London-(HWN)-Munaasibada ciida barakaysan ee ciidal fidri ayaa siweyn looga ciiday magaalo madaxda dalka ingriiska ee London, meelaha sida weyn looga ciiday waxa ka mida degmada Towerhamlets oo kamida meelaha ay muslimku aadka ugu badanyihiin, iyaga oo muslimku ah bulshada ugu badan towerhamlet ayaa waxa ka muuqanayay shaaracyada iyo wadoonyinka demada towerhamlets, muslimiin farabadan oo isu tahniyadaynaya munaasibada ciida barakaysan ee ciidal fidri.
Xadiiqooyinka dadku ay ku nastaan iyo goobaha loogu talagay in caruurta lagu ciyaarsiiyo ayaa dhamaantood ahaa goobo ceeryoon ah oo dad la
ciirciiraya, waxa iyaguna aad u camirnaa maasaajidada faraha badan ee ay Towerhamlet caanka ku tahay oo dhamaantood ahaa qaar la buuxdhaafiyay.
Ciiroole iyo caruurba dadka waxa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayray iyaga oo markaasi muslimiinta halkaas ku nooli intooda badani ku labisnaa la biska islaamka.
Isku soo wada duub oo ciidan ayaa ahayd mid aad uga saxmad badan marka la barbardhig cidiihii hore.
Hadhwanaagnews
London, UK