Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


UCID-da Cusub Oo Dhoolatus Miisaan Culus Ku Soo Bandhigtey 12-Murrashax Oo U Tartami Doona Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Saaxil Iyo Hadaladii Laga Jeediyey DAAWO SAWIRADAN.


(Hadhwanaagnews) Friday, August 24, 2012
“Reer Berberoow u codeeya murashixiintan u tartami doonta doorashada Golaha deegaanka ee soo socota., si uu Xisbiga UCID u soo baxo, fursad-na ugu helno sidii aanu uga midho dhalin lahayn Xisbigu himiladiisi uu inta baddan ku hamiyey waddan lagu bedelo”. Murashaxa Jamaal Cali Xuseen.

Berbera(HWN):-Munaasibad dhoolatusa oo loo sameeyey laba iyo toban murashax oo ka mid ah murashixiinta UCID-da cusub uga qeybgelaya tartanka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Saaxil ayaa Xalay  lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Berbera.

Murashixiintan oo ay magacyadoodu kala yihiin Shide Xaaji Diiriye, Cabdifataax,Yaasin Maxamed Xasan (Dayr), Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi-Musbaar),Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cabdishakuur Cidin),Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf,Cawil Cali Sugule, Siciid Muuse,Cabdiraxmaan Caydiid Muuse, Ibraahim Xaaji Cabdi, Eng. Saleebaan Cali Khayre,Mustafe Xasan Cismaan, iyo Khaliil Jaamac Yuusuf oo kulmisay kumaan qof ka

kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan Gobolka Saaxil, waxa ka qeybgalay masuuliyiin sare oo ka socday UCID-da cusub (New UCID) oo uu horkacayo Murashaxa Madaxweynanimada UCID-da cusub Siyaasi Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID-da cusub Eng. Faysal Cali Waraabe,Xildhibaano ka socday Golaha deegaanka Berbera, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee UCID-da cusub Rooda Axmed Yaasin, Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee Xisbiga Cali Gurey,Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Gadhweyne),Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada, Salaadiin, odayaal, Cuqaal, Waayeel,dumar iyo dhallinyaro ay shucuurtooda ka muuqatay taageerada ay u hayaan murrashixiinta loo dabaaldegayey.

Munaasibadan soo dhawaynta ee loo sameeyey Shide Xaaji Diiriye, Cabdifataax,Yaasin Maxamed Xasan (Dayr),Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi-Musbaar),Cabdishakuur Maxamed Xasan,Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf,Cawil Cali Sugule, Siciid Muuse,Cabdiraxmaan Caydiid Muuse, Ibraahim Xaaji Cabdi, Eng. Saleebaan Cali Khayre, Mustafe Xasan Cismaan, iyo Khaliil Jaamac Yuusuf ayaa si weyn indhaha u soo jiidatay, iyadoo ahayd mid ka mid ah xafladihii ugu ballaadhnaa ee loo sameeyo murrashaxiinta u tartamaya golaha degaanka Berbera.

Musharraxa jagada Madaxweynaha UCID-da cusub (New UCID) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa u mahad-celiyey dhamaan taageerayaasha iyo masuuliyiinta sarsare ee Xisbigaasi ee xafladan dhoolatus-ka 12-ka murashax kala soo qeybgalay,waxaanu yidhi“Waxaan halkan hambalyo balaadhana uga soo jeedinayaa murashixiinta Golaha deegaanka Berbera oo aanu dufcadii kowaad oo ka kooban 12-xubnood caawa (Xalay) soo bandhignay, waa laba iyo toban murashax oo xula cid u ba-bbac-dhigi kartaana waxaan filayaa inaanay jirin, waa rag aqoon leh, waayo-aragnimo leh reer Berbera-na yaqaanaan. Dufcadan kowaad aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay waxa noo dhiman sagaal murashax marka laga hadlayo 21-kii magaalada Berbera, sagaalkaasina waxaanu ka geli doona liis dheer oo xulasho ah oo iyagana guddi ayaa loo xil-saarey”.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu bogaadin u jeediyey guddi uu ku tilmaamay inay soo xuleen murashixiinta laba iyo tobanka xubnood ah ee dhoola-tuska loo sameeyey “Guddidii soo xushay murashixiintu waxay u soo babbac-dhigeen hawl adag, qofkasta oo guddidaas ka mid ahaa Xisbiga UCID abaal-weyn ayuu u hayaa, waanan u og-nahay milgaha iyo sharafta ay qaateen in baddan ayey soo xulayeen (Murashixiinta) ciddi lacag kumaysiinin, laakin waxay ahaayeen taakuleyn iyo iyaga oo u hiilinaya Berbera.”Ayuu yidhi

Mar uu Jamaal Cali la hadlayey shacabka reer Berbera  waxa uu ka codsaday oo uu u jeediyey, waxaanu yidhi“Reer Berberoow waxaan idin leeyahay u codeeya murashixiintan u tartami doonta doorashada Golaha deegaanka ee fooda inagu soo haysa, si uu Xisbiga UCID u soo baxo oo uu uga mid noqdo sadexda Xisbi qaran ee tartami doona Doorashooyinka Baarlamaanka Iyo madaxweynanimada si aanu fursad ugu helno sidii aanu uga midho dhalin lahayn Xisbigu himiladiisi uu inta baddan ku hamiyey ee uu guddoomiyaha Xisbigu ku soo asaasay ee ah in aragtida dheer ee loogu talogalay in waddan lagu bedelo uga qeybqaadano, taasna garabkiina ayaanu ka eegaynaa oo Hees ayaa tidhaahda ‘Inkastoo nin Geesiyi rag u Geed adeyg yahay, Hadaan Garabka la la qaban,Guri oodi-maayo,…Maanta haddii aad idinku (shacabka) na kaal-meysaan oo aad noo dedaashaan oo aad Xisbiga u-dedaashaan ayuun-buu Xisbigu yididiiladiisa keenayaa, markaa qof-waloow-ba hawl ayaa ku taala,, markaa waa halkii Bucurdee reer Berberoow hawshiina wata….dadka doonaya inay mawjadaa UCID inay joojiyaan waxaan leeyahay yaanay idin jiidhin.” 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa taageerayaasha Xisbiga UCID ee gobolka Saaxil uga mahad-celiyey sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Meel laga qud-badeeyo waxaan ugu jecelay ayaan idhi Magaalada Berbera iyo Magaalada Gar-adag, waan idinku aqaanay inaad si fiican I soo dhaweysaan,waxaan aad ugu faraxsanay murashixiinta deegaanka ee aad soo bandhigteen waa tusaale wanaagsan oo waxay ahayd inaad mar hore soo bandhigtaan oo dad badan ayaa idin kaga dayan lahaa’ye waxaanan filayaa kuwa ay imika u hadhsan tahay ee ay Burco ka mid tahay inaad tusaale wanaagsan u noqon doontaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxa muuqata inaad idinku (Berbera) dantii shakhsiga inaad ka horeysiiseen dadkii magaaladiina oo aad tidhaahdeen waar yaa magaalada inoo wadi kara, waar yaa magaalada inoo hagaajin kara, laakin waxaan ognahay meelo baddan oo aan ka duulin oo dhalinyaro yaryar oo aan shaqo qabanin oo aan Istiikar iibsan karin soo sharxay”

Gudddoomiye kuxigeenka 3aad ee  UCID-da cusub  Cali Gurey oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dhamaan taageerayaasha Xisbiga UCID iyo madaxda Xisbiga ee xafladan dhoola-tuska kala soo qeybgalay ee is-muujiyey, waxaanu yidhi “Madashan(Bandhiga Murashixiinta Saaxil) maaha madashii aan filayey intii Ramadaanta sheekooyin ayaa noo imanayey wefti-baa la direy, lacag ayaa la bixiyey, waxaan is-lahaa ma nus ayaad meesha ugu tagi doonta (Xulka Murashixiinta Golaha  Deegaanka Berbera)  ma rubuc ayey idiinka tageen maxaad meeshi ugu tagi-doontaan, markii aan madasha imi run ayaa tidhi daadi. Waxaan is-weydiiyey dadka ma jirtaa cid Gole deegaan garanaysa?  Waxay ahayd maya, markaa waxaan aaminsanaa inaanay dadku garan macnaha looga jeedo Gole Deegaan… Su’aasha waxaan caawa helay Jawaabteedi oo waxa weeye HAA oo reer Berbera ayaa garanaya  waxa looga jeedo Gole Deegaan. Waxaan leeyahay deegaanada hadhay ee aan murashixiin soo xulin ha ku deydaan Berbera oo murashixiinta aad soo xulaysaan ha noqdaan ku wax soo kordhinaya oo dadku u baahan yihiin”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu waxa uu bogaadiyey taageerayaasha Xisbiga UCID, hogaanka iyo masuuliyiinta sarsare UCID, waxaanu amaan u –jeediyey Murashaxa Madaxweynaha UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay Naasel Mandelihii Somaliland, waxaanu yidhi “Waan u duceynayaa murashixiinta cusub ee tartanka doorashada Golaha Deegaanka uga qeybgeli doonta Xisbiga UCID, aniga oo ka mid ah guddidi soo xushay murashixiintan, xulida murashixiintan cusub ee ka kooban 12-ka murashax waxa uu ka dhashay baahida iyo dareenka Berbera inay helaan kuwii ku haboona ee hanann lahaa bay-lahda ay Berberi tabayso ILAAHAY-na waxaan uga baryayaa inay noqdaan kuwii lagu aflaxo”

Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa caawa (Xalay) ii sharaf ah inaan ka soo qeybgalo xafladan ee ay dadweynaha reer Berbera isugu yimaadeen ee lagu maamusayo tartanka loogu jiro mustaqbalka xulitaanka Golaha deegaanka iyo soo dhaweynta murashaxa madaxweynanimada  Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen Iyo Murashax kuxigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan, Xisbiga UCID talada waddanka wuu ku guuleysanayaa doorkan xaqbaanu u leeyahay inuu qabto. 

Suldaan Xasan Maxamed  Axmed (Hobo-Hobo), Xoghayaha  Maaliyada guddida fulinta ee UCID-da cusub Faadumo Siciid Ismaaciil, Xoghayaha arrimaha gudaha ee UCID-da cusub Maxamuud Saleebaan (Migiste), Kuxigeenka Xoghayaha guud ee UCID-da cusub Cabdinaasir Yuusuf (Qodax), Guddoomiyaha UCID-da cusub ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasin oo dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa waxay si siman ugu hambalyeeyen murashixiinta golaha deegaanka uga qeybgeli doonta UCID-da cusub ee xafladooda dhoola-tuska kala soo qeybgaleen, waxaanay kula dardaarmeen murashixiintan haddii ay soo baxaan in wixii loo doortey ay ka midho dhaliyaan si hiigsi-gii iyo himiladoo la doonayey loo gaadhi lahaa.  

Sidoo kale,Shide Xaaji Diiriye, Cabdifataax,Yaasin Maxamed Xasan (Dayr), Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi-Musbaar),Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cabdishakuur Cidin),Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf,Cawil Cali Sugule, Siciid Muuse,Cabdiraxmaan Caydiid Muuse,Ibraahim Xaaji Cabdi,Eng.Saleebaan Cali Khayre,Mustafe Xasan Cismaan, iyo Khaliil Jaamac Yuusuf oo ka mid ah murashixiinta UCID-da cusub uga qeybgelaya tartanka doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Saaxil oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay dhamaantood u mahad-celiyeen taageerayaashooda kala soo qeybgalay xaflada dhoola-tuska lagu soo bandhigay, isla markaana waxay bulshada reer Somaliland ka codsadeen, gaar ahaan dadka ku dhaqan Gobolka Saaxil inay codkooda siiyaan, waxaanay si isku mida u balanqaadeen haddii ay ku guuleystaan Xilkaa murashaxnimada Golaha Deegaanka ee ay u ordi doonaan inay si daacadnimo, xilkasnimo, wax-qabad muuqda  ay bulshadooda ugu shaqeyn doonaan haddii ILAAHAY yidhaahdo.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.