Mo Farah In badan ayaa ka hor Guulihiisan cusub aan Maqli Jirey ama ka daawan Jirey Orodada uu ka qeyb galo.Mararka qaar waxaan Dhageysan Jirey Wareysiyo gaaban oo laga qaado Inkasta oo aad Dareemi karto in Weli Soomaaligiisu aad u kooban Yahay.Maalintii ugu Horeysey ee aan isku soo Dhawaanaa waxa ay aheyd Markii uu Hargeisa ku Yimi booqashada sanadii Sept 21,2011 .Baabuur tiro badan ayaa soo Galbisey Waxaan Markaasi ka soo baxay Masaajid aan ku tukaday Salaadii Duhur,Aniga oo wadada taagan oo Sugaya Baabuur aan la socdey ayaa waxa Mar qudha Wadadii soo Xidhey Baabuur gelbis ah oo sidey Orodyahanka caanka ah una Dhashay Somaliland
Mo Farah.In badan ayey Socdeen,Qof kastaana wuxuu gartay in Mo farah Meesha la soo Mariyey si loogu Dejiyo Hudheelkii lagu waday.Sawirada Baabuurta ku Dhegan ayaana dadkii Xitaa aan la soconi ay ka Fahmeen intii Garaneysey.Waxaan Xasuusan karaa Landcruiserkii Madoobaa ee lagu Siday Maalintaasi.
Safarkii oo Somaliland ku Yimid Weli Raadkiisii wuu Sii Muuqdaa.Wuxuu Qiimeyn karaa sidii loo soo Dhaweeyey,Wixii uu wadankiisii hooyo kala kulmey iyo Sida Madaxweynuhu u qaabiley intaba.Weli Muuqaalkiisu in badan ayuu Somaliland ku sii Hadhey Maxaa Yeelay wuxu Xayeysiis u sameeyey Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah ee Somtel oo Boodhadhkeeda Xayeysiis u adeegsatay Mo Farah.Inkasta oo Mo Farah loo Dhigey Mid u taagan Dhamaan magaca Soomaaliyeed Hadana waa Shakhsi ka soo Jeeda Deegaan iyo wadan Gooni ah.Guushuna malaha mararka qaar Xuduud iyo Meel gooni ah Taageerada qofku Bixinayaana waa mid ka gudbi karta Xuduudaha wadamada aduunka arintaasi oo keeni karta in Soomaali badani ay taageerto Mo Farah.
Waa arin Mudnaan leh in Qofku ordo 15,000 mtr ama Km.Haddii la isku geeyo Dhamaan orodada heer caalami iyo kuwa si gaar ah u uu sameeyeyba wey ka badan karaan inta uu ordey 50,000Mtr.Waxaanu Mo Farah u muuqda nin Dhalinyaro ah oo sii ordi kara Masaafad intaasi ka badan.Wakhtiga uu ku ordeyna waa mid Dhab ahaantii ah Mucjiso iyo Dedaal intaba.Waxaad si Dhab ah u fahmi kartaa in uu Dadka iskaba dhaafe Wakhtiga kula Jiro Tartan.Waxaad ogaan kartaa in uu Mo Farah Maskaxda ku hayo Guul,Wadankiisa iyo Taageerayaashiisa intaba.Orodada Heer caalami ee uu Ka qeyb galeyaana waxa ay Noqonayaan kuwo Maalinba maalinta ka danbeysa soo Badanaaya.Waa arin mudnaan leh in aad ka soo dhex baxdo 100 qof oo kula Ordaayey.Waxaana Farxad u ah in Dhamaan boga hore lagaga soo Daabacey Majaladaha aduunka ee ka Faalooda Ciyaaraha.Mo Farah oo ah Geesi Guul keenay kana soo Dhex baxay Ragii Orodada dhaadheer Looga danbeyn Jirey sida Kenya,Ethiopia etc.
Farxada Guusha ka sakow waxa iyaduna in la Tilmaamo u baahan sida uu Mo Farah kor ugu Qaaday Calanka Somaliland.Calanka somaliland in lagu arko ama uu sawir ku soo galo ayaa dad badan u ah farxad,In uu sito oo kor uu u qaado ayaa dad badan u ah Guul kale.Wadan Calan leh,Sidoo kalena Majaraha nolol horumar lihi ka tisqaaday laakiin aan Ictiraaf heysanin ayuu ka soo Jeedaa Mo farah marka laga Hadlaayo Dhalashadiisa kowaad.Dhalashadiisa labaadse waa Britain waa halka uu ku barbaray,waa halka uu guusha u soo hooyey waana Halka uu ku gaadhay Heerkaasi una Baratamaayey.Britian in ay Ku maamuusto Sir Mo Farah waa Mid la rajeynaayo oo Warbaahinta lagu arkey.
Waa Maxay hadaba Ujeedada aynu u Baratameynaa ama Orodada dhaadheer u galnaa?Ma Caafimaadka ayuu u fiican yahay oo Xanuunada ayaa la iskaga Ilaaliyaa.Ma Baruurta ayaa la iskaga Ridaa.Ma Jidhka ayaa lagu Dhisaa.Ma Lacag iyo Bilado ayaa loo ordaa.Ma xiiso iyo Hobby ayaa la iskaga Ordaa.Ma dhakhtar caafimaad ayaa ku soo qorey.Ma Dhibaatada sida Dagaalka iyo Fakhriga ayaa laga Yaacaa.Mise shaqadaada ayaa kugu Kelifi karta sida Ciyaartoy ama Askarta dagaalka oo la baro Orodka badan.Waxaan Akhriyey Qoraal uu Qoray Nin hore u ahaan Jirey Orodyahan Ka qeyb galay Rome Olympics oo uu kaga Waraamaayey Maraxaladihii ka soo Maray Orodka.Ninkaasi hada waa 82 Jir.32 Sano oo Noloshiisa ka mid ah Ayaanu ku dhex Jirey orodo kala duwan.Wuxuu Sheegay in uu Ordey 89,000 oo Kilometres.
Cod Qaylo dheer ayey Shacabka somaliland ku qaabileen ama kaga Jawaabeen Guulaha Mo Farah.Mahadnaq iyo Farxad ayaana looga Muujiyey badi Somaliland.Mahadnaqa ka sakowna waxa Madaxda Ciyaaruhu carabka ku dhufteen in Mo Farah uu Dhiirigelin doono Boqolaal Dhalinyaro ah oo Xiiso u qaada Orodka Mustaqbalkana soo Bixi kara.Inkasta oo shaqo adag,Tababar iyo Qalab,Dhaqaale iwm uu u baahan yahay Barashada Orodada caalamiga ahi,Inkasta oo la odhan karo Barxado iyo Meelo lagu ordo oo loogu talo galay ayaa loo bahan yahay hadana Somaliland waa Wadan Jawi cimilo ku raali gelineysa leh oo Banaanadaasi la iska Ordi karo.
Waxa Jira Tartan Orodada Fudud ah oo la qaban Jirey Somtelna ay maalgelin Jirtey.Tartan xaafadaha iyo degmooyinka Caasimada dhex Mari jirey oo sanadkii hal mar la qaban Jirey.Sidoo kale Tartanka Ciyaaraha Gobolada somaliland ayaa lagu soo Bandhigi jirey tartano Ciyaaraha fudud ah sida Orodada kala duwan oo dhinac Socda Ciyaarta kubada Cagta.Run People,Run.
in badan maan ordin Baryahan.15 sano ka hor berigii aan garoomada ku ciyaari jirey ayaan ordi jirey.Aroortii ayaan mararka qaar ordi jirey salaada subax ka dib.Laakiin ilaa Hada Orodku waxa uu ku Jiraa Ciyaaraha aan Niyada ku hayo.Orodka Maxaa kaa reebi kara Ma shaqada oo kugu Badan,Ma safarada,Ma xanuunka,Ma Dhaawaca,Ma xiiso Dhaca,Ma Niyad jab kaa heysta Dhinaca agabka iyo Dhulka.Mise Amaan daro Wadankaaga ka Jirta.Orodku Ma waxa uu Muujinayaa In Jidhkaagu Caafimaad qabo.Dadka waa weynse Maxay inta badan u ordaan iyaga oo Xitaa 60 Jir ah.Saaxiibkey ayaa in Muddo ahba Wadey Orod laakiin Hadana si fiican uma Wado inta badan.Wuxuuna isku Dayaa in uu 1Km ama 2 Km Maalmaha qaar Ordi karo. Barxad weyn oo ku Dhow ayaana u Saamaxday isaga iyo Dhalinyar badan oo kaleba in ay Ordi karaan.
Mo Farah Waxa aynu u rajeyneynaa Guul tartan kasta oo uu ka qeyb galo.Marar kalena Wuu soo booqan Doona wadankiisa Hooyo.
abdifataah mahamed ahmed