Hargeysa(HWN):-wasiirka cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta tababar u furay shanyo labaatan xubnood oo hore u soo qaatay tababar kan ka horeeyey oo la xidhiidha arimaha garsoorka iyo cadaalada.
Tababarkan ayaa socod doona mudo sadex bilood ah kaas oo ay bixin doonaan macalimiin ku xeel dheer arimaha garsoorka iyo cadaalada isla markaana garyaaqano ka soo ahaa maxkamadaha dalka.
Ugu horayn waxa furitaanka tababarkan ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada
Somaliland Maxamed Muuse Cabdi waxaanu sheegay in tababarkani ku saabsan yahay sidii dadka tababarkan qaadanaya loogu diyaarin lahaa inay noqdaan garsoorayaal buuxa oo ka qayb qaata arimaha garsoorka dalka waxaana hadaladisii ka mid ahaa ;waxa naga go,an inaanu daboolno dhaliilaha hadyo jeer dadweynuhu ay tilmaamaan inay ka jirto garsoorka taasina waxay ku imanaysaa in la helo garsoorayaal aqoon leh, waxaana muuqata in dadkan tababarka qaadanayaa ay dabooli karaan wax badan oo ka jira garsoorka,
Sidoo kale waxa furitaanka tababarkan ka hadlay wasiirka cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid waxaanu sheegay in tababarkani socon doono mudo sadex bilooda isaga oo xusay in dadkani ay hore u soo qaateen tababar todoba bilood ah balse haatan laysla qaatay in la dhamays tiro waxaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa ; ku tala galka wasaaradu waxa uu ahaa in marka todoba bilood idiin dhamaadeen aad ka hawl gashaan garsoorka balse qiimayn ayey ahayd marka tababarku dhamaado, markii wax badan laysla qaatay waxa lagama maarmaan noqotay in sadex bilood oo kale laydiinku kordhiyo tababarka, wax qabadkiinuna waxa uu ku xidhnaan doonaa kolba sida aad tababarka u qaadataan,;
Tababarkan ku saabsan sidi ay ka qayb galayaasha tababarkani ay uga qayb qaadan lahaayeen garsoorka dalka ayaa waxay wax badan ka tari doonaan sidii loo dabooli lahaa dhaliilaha hadyo jeer loo soo jeediyo garsoorka Somaliland.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com