Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dhismaha Wadada cad ee isku xidha magaalada hargiesa iyo magaalada salaxley oo si xawliya u socodta (Daawo sawiradii ugu danbeeyay oo quruxbadan)


(Hadhwanaagnews) Monday, August 13, 2012
Mashruucan wada cad ayaa ah wado si casriya loo qorsheeyay isla markaana balaadhkeedu dhanyahay 10 mitter halka dhararkeeduna dhanyahay 82 km. Mashruucan oo si dardar ah u socda ayaa hada waxaa gabgaba ku dhow sida aad sawirada ....

Dhismaha Wadada cad ee  isku xidha magaalada hargiesa iyo magaalada salaxley  oo si xawliya u socodta  (Daawo sawiro quruxbadan)

 Mashruuca  wadada cad ee isku xidha magaalada hargiesa  iyo magaalada salaxley ilaa  inaguuxaa   oo ah xadka koonfureed ee Somaliland iyo ethopia, oo dhismihiisu bilaabmay  dabayaqadii bishii juun ee ina dhaaftay  ayaa dhimihiisu si xawliya u socdaa.   Mashruucan  wada cad ayaa ah  wado si casriya loo qorsheeyay isla markaana   balaadhkeedu dhanyahay  10 mitter

halka dhararkeeduna dhanyahay 82 km.  Mashruucan   oo si dardar ah u socda  ayaa hada waxaa gabgaba ku dhow sida aad sawirada ka aragtaan  wajigii hore oo isku xidhaya magaalada hargiesa  iyo magaalada toon  oo ah  15 km .  Iyadoo la dhameeyay  caro tuulkii  qiyaas dhan  30km  sodomeeyo kilo miter  oo ay hadhsantahay  jaaygii iyo daamurkii.

Mashruucan   oo dhismihiisa ay ku baxayso lacag dhan$ 4,200,000  oo dollar ayaa waxaa bilaabay dadka deeganka  ay wadadu  marayso ee hargiesa iyo salaxlay, iyadoo $ 1,400,000 oo kamid ah lacataasi uu ku tabarucay  ganacsadaha u dhashay Somaliland ee CUMARA CAYDIID   iyadoo inta kalena looga fadhiyo  guud ahaanba shacbiwayana Somaliland iyo xukuumada Somaliland, Iyo cidii kale ee wax ku darsanaysa mashruucan khayriga ah.
 

  

 
 

  

Mashruucan wadada cad  ee salaxley iyo hargiesa  ayaa noqondoona mid waxwayn ka bedelidoona  isu socodka  Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee ethopiana  oo dhaqaale ahaan aynu aad  isugu xidhanay,  islamarkaana  ay inooga yimaadaan badiba xoolaha nool ee kadhooga dekeda berbera,  waxaa kale oo  oo wadadani ay dardar galindoontaa  isusocodkii dhinaca ganacsiga oo ahaa mid wado xudmo ay daashatay,   waxaana Somaliland ka soo gali doona dhaqaale baaxadle iyo cashuuro horle iyo kuwo hore uga baaqan jiray.

 

         

 
 

  

 
Si hadaba aynu u muujino horumarka iyo isku xidhnaanta dhulkeena, waxa dhamaanteen laynooga baahan yahay inaynu ka wada qayb qaadano dhismaha wadadan, iyo wixii kale ee khuseeya horumarinta dhulkeenaba.

Fadlan si aad uga qayb qaadato dhismaha waddadan, waxa aad ku soo dirtaa tabarucaaga Ciwaanada ka muuqda Hoosta.

Fadlan, hadii aad DahabShiil  ku soo dirayso tabarucaaga, waa kan ciwaanku.

DAHABSHIIL:             Account NO        26000

Fadlan, hadii aad Zaad Service ku soo dirayso tabarucaaga, waa kan ciwaanku.

ZAAD SERVICE: 4840000

Fadlan, hadii aad SALAAMA BANK ku soo dirayso tabarucaaga, waa kan ciwaanku.

SALAAMA BANK:             60029985

Fadlan, hadii aad Mustaqbal  Online ku soo dirayso tabarucaaga, waa kan ciwaanku.

MUSTAQBAL Online:        2030

 

 

Cabdimatan gudhane

Hadhwanaagnews

Manchester


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.