Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Agaasimaha Xarunta Caruurta Darbi Jiifka Ee Magaalada Hargeysa Oo Ka Hadashay Xaalada Caruurta Ku Sugan Xaruntaas,Fariina U Dirtay Xukuumada Iyo Shacabka.


(Hadhwanaagnews) Friday, August 17, 2012
Hargeysa(HWN):-agaasimaha xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah ee magaalada Hargeysa Luul Xasan Mataan ayaa maanta ka warbixisay xaalada ay ku sugan yihiin caruurta lagu xanaaneeyo goobtaas.

Hargeysa(HWN):-agaasimaha xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah ee magaalada Hargeysa  Luul Xasan Mataan ayaa maanta ka warbixisay xaalada ay ku sugan yihiin caruurta lagu xanaaneeyo goobtaas.

Agaasimaha Xarunta Caruurta Darbi Jiifka Ah iyo maxamed Cadaani oo ka mida qurba Jooga S/Land oo ku dhex jira caruurta.
Agaasimaha xarunta lagu daryeelo caruurta darbi jiifka ah ee magaalada Hargeysa oo maanta u waramaysay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews waxay sheegtay inay meel fiican marayso xaalada caruurta ku sugan xaruntaasi, iyada oo sheegtay inay shirkado badani ay  ka caawiyeen sidii xarunta dhismaheeda

loo dhamays tiri lahaa, sidoo kale waxay sheegtay inay xaruntan soo taageereen gabadh u dhalatay dalka hindiya oo la yidhaa Mss. Rahat iyo muwaadiniin somaliland ah oo ku dhaqan wadamada qurbaha kuwaas oo kala ah Yuusuf Cadaani yuusuf,Caasha Cali Cismaan iyo Maxamed Cadaani Yuuusuf.
Agaasimaha oo ka war bixinaysa xaalada caruurta ku sugan xaruntan ayaa tidhi “ xaruntan waxaan qorshaheeda bilaabay sanadkii 2007 aniga oo jooga guddida xuquul iinsaanka qaranka, maayarka ayaana bixiyey dhulka laga dhisay xaruntan, dhismaha ugu badan ee xaruntana waxa dhisay shirkada Dahabshiil waxaany ku bixiyeen $50,000, shirkada Telesom ayaa iyaduna  waxay galisay $9000, maxamed Aw Siciid isaguna wuxuu ku lahaa $5000, maayarku sidoo kale waxa uu bixiyey $5000 iyo wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada oo iyaduna ku leh $10,000 sidoo kale waxa dhismaha nagala qayb galay hablo reer Somaliland ah oo ku sugan wadamada Ingiriiska iyo Canada.”
Agaasimaha xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah ee magaalada Hargeysa waxay fariin u dirtay xukuumada Somaliland iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku dhaqan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba inay soo gargaaraan caruurta ku sugan xaruntan oo ah kuwii darbi jiifka ahaa ee laga soo ururiyey suuqyada magaalada Hargeysa.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.