Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gaadhi Min-Bus Ah Oo Ku Dhex Rogmaday Mid Ka Mid Wadooyinka Laamiga Ah Ee Dhex Mara Magaalada Boorama Khasaarana Gaystay+SAWIRO


(Hadhwanaagnews) Friday, August 17, 2012
Dirawalkii gaadhigan waday oo sida la sheegay kirashbaygii gaadhiga ahaa ayaa markii uu ogaadya in uu dad jiidhay gaadhigii oo xawaare wali ku socda waxa uu isku dayay in uu biriiga u qabto waxaana halkaas isla markiiba ka dhashay in gaadhigii jihadii

Boorama (HWN) Gaadhi nooca yaryar ee bususka u baxa magaalada jigjiga ee kilinka shanaad loona yaqaano DYNaha ayaa ku dhacay wadada dheer ee Laamigii hore ee magaalada Boorama goor sii danbaysay oo caawa  Fiidkiiyan,

buskan ayaa markii uu shilka galayay waxa uu si xawaare sare ah uga soo baxay istaanka looga baxo hargeysa iyo Jigjiga waxa uuna soo galayay magaalada.Sida ay noo shegeen qaar ka mid ah dadwayne xiligaas goobjoog ahaa falku marka uu dhacayay waxa ay noo sheegeen in gaadhigan oo xawaare sare ku socdo uu si kadis ah uga soo horbaxay wadada qayb ka


mid ah oo daad mareena si godon loo dhisay waxa uuna isla waqtigiiba bilaabay in gaadhigani ku dhaco godkaas korna u boodo, dabadeedna bilaabay in uu horey u sii qaato laba qof oo haween ah oo wadada dhinaceega marayay meel dhagaxaanana ku tuuray ka dib markii uu jiitay in ka badan soddon Mitir.
Dirawalkii gaadhigan waday oo sida la sheegay kirashbaygii gaadhiga ahaa ayaa markii uu ogaadya in uu dad jiidhay gaadhigii oo xawaare wali ku socda waxa uu isku dayay in uu biriiga u qabto waxaana halkaas isla markiiba ka dhashay in gaadhigii jihadii uu ku socday iska soo malmalo sidaasna dhinacdhinaca ugu dhaco waqtiyarna isaga oo wali shidin sii socday oo uu dhinaca ku socday.
Intaasi waxa ay ahaayeen  warbixintii ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadkii halkaas ku sugnaa waxaana isla goobtii shilku ka dhacay ku soo xoomay dadwayne badan kuwaas oo ka naxsanaa in gaadhigan rogmaday uu siday dad nasiib wanaag waxaa la ogaaday in uu faaruq ahaa oo uu dirawalka oo qudha ahi uu watay.
Labadii qof ee uu gaadhigu turfeeyay oo haween da’yar ahaa ayaa isla markiiba loola orday dhakhtarka wayn nasiib wanaag waxa soo gaadhay waxa  uu noqday dhaawacyo fudud oo u badan jidhnax iyo burbur yar.
Gaadhiga ayaa ugu danbayn waxaa halkaas soo gaadhay ciidanka taraafikada wadooyinka waxaana la toosiyay waxaana loo jiiday xarunta dhexe ee booliska Boorama.
Si kastaba ha ahaatee Shilkan wadadan ka dhacay ayaa ah kii ugu horeeyay ee gaadhi si caadiya u maraya oo xawaare sare ku socdo uu ku qalibmo tanina waxa ay makhraati u tahay mas’uuliyad darada inta badan ku kacaan qaar ka mid ah dirawaliinta gaadidka wada oo xawaare sare ku socdo marka ay soo galaan magaalada dhexdeeda.

Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.