Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Muqdisho: Guddiga Doorashada Barlamanka Soomaaliya oo Sheegay in ay Maanta Bilaabatay Qabashada Araajida Musharaxiinta utaagan Jagada Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 23, 2012
Muiqdisho-(HWN)- Guddiga Doorashada barlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaqay in ay bilaabatay is diiwana galinta musharaxiinta dooneysa in ay qabtaan jagada gudoomiyaha barlamanka.

Muiqdisho-(HWN)- Guddiga Doorashada barlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaqay in ay bilaabatay is diiwana galinta musharaxiinta dooneysa in ay qabtaan jagada gudoomiyaha barlamanka.

Xildhibaan Cismaan Ibraahim Libaax oo ah Afhayeenka guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha la shaqeynaya ee ka tirsan Xildhibaanada barlamanka ayaa daaha ka qaaday in ay si toos ah ubilaabatay is diiwaan galinta musharaxiinta dooneya in ay qabtaan jagada gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya.

Qabashada liiska musharaxiinta utaagan qabashada Jagada gudoomiyaha barlamanka ayaa maanta oo Khamiis tahay bishuna ku beegan tahay 22 si toos ah ubilaabatay waxaana ay ku egtahay isla bishaan Augosta 25keeda.

Sida ay sheegeen gudiga doorashada barlamanka Soomaaliya waxaa ay shegeen in ay

magacaabeen sadex gudi oo ka shaqeyn doono qabsoomida doorashada barlamanka Somalia waxaana ay magacaabeen gudiyo kala qaabilsan Amniga, Dhaqaalaha iyo mid ka shaqeyn doona go’aannada iyo arji qabashada .

Xildhibaan Cismaan Ibraahim Libaax ayaa ugu dambeyntii sheegay in sidoo kale la soo magacaabay guddiga loo sameeyay guddoomiye, Afhayeen iyo qasnajiga iyadoona intaa kadib loo gudbin doono codeynta iyo shaqsigii loo dooran lahaa gudoomiyaha barlamanka cusub ee barlamanka Soomaaliya

Xasankuuriya

Hadhwanaagnews/Office Muqdisho

kuuriya@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.