Muqdisho-(HWN)- Website-ka caanka ah ee Goal.com ayaa maalintii shalay ahayd soo bandhigay maqaal uu kaga hadlaayay xidigaha caanka ah ee soo maray qaarada Yurub misane aysan u suura gelin inay ku guuleystaan horyaal ama Champions League sidoo kale xidigahan waxaa ku jiraan kuwo weli kubada cagta aanan ka fariisanin balse nasiib kooda ka hiiliyay waxaa suura gal ah in xidigahan maanta maqaalkan ku xusan kuwa ka mid ah ay horyaal ama Champion gacanta ku dhigaan markii uu dhamaado xili ciyaareedkan,
justify; LINE-HEIGHT: normal; MARGIN: 0in 0in 0pt; BACKGROUND: white" class=MsoNormal>
Hadaba waa kuma xidigahan aanan calafka u yeelanin inay qaadaan horyaal ama Champions League:
Daniel De Rossi: 29-jirkan waqtigiisa inta badan naadiga AS Roma ayuu ku qaatay wuxuuna maalintii shalay ahayd ka dhawaajiyay inuu Roma sii joogi doono isagoo iska diiday dalab uu ka helay naadiga Man City,
Nasiib daro kubad bur buriyahan wuxuu Roma kusoo biiray sanadii 2002 xiligaas 12-bilood ka hor ayay horyaalka Talyaani qaadeen balse isaga markaas ma uusan joogin tolow De Rossi sanadaha mustaqbalkiisa ciyaareed uga dhiman horyaal ama Champion midkood ma qaadi doonaa?
Youri Djorkaeff: waxaa lagu xasuustaa xidigan inuu ka mid ahaa halyeeyadii xulka France u qaadeen koobkii aduunka 1998 iyo tartankii qaramada Yurub 2000, balse weligiis naadi wax horyaal ah lama qaadin Youri Djorkaeff sidoo kale laacibkan wuxuu gacanta ku dhigay tartankii Cup Winners Cup sanadii 1996 iyo UEFA Cup oo uu Inter la qaaday sanadii 1998, Djorkaeff intii uu kubada cagta ku jiray 4-jeer ayuu kaalinta labaad la galay naadiyadii Paris iyo Monaco markii uu joogay dalka France sidoo kale Inter markii uu imaaday kaalinta labaad ayuu la galay
Ugu dambeyntiina naadiga Kaiserslautern ee ka dhisan dalka Jarmalka ayuu ku biiray balse isagoo wax horyaal ama Champion qaadin ayuu garoomada isaga baxay sanadii 2006.
Cesc Fabregas: laacibkan isagoo dhalin yar ayuu Barcelona isaga hayaamay marnaba uma suura gelin mudadii dheereed ee uu ku sugnaa Arsenal inuu wax horyaal ah la qaado nasiid daro sanadii 2006 ayuu kooxdiisa Gunners-ka lasoo gaaray kama dambeystii koobka horyaalada Yurub balse Barcelona ayaa 2-1 uga qaaday,
Haatan waa 25-jir wuxuuna ku sugan yahay Barcelona sidaa darteed mustaqbalkiisa ciyaareed sanado badan ayaa uga harsan waxaana suura gal ah inuu liiskan ka baxo hadii uu ku guuleysto horyaal ama Champion sanada uga dhiman mustaqbalkiisa ciyaareed.
Tolow hadii 7-sano uu Arsenal koob laaan kula soo qaatay Barcelona Horyaal ama Champion mala qaadi doonaa?
Hadhwanaagnews Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Sportska Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudiyaheeda Magaalada Muqdisho