Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Bandhig Faneed Muusiga Qoobka Ciyaarka Ah Oo Diyaarad Dusheed Lagu Qabtay


(Hadhwanaagnews) Monday, August 13, 2012
Vienna, (HWN/AFP):- Bandhig Faneed aan noociisa oo kale hore loo arag ayaa todobaadkan ka dul dhacay mid ka mid ah diyaaradaha

Vienna, (HWN/AFP):- Bandhig Faneed aan noociisa oo kale hore loo arag ayaa todobaadkan ka dul dhacay mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka qaada ee shirkada Finland Airlines, sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, badhig faneedkan oo ah nooca qoob ka ciyaarka ama Dance afka qalaad loogu yaqaano ayaa ka yaabiyay rakaabkii saarnaa diyaarada dusheeda uu ka qabsoomay.

 

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee “AFP”, rakaabkii ku safrayay mid ka mid ah diyaaradaha, shirkada Finland Airlines leedahay oo u jeeday dalka Hindiya, ka dib markii diyaaradaas oo hawada sare ku jirta koox fanaaniin ahi ka dhex bilowday badhig muusig oo qoob ka ciyaar ah.

 

Rakaabkii

diyaarada oo aan ka warqabin ayaa loo sheegay in sababta xafladan loo qabanayaa tahay ama la xidhiidho, xuska qaranimada Hindiya oo ku beegan isla xiligii loo qabtay badhig faneedkaas, sida rakaabka diyaaradu ku warameen muusigii dabacsanaa ee goobtaas laga tumayay iyo fanaaniinta codka macaan ee dalka Hindiya kuwooda ugu caansan oo diyaarada dusheeda ka dhigay bandhigaas ayaa si wayn u soo jiidatay, kuna khasabtay in rakaabka oo dhami wada ciyaaro.

 

Dhamaan rakaabka diyaaradaa la socday iyo kooxdii muusiga tumaysay ayaa mar kaliya isla oogsaday, waxaana diyaarada dusheeda ka bilaabmay qoob ka ciyaar la is laba rogay, taas oo lagu jiray muddo saacad iyo dheeraad ah, aadna loo mirqaamay sida ka muuqata muuqaal fidiyow ah oo shirkadu ku baahisay shabakada youtube.

 

Muuqaalkan iyo dhacdadan ayaa si wayn u soo jiitay dadkii booqday ama daawaday, waxaana sideed iyo afartan saacadood gudahood muuqaalkaas fidiyowga ah ku daawaday, dad lagu qiyaasay ilaa sadex milyan oo qof.

 

Mid ka mid ah rakaabkii duulimaadkaas Vienna ilaa Delhi ee diyaaradan ku safrayay ayaa warbaahinta u sheegay, sida dhacdadani markii hore ugu noqotay mid ka yaabisay, hasa yeeshee waxa uu xusay in ay aad uga heleen oo markii danbe la wada mirqaamay wakhti diyaaradu Delhi gaadhayna ay garan waayeen oo ay ku war heleen uun markii loo sheegay inay ku degayaan madaarka Dehli.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.