Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Jimciyada Khayriga Ah Ee Al Raxma Oo Maanta Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay 50 Qoys Oo Dadka Danyarta Ah Ee Ku Dhaqan Xaafada Boqol Jire Ee Magaalada Hargeysa.


(Hadhwanaagnews) Friday, August 17, 2012
Hargeysa(HWN):-Jimciyada Khayriga ah ee Al Raxma ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 50 qoys oo dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafada Boqol Jire ee magaalada Hargeysa, raashinkaas oo ah sakaatul fidriga.

Hargeysa(HWN):-Jimciyada Khayriga ah ee Al Raxma ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiisay 50  qoys oo dadka danyarta ah ee ku dhaqan xaafada Boqol Jire ee magaalada Hargeysa, raashinkaas oo ah sakaatul fidriga.

Deeqda raashinka ah oo ay jimciyada Al Raxma Soo gaadhsiiyeen  ururka Abur Hurayra oo ka dhisan dalka Canada iyo muwaadinka reer Somaliland ee Jimcaale Maxamed oo isaguna degan wadanka Austerilia ayaa waxay iskugu jirtaa Daqiiq,Saliid Iyo Bariis.



style="mso-spacerun: yes"> Jimciyada Khayriga ah ee Al Raxma ayaa dadkan soo gaadhsiisay deeqda raashinka ah ee loogu tala galay waxaana wareejinta deeqdan ugu horaynba ka hadlay Nuur Cabdi Samad oo ka mida masuuliyiinta jimciyada Al Raxma waxaanu sheegay inay inuu aad ugu mahad naqayo dadkii soo gaadhsiiyey deeqdan raashinka ah ee loogu tala galay dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Waxaana hadaladisii ka mid ahaa ; waxaan u mahad naqayaa walaalaha  inoo suura galiyey inay deeqdani ina soo gaadho, waxa coodo inoo ahayd in marka kasta jimciyada Al Raxma ay goobahan oo kale keeni jirtay sakaarul fidriga oo dadka muxsiniinta ah ee walaalaheen ahi ay inoogu tabarucaan jimciyaduna ay gaadhsiiso kolba meeshii  looga baahan yahay ee dad danyar ahi joogaan, raashinka aynu maanta qaybinaynaa waxa uu inooga yimid dad walaalaheen ah oo meelo kala duwan jooga kuwaas oo ay ka mid yihiin Ururka Abu Hurayra oo ah urur dhalinyaro ah oo ka dhisan wadanka Canada iyo Jimcaale Xuseen Nuur oo ku sugan wadanka Ustareeliya, waxaynu ugu  ducaynaynaa in ilaahay wax khayr leh siiyo.’:
Sidoo kale Nuur Cabdi Samad waxa kale oo uu sheegay inay jimciyada khayriga ah ee Al Raxma  u taagan tahay sidii ay u kaalmayn lahayd dadka danyarta ah ee dhaqan xaafadaha magaalada Hargeysa, isaga oo tilmaamay inay jimciyadu kaalmada lagu soo hagaajiyo ay gaadhsiin doonto cidii loogu tala galay.

Sidoo kale Cali oo ka mida guddida xaafada Boqol Jire oo isaguna ku hadlaye afka dadka deeqdan raashinka ah la soo gaadhsiiyey ayaa  u mahad naqay jimciyada khayriga ah ee Al Raxma iyo dadka ku soo hagaajiyey deeqdan loogu tala galay.

Dhinaca kale waxa ka hadlay deeqdan soo gaadhay qaar ka mida dadka la gaadhsiiyey deeqdan kuwaas oo sheegay inay u mahad naqayaan cidii u soo dirtay iyo jimciyada Al Raxma ee soo gaadhsiisayba.

Jimciyada khayriga ah ee Al Raxma ayaa hadyo jeer dadka danyarta ah soo gaadhsiisa deeqo kala duwan oo loogu tala galay in la gaadhsiiyo dadkan, waxaanay masuuliyiinta jimciyadaasi hadyo jeer gacan  ka gaystaan hawlaha khayriga ah ee loo fidiyo dadka danyarta ah.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.