Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Khasaaro Xoogan oo Ka Dhashay Dagaal Dhex Maray Falaagada Syria iyo Dowlada Madaxweyne Bishaar.


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 23, 2012
Dimishiq-(HWN)- Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 100 kalena way ku dhaawacmeen kadib dagaalo

Dimishiq-(HWN)- Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 100 kalena way ku dhaawacmeen kadib dagaalo dhex maray falaagada ku kacsan Madaxweyne Bisahar iyo Xukuumada Syria uu Bishaar Madaxweynaha ka yahay.

Dagaaladani oo lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee ah dagaalo sokeeye kana dhacay dalka Lubnaan ayaa laga cabsi qabaa inay dhimashadu intaasi ka sii badato iyadoo dagaaladuna ay ka dhacayaan deegaanka Bab al Tabaneh oo ka tirsan magaalada Tripoli ee dalkaasi Lubnaan.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inay sidoo kale

ku jiraan caruur da yar kuwaasi oo sida ay sheegayaan ciidamada amaanka ee magaaladaasi qaarkood toogasho lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.

Dagaalada ka soconaya magaalada Triboli ayaa la sheegayaa inay u dhaxeeyaan qowmiyadaha Muslimiinta Suniga iyo kuwa Shiicada ee wada daga magaaladaasi isla markaasina kala taageera xukumada Bishaar iyo dagaalyahanada Mucaaradka ee dalka Syria

Hadhwanaagnews Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudiyaheeda Magalada Muqdisho


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.