Runtii waxaa wax aad looga xumaada ah in XISBI Qaran
uu isagoo aan tartan lagu reebin uu iskii u baabo´o
oo uu SAAXADDII SIYAASADDA ka sii baxo intii aan siidhiga
ciyaartuba bilaabmin/bilaaban.
Anigu waan ogaa in Ragga ku jira XIBSIGA UDUB ay
ahaayeen qaar dawladnimada ay dhaxleen (xukunka ay
hayeen ee Cigaal uga dhintay) ay asturaysay, haatanna
waxay noqdeen qaar ay ka daba timid aqoon darradii
siyaasadeed oo waxa soo baxay wixii ay ahaayeen .
Waxaad moodda in Daahir Riyaale soo qaatay QANDARAAS
uu UDUB ku dumiyo. waayo waxaan aad ula yaab markii
aan maqlay in INA RIYAALE hambalyey oo uu soo dhaweeyey
IS-CASILAADDII Ahmed Yussuf Yaasiin, halkii uu ka muujin
lahaa inuu ka xunyahay go´ aankaa.
Islaan baa laga hayaa " NINKAASI INANTAYDA KAMUU
ILMA DHALI KARI WAAYINE WUU HAGRANAYA´´
Waxaan filayaa in baryahaaba dadka siyaasadda u dhuun
daloolaa ay arkayeen in UDUB ay sakaraad tahay .... waxase
hadda cid walba u jeedda IN UDUB AY HADDA SII GO´DAY.
Shirweynaha uu RIYAALE ku baaqaynaa aniga malahayga
waa AXANKI iyo FIDDIHII ee marnaba ma noqon karo shir
caadi ah.
CID iyo UDUB intii aan la bilaabin tartankii ururada
ka hor ayay ay SAAXADDII SIYAASADDA ka sii
baxeen
Wa billaahi Towfiiq
Cali M. Aadam (Cali Xaruuri)
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.