Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qalanjo U Dhalatay Dalka Shiinaha Oo Ku Guulaysatay Boqorada Quruxda Dunida Ee (Miss World 2012) + (Sawiro)


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 19, 2012
Dong Sheng, (HWN/AFP):- Tartanka Quruxda Qalanjooyinka dunida ee sanad kasta lagu xulo boqorada quruxda dunida, ayay sanadkan ku guulaysatay

Dong Sheng, (HWN/AFP):- Tartanka Quruxda Qalanjooyinka dunida ee sanad kasta lagu xulo boqorada quruxda dunida, ayay sanadkan ku guulaysatay haweenay u dhalatay dalka Shiinaha oo isla sanadkan ku guulaysatay boqorada Quruxda ee dalka Shiinaha.

Qalanjadan oo lagu magacaabo Miss Yu Wenxian, waxa laga dhex xulay, tartamayaal tiradoodu dhan tahay 115-hablood oo ka kala socday inta badan waddamada dunida, waxaana tartankaas oo sabtidii maanta ka dhacay garoon wayn oo ku yaala degaanka Dong Sheng

si rasmi ah gabadhaas loogu aqoonsaday, qalanjada sanadka 2012-ka ee aduunka oo dhan.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee “AFP” qalanjadan cusub ayay taajka boqorada quruxda ee dunida ku wareejisay, qalanjadii sanadkii hore ku guulaysatay ee reer Venezuela Evian Sakros, taas oo iyadu ku guulaysatay ama hore u sidatay boqorada quruxda dunida ee 2011-ka.

Qalanjadan u dhalatay dalka Shiinaha oo tartankeeda ku gashay toob si layaab leh loo tolay, ayaa iyada oo aad u faraxsan markii loogu dhawaaqay boqorada quruxda dunida hadal kooban oo ay masraxaa ka jeedisay waxa ka mid ahaa, “Markii aan yaraa waxaan ku soo barbaaray nolol farxad badan, maxaa yeelay, waxaan dad badan ka helay taageero balaadhan, sidaa awgeed waxaan imikana rajaynayaa inaan taageero badan ka helo dadka kale, si aan farxad ugu abuuro quluubta carruurta.”

Waxa xusid mudan oo ahayd dhacdo indhaha caalamka soo jiidatay magaalada tartanka lagu xulayay boqorada quruxda dunida, lagu qabtay oo ah magaalada Ordos oo ku taala waqooyi bari ee dalka Shiinaha, taas oo xeebta ugu dhaw ay u jirto todoba boqol oo km, taas oo si gaar ah indhaha caalamka iyo warbaahintu ula dhaygageen toobabka qaar ka mid ah tartamayaashu ku soo labisteen oo ahaa kuwa dabaasha loo xidho iyo dharka bada lagu tago.

Tartamayaal kale oo tira badan ayaa iyaguna ku soo labistay dharka hidaha iyo dhaqanka u ah qoomiyadaha ku dhaqan, dhinaca bari ee dunida gaar ahaan waddamada Qaarada Eeshiya, sidoo kale waxa uu tartankani noqonayaa kii lixaad ee lagu qabto dalka Shiinaha, shantii sanadood ee ugu danbeeyay ee tartamadaas.

 

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.