|
|
Haweenay Iska Tuuraysay Fooq 9-Dabaqa Oo Fara Cididood Lagaga Badbaadiyay Iyo Sababta Ku Kaliftay Oo Markii Ay Sheegtay Laga Yaabay + (Sawiro) (Hadhwanaagnews) Thursday, August 23, 2012 Beijing,(HWN/Xinhua):-Haweenay u dhalatay dalka Shiinaha Oo damacsanayd in nafteeda ay goyso, isla markaana fooq sagaal dabaq ah ku talo jirtay in ay iska tuurto ayaa fara cididood lagaga badbaadshay in ay nafteeda goyso, sida ay ku warantay wakaalada
Beijing,(HWN/Xinhua):-Haweenay u dhalatay dalka Shiinaha Oo damacsanayd in nafteeda ay goyso, isla markaana fooq sagaal dabaq ah ku talo jirtay in ay iska tuurto ayaa fara cididood lagaga badbaadshay in ay nafteeda goyso, sida ay ku warantay wakaalada wararka rasmi ahaan ugu faafisa dalka Shiinaha ee Xinhua.
Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay "Qing Fei" waxa ay kortay figta ama guudka sare ee fooq sagaal dabaq ah kaas oo dherar ahaan dhulka ka sareeya sodon mitir iyo dheeraad, hasa yeeshee xubno ka mid
ah qoyskeeda iyo ciidamada samatabixinta ee dalkeeda ayaa ku guulaystay in ay ka badbaadiyaan qudh gooyadaa ay ku talo jirtay.
Sida wakaalada wararka Shiinuhu sheegtay qoyska gabadhani ka dhalatay, saaxiibadeed iyo ciidamadii samato bixinta u sameeyay midkoodna muu ogayn sababta ku kaliftay in gabadhaasi, nafteeda biimayso oo ku dhaqaaqdo ficil ay isku khaarajinayso hasa yeeshee markii la geeyay xarunta booliska ee ugu dhow ayay gabadhaasi ka warantay dhacdo aan la filayn oo argagax iyo af kala qaad ku noqotay dadkii soo badbaadiyay.
Gabadhan ayaa sheegtay in ay dishay, wiil carruur ah oo ay Edo u tahay oo uu dhalay walaalkeed, kaas oo markii ay mindi ku googoysay ay ka tuurtay halkii ay fuushanayd ee laga soo badbaadiyay, waxa ay xustay in markii hore cadho u gaysay oo ay u cadhoonaysay ama doonaysay in ay kaga aar goosato dumaashideed, hasa yeeshee markii danbe nafteedu adkaysan kari wayday oo ficilkaa xun ee ay samaysay waali ku abuuray.
Run ahaantii sida wakaalada wararku ku warantay qoyskeedu marnaba uma ay fadhiyin in ay qof ka mid ah, eheladeeda dishay oo ay qudh gooyo hore samaysay, waxaana markii ay xogtaa dhamaysay bilaabmay cadho iyo baroor la isku wada daray, oo qoyskii haddana u bilaabantay.
Gabadhan ayaa ugu danbayntii la geeyay xarun dadka maskaxda ka buka lagu daweeyo oo ku taala caasimadda Shiinaha oo lagu magacaabo, (Beijing Health Bureau) halkaas oo lagaga dawayn doono sida masuuliyiinta boolisku sheegeen qulubka iyo isku buuqa nafteeda ku furan, hasa yeeshee qoyskeedi soo badbaadiyay ayaa faryaro bidix ka baxay, waxaana suura gal ah in wixii wakhtigaa ka danbeeya ay beegsadaan qoyskeedu sida wakaalada wararku ku warantay.
Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah waddamada dunida ugu horeeya dadka qudhooda jara, waxaana warbixin hayada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO soo saartay heerka is khaarajintu dalkaas ka marayaa, 22-qof in ay Is dilaan boqolkii kun ee dadka ku dhaqan dalkaas ka mid ah, waxaana ka horeeya dalka koonfurta Kuuriya oo kaliya sida warbixintaasi xustay.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com
|