ku hayo ay kabadatay waxtarka bulshada uu u leeyahay ayaa waxay culumda intooda badani isku raaceen inuu jaadku xaaraan yahay.
Aqoonyahano diirada ku eega arimaha bulshada aadna u daneeya ayaa iyaguna qoraalobadan ka diyaariyey khatarta jaadku bulshada ku hayo. Aqoonyahanadan daneeya arimaha bulshada ayaa bulshada tusay in jaadku ka midyahay maadooriyayaasha kadib markii baadhitaan lagu sameeyey.
Hadaba culimadii way kahadashay iyagoo lakaashanaya culuunta islamka waxayna isla qaateen in jaadku yahay xaaraan. Baadhitaanadii ay ay sameyen qaybaha caafimaadku waxay cadeeyeen in jaadku yahay maandooriye.
Waxaan ilaa iminka ka hadal hogaanka bulshada ama cida markaa hogaanka u haysa bulshada una ah sawirka bulshadu ay ku dayanayso
Dabcan hogaanku waa qayb kamid ah bulshada iyaguna way ogyihiin waxa culimadu ku tilmaantahy jaadka iyo daraasaadka lagu sameeyey jaadka iyo dhibkiisa.
Hadaan u soo dhaadhaco dulucda qoraalka.
Si cad ayey bulshadii iyo hogaankiiba indhaha iyo dhagahaba uga furaysteen culimadoodii iyo waxgaradkoodii danaynayey inay wax ka qabtaan khatarta bahalkani ku hayo bulshda
Hadaba fakarkaaga ka dhiibo doodan furan:
Maxay bulshadu kaga maarmi kartaa jaadka?
Muxuuuu hoganka bulshadu uga hadli waayey dhibka jaadka?
Maxaad u malaynaysaa in xalku yahay?
ALLA MAHAD LEH
Axmed maxamuud cabdilahi
Aniga25@hotmail.no
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.