Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


XILDHIBANADA MAANTA LASOO CELIYAY(LADIIDAY) MUQDISHO OO U BADAN H/YOONIS ISAAQ by Cali Maxamad


(Hadhwanaagnews) Monday, August 13, 2012
Waxa aynu ka wada warhaynaa in wakhtiyada hada lagu jiro ay magalada Muqdisho ay ka socdaan Xulitaankii

Waxa aynu ka wada warhaynaa in wakhtiyada hada lagu jiro ay magalada Muqdisho ay ka socdaan Xulitaankii Barlamaanka Somaliya iyada oo wakhti aan sidaa inooga fogayn lagusoo dhameeyay Ansixintii Distoorka oo wakhtibadan murano aad u badani ay ka dhasheen.

Hadaba waxaa wakhtigan xadirkaa lagu guda jiraa Xulitaankii Barlamaanta oo ayamahanba Odayasha hawshaasi wadaa ay gudbinayeen taasi oo buuq aad u badan belahan ka dhalisay halkan jooga

Waxaa warar lagu kalsoon yahay ay maantay shegayaan in badan kodii Xidhibanadii u sharaxnaa Barlamanka Dawlada Somaliya lagu soo celiyay dhinaca aqoonta iyada oo wararku ay nagu soo gadhayaan
in lasoo celiyay 50 Xildhibano ,sababtuna ay tahay ayaga oo buxin wayay shurudii aqoonta gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Waxaa kaloo Wararku ay shegayaan in Xildhibanada qaarkood

lagu soo celiyay markii laga codsaday  Madax dhaqameedyadu in ay kusoo badalaan
Dumar madama sharciga loo qoondeeyay uu dhigaayo %30 isla markana  lisaska ay soo Gudbiyeen anay ku jirin wax Dumar ah,taasi oo aad uga cadhaysiisay Odayashii markii horaba qaabka ilduufkaa u Gudbiyay Ragan ay badankooda Lacagta ka qateen.

Waxyabaha kale ee hada aadka loogu muransan yahay ayaa waxaa ka mid ah in badanka Xildhibanadan ay odayashu ay ka qateen Lacag aad u farabadan taasi oo Maanta Magalada Muqdisho aad meela badan
oo ka mid ah aad ka maqlaysi is,haysadka ka dhextagan Odayashii Lacagta iyo Laluushka ka qaatay Rag badan oo ka mid ah kuwa hada lasoo celiyay.

Hadaba markii aanu u kuur galnay Raga lasoo celiyay ayaa waxa la shegayaa in ay ugu badnayeen Qoloyinkii Reer SmaliLand kuwaasi oo ay ka mid yihiin,

1-Ismaciil xasan oo wakhti aad u badan ka tirsanaa Barlamankasi
isla markana waxaa la cadaynayaa in Maanta lasoo celiyay , iyada oo waliba lagu cadeeyay in Suldaanka soo Magacabay oo ah C/Qani C/Laahi uu yahay in aan Xataa waligii madax dhaqameed aan noqon isla markana aan wax wakalada aan ka sidan Suldaanka Guud ee Bersha ISAXAAQ CARRE Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray oo wakhtigan xadirka ku sugan Hargaysa.

2-Waxaa kaloo lasoo celiyay Ridwaan oo isagana lagu edeyay in uu yahay nin Boodbood badan isla markana aan ku saldhigin Jogista
Barlamaanka ee Magalada Muqdisho.

3-Waxa kaloo lasoo celiyay Ninka lagu magacabo sida wararku nagu soo gadhayaan SUGULE kasi oo isaga la aqoonsaday in dhamaan wax Aqoona oo uu leyahay anu jirin.

Hadaba maxaa laga filan karaa madamaa wakhtigan xadirkaa Magalada Muqdisho ay la ciireciirayso Muranada iyo ka Lacag qadashada Xubnaha  Baarlamaanka ayada oo la filaayo in taasi mid kabadanina ay ka dhici karto Dorashada madaxwaynaha oo Fooda inagu soo haysa.

Cali Maxamad

Muqdisho

calimaxamad@gmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.