya ayaa diinteennu ogoshay in aad adeeci weydo,oo diiddo amarkooda,waa marka ay ku amraan wax Alle reebay iyo wax shirkiga Alle ah,oo markaa Alle waa kuu banneeyey in aad diiddo oo aanad adeecin,waayo wax macsida Eebbe ah kuma adeecaystd cidna Waalidka iyo cid kaleba:
ووصّينا الإنسان بوالديه حسنًا وإن جاهداك لتشرك بي ما ليس لك به علم فلا تطعهما إليّ مرجعكم فأنبئكم بما كنتم تعملون(العنكبوت)
Aayadda:waxa Aannu Insaanka u dardaaranay in uu Waalidka ixsaan u sameeyo,oo haddii ay ku ijtihaadaan ama isku dayaan in aad Alle ugu shariig yeesho wax aanad cilmi u lahayn ha adeecina,xaggayga ayaad u soo noqonaysaan,oo aan idiinka warramayaa wixii aad ahaydeen kuwo sameeya.
Waalidka waxtarka aad u gudbinayso ka sokow waa in aad mar kasta u ducaysaa,oo Alle u weydiisaa denbi dhaaf iyo khayr fara badan,isagoo nool iyo isagoo dhintayba:
رَبَّنَا اغْفِرْ لِي وَلِوَالِدَيَّ وَلِلْمُؤْمِنِينَ يَوْمَ يَقُومُ الْحِسَابُ(إبراهيم(
Aayadda:Rabbigayow ii denbi dhaaf aniga iyo Waalidiintay iyo Muuminiinta maalinta ay xisaabtu taagan tahay.
Camallada Alle agtiisa loogu jecel yahay waxa ka mid Waalidka oo loo ixsaan falo:
عن أبي عبد الرّحمن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال:سألت النبي صلى الله عليه وسلّم:أيّ عملٍ أحبّ إلى الله تعالى؟قل"الصّلاة على وقتها"،قلت ثمّ أيّ؟ قال:"برّ الوالدين"،قلت ثمّ أيّ قال:الجهاد في سبيل الله" متفق عليه.
Xadiiska:Abi Cabdirraxman Cabdillaahi Ibnu Mascuud,Alle ha ka raalli noqdee, wuxu yidhi:waxa aan su´aalay Nebiga,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, camalkee ayaa xagga Alle loogu jecel yahay?,wuxu yidhi Rasuulku:salaadda waqtigeeda la tukado,markaas ayaan ku idhi:ka dibna camalkee loogu jecel yahay?, wuxu Rasuulku yidhi:Waalidiinta oo baarri loo noqdo,oo ixsaan loo sameeyo,makraas ayaan idhi:ka dib camalkee loogu jecel yahay?,Rasuulka Alle wuxu yidhi:Jihaadka loo galo dar Alle.
Qofka Muslinka ahi waa in uu ka soo baxo dhamaan waajibaadka diiniga ah ee saaran,waqtiga uu si wanaagsan u fuliyo waxa naftiisu dareemaysaa raaxo iyo kalsooni,waxa qofka Muslinka ah laga rabaa in uu Waalidka u debecsanaado oo u dhibirsanaado,sida oo kale dadka Riximka ah ee Waalidka ay isu dhow yihiin oo ay aad u ilaalisay diinta Islaamku xuquuqdooda iyo xidhiidhintooda,denbina lagu mutaysto jariddooda iyo goyntooda:
وعن أنس رضي الله عنه أنّ رسول الله صلى الله عليه وسلّم قال:"من أحبّ أن يبسط له في رزقه،وينسأ له في أثره،فليصل رحمه"متّفق عليه
Xadiiska:waxa laga weriyey Anas Alle ha ka raalli noqdee,in Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam yidhi:kii doonaya in Alle risiqa u badiyo oo u waasiciyo oo cimriga loo barakeeyo,ha xidhiidhiyo Riximkiisa.
Riximku aad ayay u yihiin qaali oo diinteennu inoo bartay khayrkooda:
عن عائشة رضي الله عنها قالت:قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم"الرّحم معلقة بالعرش تقول:من وصلني وصله الله ومن قطعني قطعه الله"متّفق عليه.
Xadiiska:Caa´isha(Ummul Muuminiin)Alle ha ka raalli noqdee waxay tidhi:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,wuxu yidhi: Riximku waxa uu sudhan yahay Carshiga oo wuxu yidhaahdaa:kii i xidhiidhiya Alle ha xidhiidhiyo,kii i gooyana Alle ha gooyo.
Waalidka oo loo dadaalo oo falowgeed la qabto sida mar kasta loo dabooli lahaa baahidooda oo loo raalli gelin lahaa,waxa ay ka mid tahay waajibka saaran qofka ay iyagu u ahaayeen sabab in uu Adduunkan ku noolaado,Ilaahay abuuray ka sokow Waalidku waa kuwii dhalay,markaa u shaqaynta Waalidku waxa ay u dhigantaa jihaadka oo waa goob laga kasbado ajar iyo khayraad badan:
عن عبد الله بن عمرو بن عاص رضي الله عنهما قال:أقبل رجل إلى نبيّ الله صلى الله عليه وسلّم فقال:أبايعك على الهجرة والجهاد أبتغي الأجر من الله تعالى،قال:"فهل من والديك أحد حيّ؟"قال نعم بل كلاهما،قال فتبتغي الأجر من الله تعالى؟قال:نعم،قال:" فارجع إلى والديك فأحسن صحبتهما"متّفق عليه.
Xadiiska:Cadillaahi Ibnu Camro Ibnu Caas,Alle ha ka raalli noqdee,ayaa yidhi:Nin ayaa qaabilay Nebiga Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,oo ku yidhi: waxa aan kugula baayacoonayaa hijro iyo jihaad,oo waxan Alle ka rabaa oo ka doonayaa ajar,Nebigaa weydiiyey:miyay waalidkaa wax ka nool yihiin?,wuxu yidhi ninkii:labaduba way nool yihiin,Nebigu wuxu yidhi:saw ajar Alle kama doonaysid? wuxu yidhi haa,Nebigu wuxu ku yidhi:ku noqo Waalidkaa oo wanaaji dhaqankooda, oo u ixsaan fal,dariiq kale oo xadiiska loo soo weriyey baa odhanaya:
Labadooda ku jihaad. "ففيهما فجاهد"
 
Waa hiddahan raacoo   
Waa hoyga barashada
Aan ku hanaqaadee
Ma hilmaami karayoo    
Waa halbawlahaygiyo
Xididka dhiigga habayee
Hirashada kalgacalkiyo  
Hammigayga weeyoo
Harraadkayga tirayee
Haddaan heli karaayana  
Hadwalbaba jeclaadaa
Hortayda  inay joogaan
Hadalkooda maqashoo   
Hiyigaaga dejiyaan
Habbi kaa sameeyaan
Waa hooska noloshoo     
Hadhka aad ku nasatoo
Ku hoggaaminaayee
Waa ruuxaa ku hagayoo   
Hanuunkii Ilaahiyo
Janno kuu horseedee
Allahayow hataaq iyo       
Habaar waalid iga hay
Haye mooye maan odhan  
Hiif wax laga dareemee
Allaa igu hanuuniyey          
Hilin toosan oo sax ah
Haybad waxan ku leeyay  
Hibadiyo ayaankaba
Waalidkaa had iyo jeer    
 Ii hibeeya duco oo
Intaa  ila horjoogee
Hagarli´i wanaag iyo       
Hiil iyo hooba ila wada
Nin kastoo halyayoo
Haybad iyo aqoon leba
Waxa soo hanqariyoo
Caanihii ku soo habay
Hadhowtona afkii baray
Hiddihii ku toosiyey
Hannaankii wacnaa iyo
Hilinkii saxa ahaa
Ku hagaajey dhaqankii
Hooyo iyo Aabbee
Hiilkay ku siiyeen
Abaal miyaad u helaysaa
Habka nolosha taabiyo
Hannaankii wacnaayee
Habboonaa adeegsiga
Bay kugu hagaanoo
Hormood kuu ahaadaan
Hammigaagay ku xidhaan
Hawlkar inaad ahaatoo
Kala haadsha hawlaha
Hufnaanta iyo dhaqankana
Hu´ bay kaaga yeelaan
Hadal waxad ku odhanay
Hagardaamo ka ogow
Hiif iyo karoox iyo
Hunuhunnuda qaabka la´
Hortoodaa ka dhawroo
U hur waxad awooddoo
Hilinkaad u mari layd
Habbi inay ahaadaan
Hammigaaga geliyoo
Habeenkiyo maalinta
Hubso waxay muteenoo
Ku horree dadaalkood
Hagarli´i wax ugu qabo
Ducadoodaad hananay
Halkaasaad waxad odhan
Allow ifka is hanannee    
Aakhirona Jannadii na wada hooy
waxa aan Alle ka baryaynaa in uu innaga dhigo kuwa adeeca amarkiisa,oo Waalidkana u ixsaan sameeya,ee hela ducadooda iyo raallidoodaba.Aamiin.

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.