Hargeysa(HWN):-gudoomiyahah xisbiga mucaaridka ah ee Udub Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay inay si dhakhso ah u qaban doonaan shirkii golaha dhexe ee xisbiga Udub.
Gudoomiyaha xisbiga Udub Daahir Rayaale Kaahin waxa uu sheegay in qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga Udub ka mid tahay waxyaalaha kor loogu soo qaadayo xisbigaasi si uu mar labaad ugu soo baxo doorashada golaha deeganka ee dhawaanka qabsoomi doonta dalka.
Daahir Rayaale waxa uu sheegay inay
27-ka bishan ay si rasmiya u qaban doonaan shirkii golaha dhexe ee xisbiga Udub isla markaana ay ka soo qayb gali doonaan ergooyinka xisbigaas ee ka socda gobolada dalka.
Xisbiga Udub ayaa khilaaf soo kala dhex galay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waxa uuu sabbabay in garabkii uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka xisbigaas Axmed Yuusuf Yaasiin ay isku shubaan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, halka musharaxii ay garabkaasi u qoondeeyeen inuu xisbiga Udub u tartamo doorashada madaxtooyada Jamaal Cali Xuseen uu isaguna galay xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.
Halkan Guji oo ku dhagayso Telefon Mobilkaaga.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland.