Muqdisho-(HWN)- iyadoo dhawaan lagu wado in gudaha caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ka dhacdo doorashada jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay madaxda kooxda Al Shabaab.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah Saraakiisha Ugu sareysa Xarakada Al Shabaab aya ka hadlay doorashada la filayo in ay ka dhacdo gudaha Muiqdisho maalmaha nagu soo fooleh.
Xasan Daahir ayaa ugu horeyn sheegay in aysan wax shaqo ah ku leheyn marka hore kana qeyb galaynin doorashada magaalada Muqdisho ka dhaceysa hayee shee waxaa uu sheegay in doorashadu ay tahay mid ku dhacaysa si xaqdaro ah .
/>
Mas uulkaan ayaa sheegay in doorashada ay soo qaban qaabiyeen dowlado dano gaar ah ka leh arimaha Soomaaliya isagoona sheegay in qof walba oo loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya uu yahay mid fulinaya arimaha ay dowladaahasi Soomaaliya ka daneynayaan
Hadalka ka soo yeeray Mas uulkaan ka tirsan Al Shabaab ayaa umuuqdo mid ay ku doonayaan in ay kaga qeyb galaan doorashada Soomaaliya inkastoo aanan si dhab ah loo ogaan karin in Al Shabaab ay daneynayaan ka qeyb galka doorashada Soomaaliya dhawaan ka dhaceysa,
Xasankuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
kuuriya@hadhwanaag.org