iliyadan danbe waxa aynu maqlaynay Faisal Cali Waraabe oo si toos ah oo shiqsi ataag ah warbahiinta uu kuso celcelinayay aflagaado uu ku weeraraayo gudoomiyaha barlamaanka.balse waraysigiisi ugu danbeeyay ee uu siiyay HCTV waraysigan oo ku beegna malin farxadeed oo umada Islaamka oo dhami faraxsanayd oo inta wax isu qabta ay ahayd inay is gacan qadaan sidaynu ka dalacanaynay Aqalka madaxtooyada siyaasiyiinti qaranka ee siyaasadu kala fogaysay ay iisugu wada yimaadeen ee midba midka kale uu cafiska weydiisanayay.
Dhinaca kale faisal waxa uu Shacabka iyo Masuuliyiinta qaranka ku ciidsiiyay Cay iyo Dhaliil anay lahayn isaga oo kuso hal qabsanaya Cabdiraxmaan Ciro oo ay
xurgufti waagi aynu ogayni dhex taalo weli.
Faisalna mid baan odhanaya
Xukuumadana Mid baan leeyahay
Faisal waxaan leyahay Cabdiraxmaan Haduu Tuug noqdo oo uu yahay sidaad warbahinta ka ka sheegto Xisbiga uu ku jimi barlamaanka ayay ceebtu dusha ka saarantahay oo garo xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ayuu kaso baxay Gudoomiyuhu. Gudoomiyaha Barlamaanku maha wasiir ay xukuumada manta jirta ay xil u dhiibatay sidaas darteed waxaan ku leeyahay Xukuumada waad ku geftay.
waxa jirtay wargeys ka mid ah wergeysyada kaso baxa wadanka oo Siyaasadaada wax ka qoray, waanu ogayn jawaabahaad ka bixinaysay iyo hanjabaadi aad ugu hanjabaysay ee aad lahayd sharciga ayaan idinla tiigsanaya.
Qodhaa iyo Xerada miyaanu adiga iyo wadaniga warbahinta wax ka qoraa sharcigu si idiin wada qabanayn?
Xukuumada waxaan leeyahay cadaalada wadanka ka jirta miyaanay ahayn mid saqiir iyo kabiir mid itaal yar iyo mid awood weyn mid madaxweyne iyo miskiinka tamarta yar si siman u waajib marinaysa ahayn?
May fogayn markii shiqsiyaad maamuus iyo magac wadanka ku leh ay Xukuumadu denbiyo kuso oogtay aflagaado nocan oo kale ah kuna xukuntay xabsi.
Sharciga ragaa qabanayay miyaanu qabanayn nin kasta oo meel kaga dhaca Saharfta qaranka ama Xil qaran hayaha Sida Gudomiyaha Barlamaanka?
Ma kala fuduuda Madaxweyne Axmed Maxamoud Silaanyo iyo Madaxweynaha barlamaanku waa labada Madax ee ugu sareya ee maamuuska iyo Sharafooda in la ilaaliyo mudan.
Zakarie Nuur Cabdillahi
zaki_nuur_1@hotmail.com
Sweden Göteborg
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga