Hargeysa (HWN) Ururka somaliland Life Makers oo ka jira meelo badan oo caalamka ah ayaa maanta 70 ka mid ah ubadka ay dhaleen dadka naafada ahi waxa ay guddoonsiiyeen dharkii ay xidhan lahaayeen munaasibadda Ciidul Fidriga.
Xaflad loo sameeyay guddoonsiinta deeqdan ayaa waxa ay ka dhacday Hoteel Imperial ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Xildhibaano ka tirsan labadda gole, Safiirka dalka Masar u fadhiya Somaliland, guddoomiyaha ururka naafada iyo masuuliyiin kale.
´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt">Hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeedisay guddoomiyaha ururka somaliland Life Makers farxiya Cali Cabdilaahi ayaa waxa ay sheegtay in ay deeqdan ugu talo galeen ubadka ay dhaleen dadka naafada ahi.
Ururkayagan oo jiray muddo aad u yar waxaanu qabanay mudadaasi in aanu jimce walba afurino intii lagu guddo jiray bisha barakaysan ee Ramadaan qaar ka mid ah dadka jilicda-san, waxaanan idiin sheegi lahaa in aanaan ahayn hayad wayn oo iyadu dhaqaale badan haysata, balse waxa aanu ahayn dad dhalinyaro ah oo wixii ay lacag haystaan badh kasoo jaray isla markaana is yidhi dadkiina maxaad u qaban kartaan
Mar ay Farxiya Cali Cabdilaahi ay ka hadlaysay deeqdan dharka ah ee ay ku wareejinayaan caruurtan ay dhaleen waalidiinta naafada ahi waxa ay xustay in ay dhawaan booqdeen xarunta naafada ee Magaaladda Hargeysa isla markaana soo ogaadeen in ay yihiin kuwa ugu baahida badan.
Sidoo kale guddoomiyaha dalladda Naafada Somaliland Mukhtaar Cismaan Xaaji Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyay ururkan deeqdan ay soo gaadhsiiyeen, waxaanu sheegay in ay tahay meel u baahan.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo isna halkaasi kelmado kooban ka soo jeediyay ayaa xusay in deeqdani la guddoonsiiyay caruurta ay dhaleen waalidiinta naafada ahi ay tahay mid meel haboon ku baxday, waxaanu uga mahad celiyay ururka sida fiican ee ay uga soo shaqeeyeen mudadii ay jireen dalka Somaliland.
Isaam oo ka tirsan maktabada Masaarida oo isna ka mid ah masuuliyiintii halkaasi saaka hadalada ka soo jeediyay ayaa si aad ah ugu mahad celiyay ururka Somaliland Life Makers, waxaanu xusay in waxyaabaha khayriga ah ee ay sameeyeen uu ilaahay miisaanka xasanaadka u saari doono.
Gabogabadiina waxa madashaashi kalmado kooban ka soo jeediyay Dayib Xasan Axmed oo sheegay in ururkani uu ka mid yahay ururadda u ordaya sidii ay Somaliland dhinac horumarka isbedal la taaban karo loogu arki lahaa.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com