laabatay Ottawa , wax uu qabto daayey qaadhaan ayaa dib Ottawa looga ururiyay si looga sii daayo Huteel Muqdisho oo lacag ku lahaa.
Qurbomeer Rashiid iyo sakhraan Saleebaan waxaa imika la soo gudnoonaatay xaalad adag isagoo dowladda TFG ay siisay 9 xildhibaan oo keliya beesha Samaroon halka beesha Ciise la siiyey 8 xildhibaan. Waxaa la wada ogsoon yahay in Qurbomeer Rashiid in ay Ciise degin Somaliland ee Samaroon dadsan yahay Looyacado ilaa Berbera dusheeda, farintaana uu la tagay Muqdishu. Tageerayaasha Qurbomeer State waxaa u cuntoomi wayday siday beesha loogu sheekeeyay Somaliland ma degto iyo beeshoodu ay sami isku miday ka helaan TFG.
Markiiay taasi dhacday ayaa Qurbomeer State saxaafadoodi ay joojiyeen qasaayindkii ay u qaadi jireen Muqdishu. Somaliweyntii laga dhigay janadii farduusa ayaa imika Qurbomeer State afka ayna soo marin shabakadaha awdalstate, awdalonline iyo awdalstateofsomalia. Sidoo Kale, shabakadii harowo.com oo ahayd afka ugu dheer ee u hadla Qurbomeer State ayaa uso digarowtay dhinaca Somaliland markii mulkiilaha harowo.com axmed sheikh faarax inaadeerii cabdirashid xasan mataan laga shigay ninka u sharaxan madaxweyne ku xigeenka dhinca UCID ka sharaxan. Iyadoo beesha Axmed Shekh Faarax ka soo jeedo ay rajaynayaan inay dib ugu soo noqdaan hogaanka somaliland ayay harowo.com iyo beeshiba ay si toos ah uu joojiyeen tageeradii dhaqaale ay siinayeen Qurbomeer State.
Busaarad dhaqaale awgeed ayaa Qurbomeer Rashid xataa awoodi waayey inuu Muqdishu tago xiligga kalaguurka si uu siyaasadda Somalia uga dhex muuqdo. Marka qurboojoogta Somaliyeed ee siyaasade ka dhex muuqdaa ay Muqdisho dhaqadhaqaaq siyaasadeed ka wadaan ayuu Qurbomeer Rashiid flyer ku dhex guraa jaraaidka Ottawa Citizen. Halku sakhraan Saleeban kolba islaan garoob ah gureeda ku soo bookhdo isagoo leh na caawiya Somaliland ayaa na weerareysee.
Jacawareerka siyaasadeed ee la soo gudbay Qurbomeer State waxaad ka garanaysaa qoraal dheer oo calaancal ah uu sakhraan Saleebaan dhawaan ka soo qoray markii uu heeshiisku dhexmaray Silanyo iyo XagloToosiye. Sidii islaan hinaastay oo gabdh kale lala qabo wixii la siiyay ka hinaastay, ayuu sakhraanku leeyahay maxaa XagloToosiye loo siinayaa laba baabuur ee Qurbomeer Rashiid loola hadli waayey. Sakhraan Saleebaan oo dhowr bilood lahaa waxba ha waydiinina Silanyo Xamar ayaa loowada socdaaya ayaa maanta ku danbeeyay baryo uu la hoostago Silanyo isagoo leh waar dhinacayaga soo eeg oo laba baabur sii Qurbomeer Rashiid.
Ninkii soo jog laga waayo soo jig ayaa laga helaa. Dhowr bilood ayaa Qurbomeer Rashiid iyo sakhraan Saleebaan la lahaa waar iska daaya Somaliweyn ee dadkiina Somaliland wax la qaybasa. Tii way diideen oo waxay ka doorbideed iney Puntland ay dabada ay u lulaan. Waxay calan buluug ah ay lulaanba waxay ku danbeeyeen in loo qoondeeyo 9 xildhibaan. Waxay Muqdishu iyo Somaliweynba amaanaanba waxay ku danbeeyeen in loo qoondeeyo 9 xildhibaan. Waxay yidhaahdaanba Ciise ma dego Somaliland waxay walaahood Ciise ay xaasidaanba waxay ku danbeeyeen in loo qoondeeyo 9 xildhibaan halka Ciisahana la siiyey 8 xildhibaan. Xaqdaro ayay u tageen Muqdishu oo dad bay u sheekeeyee dadkaayaga ayaa laaya maalin walba. Xaqdaro ayay u tageen Muqdishu oo dad bay u sheekeeyeen Ciise ma joogo Somaliland ee kuraasidiisi anaga nugu soo wareejiya. Waxayna kala kulmeen wajiqabax Muqdishu. Waar dadkiina wax la qaybsada oo Muqdishu aan war ku haynin, danna kaa lahayn waxba ha ku sii ordina
Mohamed Ahmed Abdi