Door hore hadii aag gashoo dabin laguu qoolay
Deris inaad ka dhaxashay ahayd iyo digtoonaane
Daacadnimadu waa waxa ku baday diilalyiyo ciile
Doorkii kastaba been cad oon laga dawoobeynin
Dariiq laamiyiyo riigag badan dabaqyadaan taagi
Baddaan soo duwaayaa dhulkaan dalaga maanshayne
Dahab baan ka dhigi buurahoo dheemantaa dihine
Dariiqii xornimadaan aqaan dawga loo maro e
Duf ku baxa dadkaygoow miyaan beenta laga daalin
KULMIYENA waxaan leeyahay somalidu waxay ku maahmaahdaa MEEL LEG LAGU CUNAY LAFO LAGUMA RUUGO !!!!!! dadkan masaakiinta ahi waa kuwii idinla soo kifaaxay ee aad cidlada kaga dhaqaaqdeen been beentii hore ha ugu sii darina ee ilaahay ka cabsadoo iskaga taga oo ka joojiya burburinta iyo tafaraaruqa aad ku haysaan wada jirkooda hana ku hodina balanqaado
danbe (MUSLIN LABA JEER HOG LAGUMA QANIINO) koley xiiso badan laydiinma qabo sheekadan shirarka lagu afduubayona waa laydinkaga danbeynayaa ee hays macaashiinina
waxaa is weydiin leh intaan doorashadu soo dhowaan maxaad u tegi weydeen gobolka oo maanta markii aad u soo gaajooteen codadkii bilaa xisaabta ahaa ee aad uga barateen xiligii laydiin jeclaa aad ugu soo qayla diranaysaan waa maxay salaadiinta iyo cuqaasha dib boodhka looga tumayaa miyaadaanse ogayan in dadkii hada wax badan fahan san yahay?
KULMIYOOW ma adaa abaalaawe ah mise shacabkaa idinka gardaran?
maxaa ka qaylaalsiiyey taageerayaashiinii fara badnaa aawey reer GEBILEY ,aawey raar BALIGUBADLE, aawey reer SANAAG , BURCO iyo HARGAYSI maxay la foororaan
waxaan xasuustay maahmaah somaliyeed oo ahayd wiil yar oo sadex jiraa ayeeydii adhi la raacay ka dinba islaantii waxay iska rifaysey timo , timuhuna marka la jarayo waa xanuun miidhan ka dib markay tin iska jartoba islaantu way qaylisaa
kii yaraa baa yaabay cid ayeeydii dilaysana waa garan waayey ka dib waxuu ku yidhi (AYEEYO ADIGAA IS DILAYEE IS DAA) waxaan KU SOO GEBAGEBAYNAYAA
KULMIYOOW ADAA IS DILAYEE IS EERSO
shacbkana guud ahaan iyo gaar ahaan reer sanaagna waxaan leeyahay kuwii hore ee aad ku xiiqdeena waad aragtaan kuwan cusubna waa siyaasiyniin oo waxay noqon ilaah baa oge midnimadiina derisnimadiina ilaashada oo yaanu idin kala dilin min maalinta ololuhu dhaamdo aragtidiisa iduunku danbayso !!!!!!! waxaan ku soo gunaanadayaa maansadan yar