Ugu horayn waxaan doonayaa inaan halkan ka salaamo dhamaan hawlwadeenada shabakada caalamiga ah ee hadhwanaag, fursad qaaliga ha ee ay siisay bulshada si ay u cabiraan arigatooda marba waaqaca jira waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin u shaqaynta aad umada u shaqaynasaan,
Mahadnaqaa ka badi hadaan jawaabtayda u gudo dago Anigoo ah ninka magaciisu yahay Mohamed jama ku nool magaalada burco waxaan doonaya in halkan ka sheego wax yaabo xaqiiqo oo ay igu kaliftay maadamo aan ka mid ahay dadka
siyaasada indho indheeya.
Hadaan u dhaadhaco dulucda hadal kayga oo doonayo in aa dul istaago hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha Ururka UMUDA. Dr Mohamed Abdi Gaboose waa dhakhtar ku takhasusay cilmiga neerfaha (neurologist Doctor) ahaan jiray wasiirkii u danbeeyay arrimaha Gudaha , ahna Gudoomiyaha urur siyaasadeedka umuda , 21kii bishan august isaga oo ka hadlaya xaflad uu ku soo dhawaynayay murashaxiin ururkiisa ka tartamaysa doorashada golayaasha degaan ee fooda inugu soo haysa bisha November isaga oo ka hadlaaya in uu garan la yahay in madaxwaynihii uu shalay u ahaa madaxa olalaha gobalada bari ,dhibaato badan tirsanayaayo, anigoo ah shakhsiyad si fiic u fiirinaayay taariikhda uu Dr ku xusay, waxaan aminsahay in madaxwaynuhu ku siiyay ama ka dhabeeyay wax yaabihii aad ku heshiiseen wakhtigii ka horeeyay ololahaas adigoo wakhtigaasna hugaaminaayay urur siyaasadeedkii xukuumadii markaa joogtay ee daahir riyaale u aqoonsanayd sharci darada ee 4ta bilood aad u xidhnayd . waxaa ka mid heshiiskaa waad haysaaye in xukuumada soo socotana aad ka qayb gashaan xubnihiina Qaran wixii doonaya , ururada siyaasadana la furo oo ujeedada aad u cararayseen ahayd, waxaan filayaa in Madaxwaynaha jamahuuriyadu aniguu cadifad ku difaacayn in uu fuliyay balankaa isagoo, ururadiina furay, xukumadii uu dhisayna ku siiyay wasaaradii ugu xooga waynayd dalka, oo ah wasaarada arrimaha Gudaha waana Cunfiga caadiga ah madaxwayne silaanyo in aanu dhaafin ninkii siyaasad uu leeyahay u halgama si adi oo kale . Mudane Gudoomiye waxaad ku saxsan tahay in aad ka tanaasushay xilkii aad umada u haysay, iyo xisbigaba, furatay urur siyaasadeed aad afkaarta siyaasiga ah iyo hamigaaga dheer aad kaga midho layso, mudane Gudoomiye adigoo ah nin aqoon yahan waxaan ka xumahay inaad soo hadal qaado Beel wayn ka mida beelaha Somaliland wax dhib ahna aan kuu gaysan horayso danbaysaba , sharafna kuu haysa, qaarna kula socdaan , dhibaatada aad sheegatayna anigu nin reer burco ah ayaan ahayoo hadii aad doonaysid inaad ogaatid cidii gobalada bari ku shiiday ee aan ogalayn in madaxwaynuhu kursiga qabto waxay ahaayeen beesha aad ka soo jeedo, doraad kugu xeernayd ee ku sacbinaayay xaasha wax ceeb ah oo kaasoo gaadhay beesha aad ka cabatay ma jirto. Mudane gudoomiye waa caadi damaca kursi ee ku galay , waana kii somalilander kii horeba galay laakiin waxaa laga doonaya dul qaad isku wad , cabasho laaan , iyo ka midha dhalinta himiladaada adigoon cidna abaarin ileen somaliland ninka madaxwaynaha ahi cod buu ka wada doonyayaaye, sidii axmed silaanyaba oodwayne ugu noq noqdo hada iyo markii uu gudoomiyaha mucaaradka ahaba , gaba gabadii waxaan kula talin lahaa adiga iyo gudomiyaasha ama urur ha ahaado ama xisbi inayna dadka qabiil ku kicin si aan danta iyo wax wada lahaashuhu u yaraan oo dadku qabyaaladii uu ka soo kabtay ugu noqon, ururada siyaasada iyo xisbiyada looga gudbayna u fashilmin