aan maanta somaliland looga baahneyn iyada oo aynu lawada socono horumarka xawliga ah ee dalku ku socdo dhinac kastaba haday noqoto xaga maamulka,waxbarashada,ciyaaraha maalgashiga,wershadaha,dhismaha,biyo gelinta iyo dhamaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka hana qaaday dhinac walba
iyadoo arimuhu caynkaa yihiin ayay nimankaa isku reerka ahi weerar ku qaadeen wasiirka macdanta iyo biyaha iyo beeshiisa sharafta mudan kuna tilmaameen wasiirka cunsuri qabiileyste ah una buriyay biyaha reerkiisa
iyadoo aynu ognahay wasiirka iyo wax qabadkiisa marka loo eego wasiiradii isaga ka horeeyey mudadii somaliland soo jirtay ee 21 sano ahayd iyadoo wasiirku shaqadiisa u wado si hufan oo nidaamsan oo cilmiyaysan wax kastaana ay ku socdaan jadwal iyo sida baahidu u kala badan tahay
hadaba ficilka qabyaaladaysan ee xamaasada iyo shaqaaqo abuurka ah ee nimankaasi ku kaceen ayaa waxay tahay mid ay doonayaan inay khalkhal ku geliyaan amaanka iyo wada noolaanshaha umada walaalaha ah ee cadowga qudha wada leh si ay u kala qoqobaan oo ay colaad isugu geliyaan bulshada reer somailand
isla mar ahaantaa waxay ku fashilmeen in ay wax u qabtaan deegaamadii laga soo doortay mudo sideed sano kabadan oo ay xildhibaano ahaayeen oo ay riyaale hoos fadhiyeen waxa alaale waxay u qabteen dadkooda majirin maanta markii ay arkeen in waqtigoodii gabaabsi yahay ayay ku meer merayaan waxaan sakaaro ka biirsan si magac ay uga helaan dadkii soo doortay oo ay ku guul dareysteen inay wax usoo kordhiyaan
waxaa kaloo intaa dheer nimankani waxay ahaayeen kuwii laabta iska garaacayey xiligii la abaabulayey shirkii daallo oo beeshoodu ku kulmaysey iyagoo ku hanjabaya shirku wuu dhacayaa iyo yaa joojin kara iyadoo aad moodo inay cadow lahadlayaan xiligaa kuway u hanjabayeen waa dawlada iyo shacabka reer somaliland ilayn cidkale lamay hadlayne
hadalada fidnada xambaarsan ee kasoo burqanaya kooxdan casaabada ah ayaa waxay xoogaynayaan
warar sir lagu helay oo qarsoodi ah ayaa sheegaya in shirkii daalo ee beeshoodu ku qabsatay ay ku jireen in beeshu qas abuurto oo dalku degi waayo hadii beeshu ay waydo kursiga madaxtinimada ee doorashooyinka soo socda
arinkan ayaa la odhan karaa wuxuu hordhac u yahay go,aamada qarsoon ee beeshoodu gaadhey
kooxdan casaabada ah ayaa dhaqan ka dhigatay haday laba hablood is xag xagtaan inay war saxaafadeed soo saaraan ay arinkaa kaga soo hor jeedaan taasi oo ah dhaqan xumo ay kusoo kordhiyeen wadankan horu maraya
si kastaba arimuhu ha ahaadaane masuuliyiinta beeshan ayaa dhaqan ka dhigatay in had iyo jeeraale ay fidno abuuraan
soona saaraan shir saxaafadeedyo qabiilaysan oo badheedha oo ay ku weerarayaan beelaha kale ee ee walaalohooda ah iyo madaxda dalka arimaahaasi oo keeni kara xasi looni la,aan dalka ka dhacda hadii lagu sii wado
sidaa darteed waxaanu ka codsanaynaa wax garadka beeshan h/yoonis iyo madax dhaqameedyadooda inay xaal iyo boolajiis ka bixiyaan kana raali gelinayaan wasiirka iyo beeshiisa hadii kale waxaa loo arki doonaa inay kula socdaan o ay raali kaga yihin qaladaadka foosha xun ee ay inamadoodu samaynayaan taasi oo sii socotaana waxay keeni doontaa yooyaaltan xaga saxaafada iyo war baahinta ah oo dhalisa xiisad iyo iskudhac
yaasiin saleebaan
guul somaliland
yaass98@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga