Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dowlada KMG ah oo Faah Faahin Ka Bixisay Dil uu Maanta Geystay Mid Kamid ah Shaqaalaha idaacada Shabelle Ee Muqdisho.


(Hadhwanaagnews) Friday, August 17, 2012
Muqdisho-(HWN)- Kadib markii maanta mid kamid ah shaqalaha idaacada Shabelle qeybta waardiyaha ama ilaalada uu dil bareer

Muqdisho-(HWN)- Kadib markii maanta mid kamid ah shaqalaha idaacada Shabelle qeybta waardiyaha ama ilaalada uu dil bareer ah ugeystay haweeney isla markaana dhaawacay qof kale ayaa waxaa faah faahin ka bixisay dowlada KMG ah Soomaaliya.

Hey’ada Nabad Sugida qaranka ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dad masaakiin ah oo raashin loogu qeybinayay meel udhaxeysa garoonka diyaaradaha ee Aadan cade iyo idaacada Shabelle lagu dilay mid kamid ah haweenkii loo qeybinyay raashinka isla markaana uu dilay ilaada idaacada Shabelle Ee Muqdisho.

Ninka

falkaasi geystay ayaa lagu magacaabaa  Cumar Cali Fareey waxaana la tilmaamay in dadkii raashinka loo qeybinayay uu ku amray in ay meesha isaga tagaan hayee shee ay kadhaga adeegaan waxaana intaasi kadib uu rasaas ku furay dadkii masaakinta ahaa ee raashinka loo qeybinayay waxaa goobta ku ruux baxay qof haweeney ah waxaana dhaawac ka soo gaaray qof kale.

Shir jaraa.id oo uu qabtay Taliyaha hay’adda nabad sugida Qaranka ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag in ninkii falka dilka ah ee geystay uu ka baxsaday goobta bala ay gacanta ku soo dhigeen madaxii ilaada Radio-ga Shabelle waxaana uu intaasi ku daray in ay ku raad jogaan gacan ku dhiig lihii falka dilka ah geystay.

Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

contact@hadhwanaagnews.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.