Qahira-(HWN)-Waxaa Magaaladda Channel Zues ee waqooyiga magaaladda Qahira ee xarunta dalka Masar, si weyn looga xusay Sanad Guuraddii 14-aad ee kasoo wareegtay markii dhidi-badda loo taagay Dowlad Goboleedka Soomaliyeed Ee Puntland, ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiya Jaaliyadda Puntland ee dalka Masar Mr:Maxamud Jaamac Siciid,waxaanu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Dawladda Puntland Ee Soomaliyeed waxaanu umahad celiyey dhamaan kasoo qayb galayaashii xafladda lagu xusayey Aaas-aaskii Dawladda Puntland ee Soomaliyeed.
115%; FONT-SIZE: 20pt">Waxaa isaguna halkaas kahadlay Wasiirka Amniga Ee Puntlan Mudane Khaliif Ciise Mudan,oo kahadlay Arrimo badan oo quseeya Puntland Iyo Soomaliyaba Wasiirka Aminiga Puntland Khaliif Ciise Mudan, Waxa uu sheegay in Dawlad Goboleedka Soomaliyeed ee Puntlan gacan weyn ka gaysatay sidii Dalka Soomaliya ugu bixi lahaa xilliga KG-ah.
Xafladdan lagu xusayey Sanad Guuraddii 14-aad ee Dawladda Soomaliyeed ee puntland ayaa waxay ku soo dhamaatay Jawi aad uwanaagsan waxaana qabsoomidda xafladda maskaxdeeda lahaa Mudane Hassan Osman , oo loo yaqaan Hassan Henery kana mida hor, boodayaasha Jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan Guddaha Dalkan Masar.
Hadhwanaagnews-Office
Qahira/Masar