Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Horumarka tacliinta iyo caafimaadka gobolka saaxil by DR,Abdul Razak Mohdi Essa


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2012
Maqaalkan oo aan doonayo in aan yara xasuusiyo maamulka gobolka saaxil haday tahay badhasaabka,maayarka,maareeyaha

Maqaalkan oo aan doonayo in aan yara xasuusiyo maamulka gobolka saaxil haday tahay badhasaabka,maayarka,maareeyaha dekada berbera,maareeyaha haamaha batroolka iyo hawl wadeenada kale gobolka gaar ahaan bahda caafimaadka iyo tacliinta.

Xagga tacliinta gobolku wuxuu lahaa secondary sheikh iyo intermediate sheikh school oo labaduba halbawle u ahaa tacliinta somaliland oo dhan.Labadiiba waxaa la wareegay SOS,xanaanada xoolaha.

Sidaas aawadeed ardeydii gobolku waxa ku dhacayshool la´aan  siday u helaan schoolo tayo leh sidii ay barigii hore ahaan jirtey---

wey ku dareeri jirtey

ardeyda reer sheikh ama boarding ha ku digto ama dayba,laakiin maanta arinku waa ka duwan yahay waxaa looga dhigay dugsi sare iyo dhexeba waaxa looga dhigay guryihii aanu seexan jiray ee la odhan federation,secendary sosna waxaa la siiyaa oo keliya 7 kursi,ta ka sii daran ma laha macalimiin qualified ah oo ka dhiga secondarykaas,ku daroo macalimiinta waxay ka keenaan boorame oo la dhig ahayd sheekh.

HALKA AAN GARANAYO OO MACALIMIINTII U dhashey ay ka haajireen oo caasimadda iyo meelo kale ka shaqeystaan,waxaanan doonay aan ka xuso halkan

1-Abdi ali hussain-----Chemistry/Biology

2-Ibraahim maacaleesh---Geography/History

3-Mohad hassan faras-----Physics/Maths

4-Jama Juluc----------------History/geography

5-Hawd ---------------------Biology/Chemistry

6-Mohd faarax qabeli-----History/English    

iyo kuwe kale oo ban oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Xagga caafimaadka dhakhtarkii sheekh ee kuwaitigu dhisay wax waliba waa yaalaan,maamulku iyo dadweynaha reer saahil ma waxay kari waayeen in ay bixiyaan laba dhakhtar oo fadhiista dhatarka sheekh,waxaa maxay se Budjet ayaan madaxweyne siilaanyo looga doonaya waxa adiga aad samaysan karto?su´aashaa waxaan u dhaafayaa reer saahil iyo maamulkooda cusub,berebera hospital tayadiisu ma fiicna

waxana loo baahan yahay in lagu sameeyo upgrade.

Maalmahan danbe waxaa batey wadooyin la dhagax dhigo oo ay ugu dambeysay tii shalay aay dhagax dhigtey berbera ee isku xidheysay magaalada iyo garoonka ciyaaraha,ma xuma wadooyinku berbera laga sameynayaa marka horaba waxay leedayahay town plan hore oo wanaagsan,kaas uun la dayactiro ayuu ku wanaagsan yahay inkastoo oo ay korodhay waa lagama maarmaaan wadooyinku hadana aniga sida

ay iila muuqato waa in loo dadaalaa baahiyaha waxbarashada iyo caafimaadka oo lagaga horeeyo gobolka.

Doctors gobolka waxaan odhan lahaa waar fadhiga ka kaca oo gobolkiinii ayaa idin sugaya gaar ahaan sheekh,waxaan aad ula hadlayaa

Dr,ahmed shiine,iyo agaasimihii hore caafimaadka ee dawladii riyaale,Dr,cabdillahi muuse etc.

Baahi weyn ayaa jirta labadaa dhinac ee ha loo gurmado gudo iyo dibadba gaar ahaan dhalinyadii wax ku baratey dugsiga sheekh waxaan u soo jeedin lahaa in la iska kaashado sidii waxabarada gobolka kor loogu soo qaadi lahaa haddii eebe raali ka noqdo.

Qof walba waxa saaran waajib gobolkii uu ka yimi,marku wax uqabto kiisii ayuu wax ka tari karaa somaliland ama soomaaliyaba.

Maamulka gobolka saaxil waxaan ku boorin lahaa i uu fadhiga uga kaco labadaas departments.(EDUCATION&HEALTH)

Qolada saxaafadana waxaan ka codsanlahaa in ay sii dayaan maqaalkaas.

Waxaa qoray oo ka masuula

DR,Abdul Razak Mohdi Essa

Senior Staff of Seha Company

ABU-Dhabi HEALH Authority

U.A.E

abdirizakmohdi@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.