Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


XAFLADDII UCID EE BOORAME IYO HADALLADII CALI GURAY KU RUSHAYNAAYEY REER AWDAL


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
salaan guud reer somalilandow mid gaarana hadhwanaag news : intaa ka bacdi waxaan dhegeystay qudbad uu ka jeedinayo cali guray boorame

salaan guud reer somalilandow mid gaarana hadhwanaag news : intaa ka bacdi waxaan dhegeystay qudbad uu ka jeedinayo cali guray boorame oo taagga uu isleeyahay xikmad baad ku hadlaysaa anigase iila muuqatay cantarabaqash iyo carruuro cabsiis iyo ka nixin uu ka nixiyey faysal cali waraabe markii uu soo qaaday dhallinyaradii UFO ee la lahaa faysal baa xadhigooda ka dambeeyey , miyaanu ninkani xishoonayn miyuu la jiraa Faysal mise wuu ka jiraa marka uu hurgumo jiifta kusoo kicinayo miskiinka . ta labaad yuu ku beerlaxawsanaya Riyaale ayaa wanaagsan oo aan eex iyo qaraabakiil lahayn mise reer borama ayey isxigeen Riyaale oo bariiskuu ugu macaaneynayaa , Muxuu uga soo cararay hadduu naf ku ogyahay udub daacadnimona Riyaale u qiraayo muu la gudhiyo

oo toosiyo hadday udub yara dheeliday . mise Jamaal woxogayga uu hayo ayaa nin waliba weel u samaystay maanta hadhowna marka Jar laga tuuro hadba meel dhadhamo leh loo cararayaa . wuxuu ahaa Mujaahid beenle mar kulmiye , marlabaad Udub haddana Ucid berritona qaar kale .. Ilaahay ha laga baqo oo ninka da´da yar ee aqoonyahanka ah ee taladii ka hallowday ha loo naxo . Jamaal waa saaxiibkay una hanweynaa markiise uu noqday sidii ninkii yidhi digaaga waan jeclee markuu daaq tagaabaan nacaa ayaan ka baydhay , waxaan uga jeedaa halkuu xisbi cusub saaxiibkay ka furan lahaa ayuu u booday dhulkaba meel aan la degin kii degaana uu ku jabo . bal eeg hadalada naxliga ah ee ka soo baxaya afka faysal waagii beryaba ee ummaddu ku qososho ee la kala garan la´yahay inuu dhanyahay iyo inkale .. saaxiib Jamaalow maxaan kuu qaban karayaa adaa ka fadkudiyey meel aan fiicnayn laguna faaidine weliba weheshaday laba Jiic oo waxay qasaaan mooyee waxay toosiyaan la arage.. Raxmaddase ilaahayse lagama quusto
 
Alla mahadle
D.Jama, S/A
 
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.