Sakadu waa rukunka 3aad ee diinta Islaamka, macnaheeduna waa is daahiritaan nafta iyo maalka lagu kala daahiriyo labadeeda nooc ee sakaatul maal iyo sakaatul fitri, oo labaduba cibaadooyinka sanadleha ah ka mid ah ama sanadkiiba mar la bixiyo. ILaahayna
SWT wuxuu jecel yahay dadka is daahiriya. Marka labadooda la is barbar dhigana waxaa weyn oo culus sakaatul maal, labadabana waa waajib diini ah bixintoodu. Markastana waa maal qofkii karaayey siinaayo ka aan waxba haysan ee fiqiirka iyo miskiinka ah. Hayeeshee sakaatul fitriga wixii maalintaas yoomkaaga dheer hadaad haysid waa kugu waajib inaad bixisaa.
Sakaatul fitri waxay la xidhiidhaa bisha Ramadaan oo sidaynu ognahay dhamadkeeda la guto, Waana calaa madax oo waxaa laga bixiyaa naf kasta oo nool oo bishaas Ramadaan nolol ku soo gaadhay xataa kii saacadii uugu danbaysay ee Ramadan dhashay, hayeeshee kii habeenka ciida ee Shuwaal ama Soonfuri koowda tahay bacdal maqrib dhashay laguma laha, markaan aqoontay hadlo.
Sakaatul fitri waxyaabaha ay la gaarka tahay waxaa ka mid ah inaad ka bixisid dhamaanba dadka aad masuulka ka tahay sida ubadkaaga iyo ooridaada, halka sakaatul maalka ayada taajirka oo qudhi bixiyo, cid kalena aanu masuul ka ahayn, jeebkiisa mooyee.
Qofka Bin Aadamka ahi waa 360 xubnood jidhkiisu, siduu xadiisku tilmaamay, waa beryebana sadaqad ayaa xubin kasta ku waajibtay in laga bixiyo, takbiirta, taxmiida, tahliisha iyo tasbiixda ayaana sadaqadaas kaa guda, ilayn subax kasta lagama yaabo 360 jeer inaad wax dhiibtid ama gacanta jeebka gelisidee.
Hadaba sakaatul fitriga lafteeda nafta iyo qudha ayaa laga bixiyaa oo lagu daahiriyaa, waxaa kale oo lagu maydhaa wixii laqwi iyo nusqaan Bishaas Ramadaan ee aad soomanayd kaa dhacay, waxaa kale oo lagaga farxinayaa masaakiinta iyo caydha si ay kuula ciidaan ayakoo faraxsan oo calal aqal yawmu ciidka waxay quutaan oo jidiinka mariyaan haysta.
Sakaatul fitri waqtigeeda uugu habooni waa salaada ciida horteed subaxaas ciida la tukanaayo, haday salaada ka dib bixinteedu dhacdo oo miskiinkii ay gaadhana, waa uun sadaqad caadi ah ee sakaatul fitri maaha. Sidaas darteed waxaa waajib ah intaan la tukan inaad cidaad siinaysay gudoonsiisid. Arintaasna daliilkeedu waa saxeex culimadu wada ogtahay.
Sida qaalibka ah in raashin ahaan lagu bixiyo ayaa la doortay ama asaasku yahay, hayeeshe culimada waaweyn ee fatwootaa waxa kale oo ay baneeyeen in lacag ahaana lagu bixin karo, ogaalkay. Intii uu raashinka aad bixin lahayd qiimihiisu noqonaayey ayuun baad lacag u rogaysaa dabeetana dhiibaysaa ama diraysaa hadaad qurbe joog tahay, adigoo xaqiijinaaya inay cidaad u diraysid salaada ciida intaan la tukan horteed helaan oo gacantooda ay ku dhacdo.
Had iyo goorna sakada waxa liita ama hooseeya laguma bixiyo ee wax wanaagsan oo qiimo leh ayaa lagu gutaa, gaar ahaan waxa quutal qaalibka ah ee bulshadu raashin ahaan inta badan quudato ama cunto, sida bariiska, baastada, daqiiqda, Timirta, sareenka ..........IWM.
Qaderka la bixinayaana waa saac. Saacuna waa afar dhegley miis ahaan, miisaan ahaana waa laba kiiloo iyo badh(2.5kg) Dalkan UK sanadkan lacag ahaan waxaa lagu qiimeeyey inuu qofkiiba bixiyo £5 (Shan gini oo sterling ah) dalalka kalena intiina joogtaa culimadiina kala xidhiidha arintaas.
Cida uugu haboon ee la siinayaa waa miskiinka qaraabada kula ah ee weliba aan ahayn inta inaad kasabkooda ama biilkoodaa bixisaa kugu waajibka tahay sida ubadkaaga iyo waalidkaa oo aad adigu gacanta ku haysidoo kale. Weliba kuwa masaafo ahaan aan kaa fogeyn ayaad siinaysaa si aan kii kugu dhawaa oo bakhtiyaaya aan mid meel shishe jooga loola doonan.
Sakaatul fitri waa mawduuc balaadhan, ana waan dul cararay, faahfaahinteedana culimada waaweyn ayaa si qoto dheer uuga hadasha ee Internetka ha laga dhegaysto iyo weliba Idaacadaha, Tvyada, cajeladaha, CDska, DVDska iyo weliba jaraa`idka qaarkii oo maqaalo hufan oo arintan ku saabsan culimadu ku soo qorto.
Ramadaan Mubaarak------------Walxamdi Lilaahi Rabbil caalamiin
Wasalamu calaykum waraxma
Bashe Abdillahi Qulumbe, london