Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasiirka Hidaha,Dhaqanka Iyo Ciyaaraha Iyo Masuuliyiin Kale Oo Wehelinayey Oo Kormeer Ku Soo Maray Garoonada Magaalada Hargeysa Ee Ay Ka Socdaan Tartanada Kubada Cagta Ee Bisha Ramadaan.


(Hadhwanaagnews) Monday, August 13, 2012
Hargeysa(HWN):-wasiirka hidaha,dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa maanta kor meer ku soo kala bixiyey garoomada kubada cagta ee uu ka socdo tartanka loogu tala galay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Hargeysa(HWN):-wasiirka hidaha,dhaqanka iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa maanta kor meer ku soo kala bixiyey garoomada kubada cagta ee uu ka socdo tartanka loogu tala galay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka Iyo Masuuliyiinta Wehelinayey Oo Ku Sugan Garoonka Weyn Ee Hargeysa Stadium.
Wasiirka oo maanta kormeer kala duwan ku soo kala bixiyey garoomada ku yaala magaaalda Hargeysa kuwaas oo ay  ilaa hada si habsamiya uga socdaan  tartamada loogu tala galay  bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxa kormeerkiisa ku wehelinayey agaasimaha guud ee wasaarada hidaha,dhaqanka iyo ciyaaraha Mustafe Maxamuud Qodax iyo agaasimaha

guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada Maxamed Cilmi Ilka case.

Ujeedada  kormeerkan ay  wasiirka iyo xubnaha kale ee wehelinayey ku kala bixiyeen garoomada kala duwan ee sida habsamida ah ay  uga socdaan  tartanada  loogu tala galay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ujeedadiisu ahayd inay u kuur galaan sida ay u socdaan tartamadaasi iyo heerka ay ilaa hada soo gaadheen.

Waftiga wasiirka ciyaaruhu hogaaminayey ee maanta kor meerka ku soo maray  garoonada ku yaala magaalada Hargeysa ee uu ka socdo tartanka kubada cagtu ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa waxay warbixino ka dhagaysanayeen guddida iyo garsoorayaasha gacanta ku haya tartanadan kala duwan ee ka socda garoomada magaalada Hargeysa, kuwaas oo iyaguna  wasiirka iyo waftigiisa faahfaahin buuxda ka siinayey sida ay u socdaan tartanadaasi iyo ilaa hada heerka ay soo gaadheen iyaga oo dhinaca kalana wasiirka iyo waftigiisa ku hanbalyeeyey kormeerka ay maanta ku kala bixiyeen garoomada kala duwan ee ay ka socdaan tartanada kala duwan ee loogu tala galay bisha barkaysan ee Ramadaan.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.