Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Qaran u xusulduuban Qabyaalad Maxaa u xal Noqon kara ?


(Hadhwanaagnews) Friday, August 24, 2012
Qormaddani oo aanu daaha kaga rogi doono sida ay Somaliland intii ay jirtay ay horumarka u hiigsanaysay laga soo bilaabo 1991kii waxa iyana meesha aan ka maqnayn inay qabyaaladdu ay maalinba maalinta ka danbaysa sii faafaysay

Qormaddani oo aanu daaha kaga rogi doono sida ay Somaliland intii ay jirtay ay horumarka u hiigsanaysay laga soo bilaabo 1991kii waxa iyana meesha aan ka maqnayn inay qabyaaladdu ay maalinba maalinta ka danbaysa sii faafaysay waxaana loo baahnaa inaynu qabiilka kaga baxno hanaanka axsaabta badan markii dalka laga hirgeliyey, balse taasi waxay keentay ninka Fikirkiisa cabira in la yidhaahdo oo Dadka ay yidhaahdaan waa xisbi hebel ninkaasi oo halkaasi ayuu ku qotomaa .

 
Markii Dalku Sedex Xisbi Qaran oo kooto ah dalku ha lahaado la yidhi ee Udub,Kulmiye iyo Ucid dadweynihii reer somaliland ayaa ka dhiidhiyay inay dadka Xukun aan Ururo kula tartamin inay dalka ku haystaan waana marka

keliya ee dadka reer somaliland ay ka tooseen hurdo aan abid aanay jeclayn siyaasiyiinta axsaabtaasi inay arkaan ummaddii oo ka daashay in sedex dhadhaar ay mar kasta dul aalaan haddii ay dhacdana ay noqdaan sedex xisbi oo rabitaanka shacabka ku yimaada oo la bedeli karo haddii hadafkii loo doortay meesha ka baxdo.
 

Haddaba iyadoo ay taasi jirto Waxa si weyn loo dareensanyahay Jamhuuriyadda Somailand inay tahay dal dimuqraadi ah oo shan doorasho oo xor iyo xalaal ah soo maray afkana Ay siyaasiyiintu ku afgobaadsadaan dadweynaha kolba doorashada la qabanayaa inay tahay tii ictiraafka Somaliland ku helaysay waxaa taasi ka wanaagsanayd in la yidhaahdo waa mid loogu dhawaanayo ictiraafka ayaa ka afsoomaali fiicnayd inay Madaxdeenu tidhaahdo.

 

Dadweynaha Reer Somaliland waa Dadkii ku Gacan-saydhay Qabyaaladii tooska ahayd ee Macangagii siyaad barre kula kici jiray Masuuliyiintii goboladda waqooyi madaxdoodii wuxuu ka doorbiday inuu wax ka dhegeysto gaas dhagoole mareexaan ah iyo kuwo ay isku hayb yihiin taasi oo dhalisay in Burbur ku dhaco Soomaaliya dhamaanteed.
 

Waxyaabaha marka laga yimaado xasuuqyadii ay gaysatay xukuumadaasi ee Waqooyiga ku jihaysnaa sida Dabargoyntii Reer sheikh isaxaaq kuwii loola baxay ,iyo Diintii oo ugu danbayntii uu ka been sheegay kitaabkii alle ayaa sahayday Dawladdii siyaad barre ee Xooga labaad ee Afrika sheegan jirtay inay tahay waxaa meesha ka saaray Ururo xaq u dirir ah .

 

Maadaama ay sidaasi ku dabaysay Dawladdaasi iyo nin kasta oo qaranka uu xukumo qabiil ku hogaamiya iyo qabyaalad toos ah oo aan gabasho lahayn ninkasta oo ku sifoobaa taasi ayaa u hanti ah waxaanay raadadkaasi ay ku reebeen Dadweynaha soomaaliyeed iyo somaliland intooda indheer garadka ihi inay qaarkood si kasta uga gadoodaan Qabyaalad haddii ay Dareemaan iyo wixii la hal maala.

Dhaliyarada Reer Somaliland inta aqoonta leh iyo dhalinyaradda aanay aqoontoodu durugsanaynba waa kuwo ka madhan Qabyaaladda ku dhaqankeega waxaana baahanyahay inay sidaasi guntiga ugu adkaystaan siddii ay cod sare iyo mid toos ah ay qabyaaladda uga dagaalami lahaayeen.

 

Waxaa loo baahanyahay in Dhaliyaradda Reer Somaliland aanay noqon kuwo mar kasta cod iska keen ah aanu kaga khasaarin codkoodu ee dooro nin dhalinyar ah oo codkaagii dhalinyaranimo kusoo baxa ogsoonoowna in adiga laguu tartamayo codkaaga inagaa reer hebel ah kanaa sxbkaa ah kanaa Classmatekaaga ah kanaa ad garanaysaa ee dooro waa in maskaxda lagu wadda hayaa.
 

Ogsoonoow camal la,aanta dalka ka jirtaa inay 70% ay dhalinyaraddu bilaa camal yihiin kii wax soo bartayna ee shahaadad jaamacado ka qaatayna wuxuu ka maarmi waayay wasto yaa hebel garanaya yaa fura oo shaqo kaaga dhameyn kara ad xaq u lahayd inaad waddo taasi dhaanto aqoontaada laguugu xulan lahaa ay ka wanaagsanayd markaa Dhalinyaradda waxaa looga baahanyahay inay doorashooyinka golaha deegaanka ay si weyn u soo saaraan dhalinyaradda iyo weliba haweenka taasi ayaa xal iyo isbedel waaraya ku keenaysa Qabiilka iyo qabyaaladda iyo qaranka is barkanaada had iyo jeer ee qof kastaa ka dheregsanyahay.

 

Ninkastoo isweydii yaa u Sabab ah dhulboobka dalka ku baahay ,cadaalad darradda maxkamadaheena ee duhurka cad laaluushka lagu kala qaadanayo xaaladduna waxay noqotay miskiin baa misko la cuskado leh kumaa dhalinyarooy odhan kara xukuumaddu way ka indho laadahay waxa maxkamaddaha dalka ka socda hebeloow laaluush qaate ah digniin la siiyo isagoo meesha laga saaro ayaa meesha taalay ee xaaladdu waa kud ka guur oo qanjo u guur ee waxqabadkii iyo ballanqaadyadii dawladda waxaa ka awood badan qabiilka laaluush qaatihii qabiil ayaa lagu dhawrayaa markaa waxaasi dad aan waxba geysana waa reer hebel ayaa lagu xidhayaa waa arrin yaab ah maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda Booraan Haddimo ha Qodin ku dhici doontaana mooyee inta Cindiga ku haysa hebel ayaa manta jooga oo cid wax iga qaadi kartaa ma jirto waa beentaa weliba waxaan si gaar ah u sheegayaa Niman Maqiiqan oo waayadan danbe Saxaafaddii somaliland xidigtii October u haysta oo ku odhanaya sided Madaweynaha wax uga sheegtay madaxweynuhu ma nebi bariga burco ku dhashaybaa miyaanu ahayn ninkii dadweynuhu codka ku doorteen .
 
 

Aaway Madaxweynihii Ololaha ku gallay haddii lay doorto albaabadda Madaxtooyaddu cidna ka xidhnaan mayso inta jilicdasan ama kuwa la dulmiyayo waan ballaqayaa Mujaahidka Taloow ma Baqdin ayaa gashay aan ku jirin wakhtigii Dawladdii siyaad barre Taladda haystay dadweynuhu waa taa weeyaan waxay had iyo jeer isweydiiyaan qodobka ugu weyn wuxuu yahay Raggii SNM Aasaasayaashiisa ahaa ee garabtaagnaa wakhtigii halganka Mujaahid siilaanyo waxaa kala miisaan cuslaaday ama uga qiime weynaaday mid Ololihii Kulmiye dhex boodboodi jiray oo ku ololayn jiray cay, ceebayn iyo isirnacayb qof kastana umaddaa taqaana ee isagu isma yaqaano aadamaha ayaaba sidaa ah .

 

Mida cindiga lagu wadda hayaana waa xil ka qaadistii Mujaahid maxamed xaashi cilmi sababtii lagu bedellay ay ku soo ururtay wasiir mareexaan ah ayuu ku soo saaray xisaab jirta taasi mid la aqbali karo maaha waxaanan ogahay inuu maanta Maxamed xaashi ka taageero badanyahay xukuumadda siilaanyo dee maxay qiil u heleen bedelkiisa ?
 

Waxaa dalkiina caado noqotay in la yidhaahdo Ninka Fikirkiisa cabira wuu caytamay miyuu caytamay mise Daaha ayuu ka rogay arrimaha jirra Qandaraasyadda wasaaraddaha qaarkood ka baxa Waxay maraysaa reer hebel ha la siiyo iyo awood iyo muquunin kii ka hadlana in la cabudhiyo qormaddan ayaa laysku baran Madaxweynahana waxaan leeyahay Somaliland oo dhan ayaad sheekh adeer u tahay madaxweyne ee Xamarji iyo ina xaashi ma waxa qabatay ayaanu kaa aqbalnaa mid aan somaliland inteeda kale ee gunta xeedhada fadhida Shaw guulwadeyntii hadda unbay meeshii ugu saraysay Maraysaa labadaasi masuulna mid ka mid ihi Waaba Aasaasihii SNM markaa wiilyaroo qurbo joog ah ayaa kaala qiime weynaaday miyaa somaliland weligeed ictiraaf helaysaa haddii aan Runta laysku sheegayn rayiganna Anigoo Qoraa ah ayaa fikirkan aaminsane Kooxdii Qaaxa ee Kulmiye ku hadhka ahaa yaanay odhanin ninkaasi hebel ayaa ka danbeeya waxaaa uu qoray Waa halhayskooda markaa dee xuquuqdii qalinka ayaa idin haleelay ee inta Qalinka iska dhigtay ee sababta ay u dhigeena aan ogahay qarsoomi maayaan

 
lasoco qormadda danbe .

Qalinkii Mohamed M.Inji

mahamad95@hotmail.com
 
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.