inanta noogu wayn balsidaan kusocod iyo waayo bartay waxay igu tidhi: markaan soo xasuusto waan qoslaa meeshii aynu naal oo lahayd togyar oo xaafadaha kala xidha waxaan ku arki jiray adiga oo dhaka fiiqan oo marba dhan ugooshaaya inta badan hooyo ayaa xaafadaha kuwaydiin jirtay marka aad ka baxsato yadoo leh inanyar maaragteen
markaasay odhan jireen -maxaliye -waa kii xaafadaa kale kusii socday runtii xaafaduhu waxay kayabeen socod badnaantaada aad marba xaafad booqanayso waxay odhanjireen naa inankanyari socod badanaa sidaas ayayna xaliye (magac looyaqaanay ubaxle markuu ahaa caruurta oo ay u bixiyeen dadkii ay isku deegaanka ahaayeen) kuugubixiyeen.
waxaan anigu kugaraadsaday,aniga oo jooga gurigii awowgay cali ubaxle waxaan keheli jiray awowgay iyo ayaydayba waqtigan ilaalin iyo xannaaay joogta ah iyo daryeel dhan,
intii aan laga qixin dagaalkii sokeeye waxaan dhigan jiray malcaamad aan marmar isku arki jiray ,walaalkay iga waynaa cali ,iyo ilmaabtiyaday oo badnaa waxaan jeclaysan jiray hadalkoooda lasocodkooda iyo ciyaartoodaba,
runtii yar iyo waynba waxan jeclaa inaan sheeko ka xifdiyo .ilaa aan.noqday qof sheeko badan
oo dhammaan caruurta aan guriga ku waada cawayn jirnay .waxay jeclaysan jireen sheekadayda,
waxaan ahaa qof qosol badan .oo waliba qosolkiiisu aanu lahayn wax xakameeya.markaan ugu liito waa markaan dhoolo cadeeyo,waxaan kaloo jeclaa ciyaarta na wdhaxmaraysa caruurta oo aan sheekadayda ku dhex dhafi jiray kaftan iyo himolo ciyaar farxadeed.
Waxaan caruurta is waydaarsan jirnay sheekooyin ah, googaalaysi, su. aalo iyo halxidhaale fara badan waxaanan jeclaa inaan noqdo ka ugu badan ee arimahan xiisa uhaya .daneeya ee dabagala,si aan heer uga gaadho,guulna uga soo hooyo, guulabadan runtiina waan ka soo hooyay,sheekooyinka aan caruurta uga sheekayn jiray may ahayn qaar cusub inta badan ama sheekkooyin aan alifaayey,ee waxay ahaayeen kuwii aanka dhuuxi jiray dadka ,sida dhagdheer, cigaal shiidaad iyo araweelo,
Waxay caruurtu igu naanaysi jireen ama iibixiyeen ( xaraabeeye)
mararka qaar aan caruurta wada dheelaysa dheehdo ama arko waxa iqaadi jirtay .qiiro walaaltinimo kal gacal iyo jacayl igu qarsoonaa waxaan kaloo kahinaasi jiray markaan arko,caruur waloolo isku leh, waayo aabe aniga cuqdada igashay waxay ahayd waxaan ila joogin walaaladay rumaad ama wada dhalasho,xataa guriga aan gaar ugu hoydo majoogaan caruur aan weheshado maalintii marmar ayaan ubaxsan jiray guriga bahda kale ee awoowe,kaas oo aan habeenkii ku cawayn jiray,waxaan is odhan jiray tolow goormaad helaysaa caruur marka aad la ciyaaraso ku tidhaahda walaal waxaanse ku noolaa rajo ,waxaan kaloo aad utabaayayaabe iyo hooyo
Oo aragoodu dhif igu ahaa waliba aabe wuxu kumaqnaa kiinya.wuxuuna qaaday adeero alle haw naxariistee siyaad, aad baan ujeclaa aragtida waalid iyo walaalba.waxaanan uhayay xiiso
Runtii waxkastaa markay kaa maqan yihiin ayaad dareentaa,
markii aysii kordheen dagaaladii sokeeye, aayaanu uxidhxidhanay, in aanu guurno intii aannaan guurin,waxaanu deganayn goob lakeeno dhaawaca oo u dhawayd xerada gadiidka agagaarka hawlaa guud ee xafaada cakaara ama ina jabiye(agaagrka garoonka diyaaradaha ee magalada burco),siijeedka waxa naga yaalay bafaadumo,oo ahayd bahdiikale ee awawgay,waa guri gii aan inta badan kucawayn jiray,maalintiina aan ciyaarta ugu baxsan jiray.
sikastba ha ahaatee,intaanu guurnay ayaanu degnay,meelyar oo uu kuyaalay riig xaaji axmad loona yaqaanay dhagaxanyo cado,waxa sababay guuritaanka waan garanaya waayo goobtii aan ku ciyaari jiray ee aan kucawayn jiray oo isurogtay goob laga hago caadaawada iyo masiibada.waa goob ciidan khamri iyo hub ay yaalaan , waa cakaara ama ina jabiye(agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada burco) waa halkuu ninkii heesaa lahaa
(.. ina jabiye joogeeda
dhaawaca jibaadkiisa
hoobiyaha jaclayntiisa
hubka jararac layntiisa
anna jeeb madhnaantayda
)
markii aanu degnay riiga ama dhagaxaanyo cado, dhibkii mahadhin ee waxaa naga daba yimi oo nadhacay.shufto tuhmaysay intayadii dhawaan soo degtay inkastoo awawgay ahaa dagaal yahan geesiya oo noo baxay haddana colnaga badanba nabiyodhigay,guryihii kalana ka qaatay mood iyo noolba, dahab iyo lacagba, sida agoontii reer maxamuud adan caws(xaafada ay jaar ahaayeen ubaxle qoyskooda) oo naga durugsanayd hawguba sii darnaatee,
intii aanu halakaa naalay runtii isbadal laxaadle ayaa igu soo kordhayey,aniga laftayda waxaa ihaysatay dhibaato ah,
in ciyaartaydii badnayd sheekadaydii badnayd iyoo maaweeladii aan lahaa ay noqdeen hadal badaan oo caruurta xoolaha aan kaga mashquuliyo, run ahaantii dad badan ayaa kabiyo diiday dadkuna may wada jeclayn,waata keentay inlaysaaro cadaadisbadan, hanjabaad iyo handidaad joogta ah markasta na ,ashtaki layga ahaado.arintani waxay isu bedeshay in waxwal oo dhaca aniga laysaaro ,lay caayo laymaago lay habaaro laygana been abuurto,
waxaan arkijiray dadkusoosocda awoowe si ay iiga ashkatoodaan oo leh aaway C/raxmaan(xaraabeeye) (magac lagu naanaysi jiray abwaan ubaxle) anna waxaan kula kaftamijiray ,wixii xunba xaawaa leh baad odhan jirteene ,maxaraabeeyaa leh baad urogteen (wixii xunba xaraabee yaa leh maxaad caruurta ujeedisay ayay iigu jawaabi jireen)
Arimahani waxay soo dhimeen.waxwayna kabadaleen hab dhaqankaygii,ahaa farxad iyo rayn rayn waxay igu dhalisay fakar badan, foorar badan iyo firxad iyo fakad badan oo aan u carari jiray melo kale, kadibna inta laysoo qabto ayaa laysii qoraa dhengad,joogta ah habaar iyo karaahiyo
iyadoo loo haysto inaan ahay qof hab dhaqan waalan ama shakhsiyad xun,sikastaba ha ahaate waxaaan garab kaheli jiray awawgaygii ijeclaa ee ikoolkoolin jiray,kamuuna qayb qadan arintii igu dhacday ee aan abid ilmo kudhicin intaan noolaa maalintaana joogay fakarku madaxayga.wuxuu ka buuxiyay waxyaabo aanan ilaawi Karin, ilmo way iga dhamatay,waxaan yeeshay sas badan.hadar badan iyo isla hadal badan oo aanan hore isugu arki jirin.qofkasta oo iidhawi wuxuu iga aaminay tilmaamo xagjira
, caruurtii way iga dideen inkastoo aanay ilaawin sheekooyinkii ay jeclaayeen iyo cawayskii xaraabeeye .ee bal wadda u noqotay,
annaaba cagahayga kaga carari jiray si aan laydilin ama layganaaxin haddii laygu arko markay iiyimaadaana,cidla joog aamusan ayaan ahaan jiray.
runtii noloshu waa yaab waa isbadal horleh oo aanad dareemaynsiduu ku yimi
ma rumaysanaysaa qofkii la jeclaa qosolka badnaa sheekada dheeraa ciyaarta wacnaa,inuu noqday ilmo ciyaartiis iyo aragtidiisuba tahay dhif,
Xaraabeeye meeyey caruurtii kusoo kala dheerayn ogayd meeye? Ku wii,ku jeclaa madhulkaan dhulkii ahayn madadkaan dadkii ahayn iskadaayoo kuwii hore maba ilaawayane kuwii yaryaraa maxay kuu yaqaanaan,hadday ku arkaana inay kudhaafaan mooyee mahayaan xiise iyo niyad, waxa ay ii haystaan fulay aamusan nacas ama doqon dadka ugu hooseeya, mooji inaan ahay reerbaadiyahaan ugu baadiyaysanahay ,
ilaamaantana waxaan ahay qof hadal yar ciyaar yar kaftan yar,qosol wajigayga wuu ka guuray , haddaan dhoolo cadeeyaana,dadku dhaadi karaynba, kolayba waa isbadal laakiin waa cawil waa siraan fahmay waxay iisiyaadisay xeeldheeraan,xikmad iyo waayo aragnimo ,waatababar iga dhinnaa,
taana waxaan kubartay hal abuurnimada ,runtii aamusnaantu waa xikmad
sheeko waysoo gabagaboowdaa,biyana godbay galaane,markii nalaku dhacay dhagaxanyo cado ayaan uguurnay meel kale meeshaas oo aan meeshii hore ka fogayn waa beertii isla xaaji axmad ,waa buskii dooniwaal(dhinaca bari ee magalada burco)
halkan lafteeda nala gama daba hadhin,haday tahay shuftoolaydii iyo haday tahay reerihiiba ,
laakiin kadhib yar xoolihii inta badan beertaan kuxaraynaa ,inkastoo ay dawaco ku dhex dhuumato,dhawr neefna candhasaabku kaga dhacay oo qaarna aydu cuneen.
ilaahay dulbadanaa dabeecad sanaa ,soomaalidu waxay tidhaahda wixii rag ukoco rabise aqbalo way rumoobaan ,runtii halakiina waxaanu naalaba waxaan uguuray yiroowe dhabar kiisii dhirtii waawaynayd ee looyaqaanay dhankii hoose aqaladii waawaynaa,xoolihii madhamaan,dhulkalana loomadirine.
sidiibaan udaba joogaa inkastoo aan helay malcaamad quraan marmarsiinyo iinoqotay
hawl yaridaan helay haddana hawli madhamaato, igamaba qasna xiisiihiibaa igu lalabay,isman ilaawine ladhbaa igu oogmay,oo waan ordaayaa dhirtiibaan kuciyaraa,caruurbaa iigutimaada,
anoo hees iyo hadaaq bilaabay markaasay igu beerlaxawsadaan,noo hees haddii kale awoowaanu kugu diraynaa waan uheesaa waxay yidhaahdaan taa hebelbaa lehe adigu mid dheh/waxaan isku dayaa inaan qanciyo ,waxay ii caliyaan cod hees malihide hadal waawaynbaad kuhadlaysaaye noo gobay.sidiyoo kalaan iskudayaa
waxaan dib usoo dhexgalay noloshii dhbtalahayd inkastoo aanan sidii uhadalbadnayn hadana waan heesaa oo hadaaqaa,runtii maraka qaar waxaan kuheesi jiray waxaan kamaqlo caruurta,ama cajalado, markan adhiga raacaan ku meerarawsan jiray,caruurta oo an dhirta kawada midhaysan jirnay,marka midkaayaba geed soo abaaro.waxa dhici jirtay arin layaableh.nasiib wanaag geedkaan kusoobeegmo ayaa ugu midho iyo hohob badnaa markaasay caruuurto odhan jireen,waar maxaad ku akhriday?
ana waxaan kula kaftami jiray,tufbaan leeyahaye kuwa adhiga ilaaliyoow ama adhijirkoow sida hooyooyinkiin idiin jecel yihiin ayaay ana dhirtu ii jeceshahay markaad katagtaan ayay iwaheshadaan, idinkna sida adhiga loo uleeyaad u ulaysaan ana waan subasalaaxaa sidi ruux naf le.markaasay odhan jireen walaal noo gabay sidii oo kale,waxaan isu gay gayn jiray kelmado,ma aqaan qaab heesaha iyo hal abuurka guud ahaan markan waxaan se dadka waawayn ka maqlaa xifdisanaa oo hayey, sida hees caruureeda,h/hawleeda,h/ciyaareeda hadal iyo dhamaan marka amarka laygu taago ma aqaan miisaan hees faneedka iyo sida laysugu hagaajiyo
Xataa waxaanan aqoon qaybaha maanso leedahay iyo miisaankeedaba waxaan un maqlaa geerarka iyo buraanburka islaamaha laakiin aqoon umaanlahayn markan sida guurawga halaanhalka jiiftada iyo wixii kale lahal maala gabayna maba hawaysan jirin,
C/raxmaan maxamed cali oo ku magac dheer ubaxle waayiihii caruurnimo iyo raad dhaqaajiska wixii ka dambeyay ,waxa alle kor uga soo saaray isla markana soo daalacday haybad iyo murti ku kaydsanayd maankiisa iyo maskaxdiisa taaso ah falsafada suugaanta,waxa isla markaa uu bilaabay tirinta sugaanta, isagoo ku bilaabay maansooyin kooban sida afarlayda iyo kaftanka sugaanaysan iyo wixi la ahal maala,intaas kadiba waxa uu bilaabay ubaxle hal-abuurnimaada iyo samayanta erayga murtida leh,waayahan hal-abuurnida iyo curaashada sugaanta waxa uu tiriyay maansooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin: muuqaal,maqal,tabaraha noolaha iyo siduu hamigaygu yahay,si kastaba hanoqote waxa aynu nasiib u yeelandoonaa in aynu milicsanlo qaarkamida maansooyinka ubaxle, ABUUR
Maansadan abuur oo jacbur ah soona baxday waayihii curashda sugaanta iyo hal-abuurnida c/raxmaan maxamed ubaxle, waxay iftiiminaysaa abuurta ilaahay ee kala duwan iyo sida uu u kala fadilay nimcooyinka xadka aan lahayn ee alle siiyay adoomihiisa haddana qaarkood ay caasiyeen,waxayna ku bilaabmaysaa sidan;
Ilaahay xakiimsanaa
Islaamku xaqiiqsanaa
Ibleysku xadgudubsanaa
Muxuu aadamigu lumay
Amaanada sii dayacay
Ardaaga intuu ka baxay
Ibleysku maxuu didsaday
Axsaab iyo ciidan iyo
Alleylka muxuu la guday
Abuur iyo waano iyo
Adaabta intii lahayd
Intuu anshixii ka dilay
Asaasaq muxuu ka dhigay
Ayaanka intii lahayd
Ayaamo muxuu la sugay
Ishkaalka intuu ku riday
Muxuu ooryaha ka furay
Intuu umushii ka tegay
Ishiisa muxuu ku diray
Muxuu ubadkii ka raray
Awaadhka muxuu ku dilay
Ajaanib istiirtay iyo
Ab iyo isir soo taxnaa
Intuu anbadkooda helay
Abaabul muxuu udiray
Aqoonta intuu ka duway
Amaanka muxuu la nacay
Intuu indhihii ka riday
Muxuu axankii la tegay
Allaylehee iilanee
Ilaahoow noo gargaar
Waxaan ahay aayihii
All baabka banaynayoo
Intii iridaha xasliyo
Irmaanta baydhiyaa
Awooda alloo jirtaan
Asbaabtana raacayaa
Awoowoow qaaliyoow
Anigu qurux baan rabaa
Qalaylkaan dooriyaa
Waxaan qabanqaabiyaa
Shirkeenii kala qubnaa
Waxaan qooyaa wadnaha
Intaan ka qaraarin karo
Aduunyo qamaamaysaan
Iidaan u qorshaynayaa
Suugaanta qafaalanbaan
Quruumo ka reebayaa
Jiil iyo qarni soo socdaan
Qisooyin u beerayaa
U gaadha qafiiftaybaan
Qudhaabka u beerayaa
Qurbuubka intii la baan
Quwaaxa u beegayaa
Qariibka aduunyadaan
Laabtayda ku qaabilaa
Qafuura rixiinka iyo
Ilaaha qaniyaan baryaa
Astaanta qiyaamihiyo
Xadiiskii qeexayaan
Quraanka ka daydaya
La Soco qaybaha Danbe
.
kayse abwaan