Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


CUNISTA WARAABAHA DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA QABTAA? by SICIID CABDI DHEEN


(Hadhwanaagnews) Monday, August 20, 2012
Bismilaahi raxmaani raxiim ascww horta inaan jirayba bahalkaa warabaha oo laga baqo ayaan ogaa lakiin hada in isagii uu meel uu galo waayay oo

Bismilaahi raxmaani raxiim ascww

Waraabuhu ma xalaalbaa mise waa xaaram?



horta inaan jirayba bahalkaa warabaha oo laga baqo ayaan ogaa lakiin hada in isagii uu meel uu galo waayay oo rag ugaadhasanayaan waa mid igu cusb[dunida geesiyaalba wali jooga

Diinta islaamku marka hore waa mid jirtay in ka badan 400 oo sano dadkuna waxa  uu kusoo dhaqmaayay mudooyin badan oo aad u darsaayay ku dhaqankeeda iyo fahankeeda waqtigii nabiga CSW iyo waqtiyadii asxaabta diintu waxay ahayd mid ka xoog badan waqtiyadan hada la joogo, hase yeeshe wixii ka danbeeyay waxa dhacaysay in jiilba jiilka kasii danbeeya ay ku adkaato fahanka diintu ama sharaxaada diinta islaamku.

Iyadoo ay sidaa tahay hadana waxa

jiray culumo waawayn oo isku dayay inay diinta fahankeeda iyo sharaaxdeeda isku dayaan inay tarjumaan
waxa diinta lagu tarjumay dhamaan luqadaha aduunka laga isticaamlo si loo fahmo diinta islaamka waad garan kartaa hawsha ay leedahay iyo in isabadal badan ku iman karo oo xataa laga yaabo in luqada caribiga marka luqad kale loo badalo in qalad ka iman karo asagoon qofku rabin inuu
wax qaldo balse sharaxaada uu si kale u dhigo[ quraaanku ma qaldamo lamana badali karo] maa macnaah[INAA ANSALNAAHU WA INA LAHU LA XAFIDIIN.] aw kamaa qaal

Balse qof waliba luqadiisa markuu ku tarjumo way dhici kartaa inuu wax is yar waydaariyo mad-habah afarta ee shaafici, maaliki xanbali dhamaan waxa abuuray ragan magacyadooda lagu xusay  waxaanay ragaasi isku dayeen inay dadka diinta fahansiiyaan[mahadi hakaa gadhee].
waanay sameeyeen dadal badan waxase ay cadeeyeen in aan la qaadan karin wixii ka hor yimaada kalaamka ilaahay subxaanuhu watacaala iyo sunaha rasuulka calayhi afdalu salaatu wasalaam.

Tan xoolaha la cuno aniga aqoontay sidaan diinta ku bartay waxa jiray xoolaha nimcoolad loo yaqaan oo dadkeenu in badan cuni jiray waana ta diintu banaysay ee la yidhi waxa laydiin xalaaleeyay xoolaha nimcooladay oo ah, adhiga , geela iyo loda . waxa diintu xarimtay wixii aan dar ilaahay loo gawricin [ wamaa uhila li qayri laah] sidoo kale waxa xaaraan lagu sheegay doofaarka [laxmul khansiir] oo aan muslimku cunin even xataa diimaha kale christiyantiga waxa ku qoran in doofaarku xaaaraan yahay sida bible oo kale both muslim and judisam forbid eating pork.

Waxase aduunyada ku dhacay isbadalo badan oo keenay in xataa diimaha aan muslimka ahayni banaystaan waxyaabo kitaabkoodu ka xaaraan timeeyay hadaba inaga musilm ahaan ilama fiicna inaynu banaysano wax aan diintu inoo xalaalayn hadiiba culimada xalaaleeyay waraabaha ay inoo hayaan daliil cad oo ku salaysan aayaad quraakna kariimka ah ama xadiiska nabiga calaysi salaatu wasalaame ha inoo sheegaan

Diintu caqli maaha balse waa hadalkii ilaahay maa macnaah[wamaa yandiqu canil hawaa in huwa  waxyun yuuxaa ilayhi] aw kamaa qaala nabigu calaysi salaatu wasalaam quraanka kamuu keenin caqligiisa mana aha wax uu asagu iskaga dhawaaqay oo hawadiisa ah balse waa waxyi ilaahay subaaxunu watacalaa ku soo dajiyay. sidaa daradeed waxa aniga ila wanagsan in arinkaa waraabaha bal dib loogu noqdo oo la helo
daliil cad oo loo adeegsan karo.

Hadiise sidan lagu wado arinka barina magaalada ayaa laga waayi BISADAHA oo la wada cuni sida wadanka philibin waxa kaloo la ugaadhsan libaaxa, harimacadka , iyo maroodiga shakhsiyan ma ihi dadka culimada kasoo horjeesta ama diinta ku lidiga ah m balse hadaan idhaa waar arinkan aan HUBSANO malaa gaf maan samayn waayo dood wanaagu waa isfahanka umada , wax is waydiintu waa natiijada in la helo jawaabo sugan

Gabagabdii

Libaaxa waliba asaga in uu xalaal yahay iyo in kale inoo hubiya waayo bahalkaa dad badan ayuu inaga qabaa in maanta asaga godka loogu galo oo la ugaadhsado waa mid ka hadlkeeda leh intaasina wa kaftan

wabilaahi tawfiiq
SICIID CABDI DHEEN
dheen2011@hotmail.co.uk
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.