iyo shacabka Magaalada Caynaba.
Waxa weftiga lagu dejiyey Guriga Martida ee Caynaba halkaas oo munasibad soo dhoweyn ah loogu sameeyey weftiyada Xukuumadda iyo deegaanka Buuhoodle, waxaana halkaas ka hadlay Xubno kamid ah Wasiirada xukuumadda, iyo xubno ka mid ah weftiga saleeban xaglotoosiye, dhammantood waxay sheegeen in wada hadaladii labada dhinac ay ku soo dhammaadeen is af garad,madaxweynuhuna uu aqbalay qodobadii ay codsadeen weftiga xaglatoosiye.
Dhammaanba khudbadihii ay halkaas ka jeediyeen weftigani waxay ahaayeen kuwo ay dadka ku wacyigelinayeen Nabadgelyada, isla markaasna ay ugu sheegayeen in Deegaanadii Colaaduhu ka jireen ay si buuxda u qaateen una taageereen Nabadd ka dhalata deegaanada Somaliland oo dhan.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuliyiin iyo madaxdhaqameed ka Caynaba waxayna wax lagu farxo ku tilmaameen Guusha uu ku soo dhammaaday wada hadalkii xukuumadda iyo xaglatoosiye, sidoo kale waxay sheegeen in ay guul taariikhiya Noqon doonto Nabadda ay isla qaateen xukuumadda iyo weftiga xaglatoosiye ee Deegaanka Buuhoodle.
Intaas kadib waxa weftigani u baqooleen Dhinaca Degmada Qorulugud, waxayna Dadweynaha Degmadaasi kusoo Dhoweeyeen wufuudda isugu jira wasiirada iyo weftiga reer Buuhoodle, Caleemoqoyan, sacab iyo mushxarad, So Dhoweyn kal iyo laab ah kadib waxa weftiga la fadhiisiyey Barxad weyn oo ah Afaafka hore ee Dugsiga Degmadasii Qorulugud, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xubno ka mid ah Weftiga Xukuumadda iyo xubno ka mid ah weftiga Xaglatoosiye, Waxay sheegeen in Deegaanka Buuhoodle ay nabaddii qaateen isla markaasna ay nabad iyo boholyow la soo noqdeen,
wasiirada munasibadda ka hadlay wuxu mid waliba sheegay inu ku faraxsan yahay Nabadda dhalatay bisha barakaysan ee RAMADAAN Gaar ahaan weliba 10kii Danbee ee laylatul qadrigu ku jirey, Hogaamiye Saleban Xaglatoosiye ayaa isagu si shucuur iyo weji aad u farxad badani ka muuqday shacabka Deegaanka Qurulugud ugu heesay Heesta Xasan aadan qaado ee ah Beryaan kala maqnaynoo waan idin buseelee, Bulshayahay Ma nabadbaa wuxu sidoo kale halkaas ka jeediyey hadalo qiiro geliyey bulshada reer Qorlugud kuna beeray boholyow badan, wuxu Waxgaradka iyo Dadweynaha Qorulugud u sheegay in colaadii iyo waxyaabi dhex maray beelaha isku deegaanka ah ee walaalaha ah ay halkaas ku soo afjarantay nabaddana lagaw ada shaqeeyo, waxa uu tilmaamay in is afgaradkani uu ahaa is af garad siyaasi ah balse aanu ahayn kii dhaqanka loona baahanyahay in oday dhaqameedku ay geed hoostii isugu yimaadaan oo ay dhammeeyaan waxyaabihii yaryaraa ee dhacay, si nabad ah na ay ku dhameeyaan, wuxu xaglatoosiye aad uga hadlay Dad uu sheegay in ay labada dhinacba ka soo jeedaan (Qorulugud iyo Buuhoodle)oo nabadda liddi ku ah, waxanu codsaday in dhinac looga soo wada jeesto cid kasta oo nabadda ka so horjeesata.
Waxa iyaguna dhinacood halkaas ka hadlay Badhasabka Togdheer Cabdo Aayir iyo Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Degmada Qorulugud, waxay dhammantood sheegeen in Nabaddu tahay waxa keliya ee nolol fiican qofku ku noolaan karo, wax ku baran karo, ku dhaqan karo, si xor ahna u noolaan karo, balse colaadu anay waxba Tarin, waxgaradka Qorulugud waxay shegeen in bishii 6aad shir ay yeesheen ay ku shaaciyeen inay Nabadda qaateen walaalahooda buuhoodlena soo dhoweynayaan, waxayna shegeen in inay nabadda qaateen ay muujinayso sida aanay uga hadlin ugana hadli donin waxyaabo habeeno dhoweyd ka dhacay deegaankan qorulugud.
Gebogabadii Waxa weftiga Xaglatoosiye ay weftigii xukuumadduu u sii gelbiyeen dhinaca deegaanka Buuhoodle, waxaana halkaas si ballaadhan oo kal iyo laab ah lagu sii sagootiyey Weftigii Reer Buuhoodle ee uu hogaaminayey xaglatoosiye ee qaatay Nabadda, Waxaana ay weftiga xukuumadda iyo waxgaradka Degmada Qorulugud kaga soo Hadheen Deegaanka Maygaagle oo u dhaxaysa Buuhoodle iyo Qorulugud, Waxaana Saacad kaddib ay weftigaasi Gaadheen Buuhoodle iyadoo sida la sheegay lagu soo dhoweeyey weftiga xaglatoosiyey soo dhoweyntii ugu meeqaamka sarraysay ee shacabka Deegaanka Buuhoodle ay ku soo Dhoweeyaan Hogaamiye Xaglatoosiye.
WARKAN OO VIDEO HALKAN KA DAAWO
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office