Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kooxda Baby Shop Oo Ku Guulaysatay Tartankii Bisha Ramadaan Ee Uu Maal Galiyey Ciyaaryahanka Yuusuf Nuux Yuusuf(Tadhase) Ee Ka Socday Garoonka Hargeysa Stadium+Daawo Sawirada


(Hadhwanaagnews) Friday, August 17, 2012
Hargeysa(HWN):-kooxda Baby Shop ayaa maanta ku guulaysatay koobkii bisha Ramadaan ee ka socday garoonka Hargeysa Stadium kaas oo uu maal galiyey ciyaar yahankii waynaa ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase.

Hargeysa(HWN):-kooxda Baby Shop ayaa maanta ku  guulaysatay koobkii bisha Ramadaan ee ka socday garoonka Hargeysa Stadium kaas oo uu maal galiyey ciyaar yahankii waynaa ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase.

Koobkan oo si habsamiya ku soo dhamaaday ayaa ciyaartii ugu danbaysay waxay dhexmartay kooxaha Baby Shop iyo kooxda Iimaan Construction kuwaas oo maanta ku kala calaf qaaday ciyaar aad u xiiso badan oo galabta dhex martay.
Ciyaarta lagu soo xidhayey tartan koobka bisha

Ramadaan ee ka socday garoonka Hargeysa Stadium ayaa waxa ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodax,la taliyaha madaxweynaha   ee arimaha dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi,qaar ka mida qurba jooga Somaliland iyo dadweyne aad u tira badan.

Ciyaartan lagu soo xidhayey koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa Stadium oo dhex martay kooxaha Baby Shop iyo Iimaan Construction ayaa waxay ku dhamaatay hal gool iyo waxba ay guushu ku raacday kooxda Baby Shop,goolkaas oo uu qaybtii danbe ee ciyaarta dhaliyey ciyaaryahanka lanbarka tobnaad u sita kooxdaas ee Haybe Good Hure.

Xidhitaanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa stadium ayaa waxa ugu horayntiiba ka hadlay gudoomiyaha garsooorayasha Somaliland Khadar Jiilaal Jaamac kaas oo ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tartankani iyo sida ay uga qayb qaateen kooxihii tartanka ku jiray, waxaanu u mahad naqay ciyaaryahanka maal galiyey koobkan ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase,sidoo kale waxa uu  u mahad naqay shabakada Caalamig ah ee Hadhwanaagnews,wargeyska geeska Afrika iyo telefishanka qaranka oo uu sheegay inay si wanaagsan ugala qayb qaateen hir gelinta tartankan.

Xidhitaanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa stadium ayaa waxa  ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada,ciyaaraha iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodax waxaanu mahad naq balaadhan u soo jeediyey ciyaaryahanka maal galiyey koobkan ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase kaas oo uu ku guuubaabiyey inuu halkaa ka sii wado taageerada uu siinayo dhalinyarada Somaliland ee ku jira xirfada kubada cagta, sidoo kale agaasimuhu waxa uu ciyaaryahanadii ka qayb galay tartan ku hanbalyeeyey sida quruxda badan ee ay uga qayb qaateen tartankaa,.

 Sidoo kale la taliyaha madaxweynaha ee arimaha dhalinyarada Najax Siyaad Aw Cabdi oo isaguna ka hadlay xidhitaanka koobka bisha Ramadaan ee garoonka Hargeysa Stadium ayaa isaguna dhiniciisa ku hanbalyeeyey ciyaaryahanka weyn ee Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase maal galinta uu ku sameeyey koobkan iyo sida uu gacanta ugu gaystay sidii uu koobkani u hir gali lahaa.

Ugu danbayntii agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha,dhalinyarada iyo dhaqanka Mustafe Maxamuud Qodax koobka tartankan gudoonsiiyey kooxda ku guulaystay ee Baby Shop,isla markaana waxa uu bilado gudoonsiiyey ciyaaryahanadii ka qayb qaatay tartankan ee kaalmaha hore ka galay goolasha,ciyaarwanaaga,akhlaaqda iyo tababarihii ugu wanaagsana ee tartanka.

 

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.