Hargeysa, -(HWN) Ciidamada Qaranka Somaliland ee xeebta galbeed ayaa tuulada Geerisa shalay ku qabtay koox ajaanib ah oo la doonayay in si qarsoodiya looga Tahriibiyo xeebta degmada Lughaya, kuwaas oo la sheegay in gaadiidkii siday ay ku dajiyeen deegaanada u dhexeeya Geerisa iyo Lughaya.
Sida ay Haatuf u sheegeen dad ku sugan deegaanka Geerisa ee xeebta galbeed in kooxdaasi Tahriibayaasha ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya la sheegay in gaadiidkii siday ay dhexda ku dajiyeen, isla markaana ay Ciidamada Qaranka ee xeebta galbeed ay gacanta ku dhigeen iyagoo lugaynaya deegaanada u dhexeeya degmada Lughaya iyo tuulada Geerisa,
kuwaas oo la sheegay in la doonayay in si qarsoodiya looga Tahriibiyo xeebta Lughaya, oo baryahan dambe wararku sheegeen inay ka dillaacday goobo dadka laga Tahriibiyo.
Kooxahan Tahriibayaasha ah ee lagu qabtay deegaanada xeebta galbeed oo tiradooda lagu sheegay 100 qof, ayaa la sheegay in loo soo gudbiyay Taliska Ciidamada Qaranka ee Geerisa