Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Kal-Fadhigii 19-aad Ee Golaha Wakiilada Oo Maanta Furmay Iyo Mudanayaasha Golahaas Oo Loo Qaybiyey Ajandaha Kal Fadhigan.


(Hadhwanaagnews) Sunday, August 26, 2012
Hargeysa(HWN):-kalfadhigii 19-aad ee golaha wakiilada ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta golaha wakiilada Soamaliland ee magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):-kalfadhigii 19-aad ee golaha wakiilada ayaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta golaha wakiilada Soamaliland ee magaalada Hargeysa.

Fadhiga maanta ee uu ku furmay kal-fadhiga19-aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Md.Baashe Maxamed Faarax waxaana  mudanayaasha loogu qaybiyey ajandaha kalfadhiga 19-aad ee golaha wakiilada.

Ajandaha kal fadhiga 19-aad ee golaha wakiilad ayaa waxa uu ka

kooban yahay qodobadan.

1.      Warbixinta shir gudoonka golaha wakiilada,guddida joogtada ah iyo guddiyada kale ee golaha wakiilada.

2.      Mashaariicda sharci ee golaha hor yaala.

Sidoo kale xeerarka ku jira ajandaha kalfadhiga 19-aad ee golaha wakiilada ayaa waxay kala yihiin

1.      Xeerka baanka Islaamka

2.      Xeerka nabad galyada wadooyinka

3.      Xeerka saamiga kootada haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

4.      Xeerka fayo dhawrka hilibka

5.      Xeerka Aas-Aaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

6.      Xeerka ganacsiga hawlaha baanka

7.      Xisaabka xidhka dawlada 2008,2009,2010.

8. xeerka statistics-ka  
 

Dhinaca kale waxa ajandaha kal fadhiga 19-aad ee golaha wakiilada ku jira

1.      U yeedhista masuuliyiinta qaranka

2.      Ansixinta masuuliyiinta qaranka

3.      Iyo wixii kale ee soo kordha.

 

Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa maalmaha soo socda guda gali doona ansixinta ajandaha kalfadhiga 19-aad ee golaha wakiilada.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland.

Goud423@gmail.com

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.