Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


gabaygii khaati iyo abwaan libaax-salaax


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 19, 2012
Abwaan: mukhtaar jaamac muxumed (libaxsalaax)

 GABAY (KHAATI)

                    Abwaan:      mukhtaar jaamac muxumed (libaxsalaax)

gabaygan khaati oo xaraf raaca xarafka (kh) oo ku yar suugaanta soomaalida wuxu soo baxay 05/11/2011 wuxuuna ka hadlayaa dhibaatada soo wajahday dhalinta gaar ahaan hablaha oo la yimi geddii lagu yiqiin mid aan ahayn taas oo dhaawac iyo meel ka dhac  kunoqonaysa dhaqanka iyo diinta labadaba

wuxuuna yidhi:

kha,da gabayga goortaan galee khayrka ku ekeeyo


10pt" class=MsoNormal>khadadkiisa ruuxaan aqoon wuu khalkhaliyaaye

khalad iyo wuxu kaga baqaa inuu khasaaraaye

ku khilaafay duulkii lahaa kha,du waa garase

 

afartaa khankii gabay lahaa ararta khaaskeed dheh

khadra-luul geddeedii iyo khubaro weedheed dheh

khibrad uu afmaal yidhi iyo khatartii bii eem dheh

 

godod kalena waxaan ugu khatimi cidday khusaysaaye

gobol khayr dabooloo runtii khaliya mooyaane

u khajilay gabdhihii kolkay khaayir badiyeene

khayraadka duulkii lahaa kharibe jeexoode

ka khatoobe ruuxii dhalee  khidmadood rabaye

khalqigii istaagyoo runtii khaati ka ahaaye

khaatumo wanaag sii rabow khaaliq baad tahaye!!!!!

 

 Waxaa tiriyey:abwaan mukhtaar jaamac muxumed(libaax-salaax)w

                 Libaaxsalaax5@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.